Sign in to follow this  
nuune

Dalkii waa la deyriyey!

Recommended Posts

Originally posted by muriidi:

why are you singling out somalia ?

 

somalia is a member of the arab league;somalia is a member of the african union ; somalia is a member of the poor countries' club like bangladesh and chad.in case the rich countries fight over their riches and the rich land is destroyed, we can always move to the lands wee intentionally keep poor ,like chad or somalia.

 

as for the somalis who live abroad...the e.u. naturalization project...moderate islamic countries like turkey and bosnia,as a role model for somali communities abroad .

 

if you want to discuss arrimaha gudaha...

 

bring one marduuf each ,we can share one isteek ,iyo wadaad noo fasira bukhaariga.

 

 

i think, i 'm not sure...

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Maaddeey, ku rogaal celi waxa aan qorey, qumaatina u dhuux adeer, hadaan iri Xiin Caravan topiga ha soo celiyo micnaheedu waa wax dhaamo ma jiro kaa, isagaaba laga doodi karaa oo dhaami lahaa waxa hada meesha daadsan, mise Caravnaka Xiin ayaad ka boodey kolkaan carrabka ku dhuftey :D waa caadi rag madaxuu isla galaa, sidii dibidana waa la is hirdiyaa,

 

 

Mowqifkeyga waa cadyahay, mugdina kuma jiro, hadalkeyga dulucdiisa waxa uu ahaa qoloda xalka dalka iyo dadka daryeeli halkaas ayaa la iga heli, illaa al'aankan firqo xal wadanka u heyso uma jeedo, mid meerasata sidii dubaabka meelaha, tu ka dartoo dadka iska hor keento, tu kaloo ayadna ku dadaaleyso iney daneysato, waa saddex kala daran mid dooro, tuna dooran maayo, duurkaan kaga jiri,

 

 

Waxaad ka dhawaajisey in shabaab iyo xisbiga ay wadanka xal u yihiin, haddey xal u hayaan anaa kaaga horreen lahaa, soona arkey dhawaan waxa ay hayaan, waxa ay qabtaan, faaiido iyo khasaaro, ummado iyo qowmiyado cabsi iyo walwal ku nool afar iyo labaatan saacadood ayaan soo arkey, marka xalka aad sheegeyso bal ii sheeg aan ku hor kacee??!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waar heedhe, i was always a peacemaker and i tell people to follow Somaliland's path for reconciliation laakiin when you have:

 

Alshabab

Hibul Islam

Hassan Turki

TFG

Bugland

galmudug

raaskamboni

and others

 

All fighting each other ,, then it is difficult that they listen my call.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Nuune Inadeer, Xaqqa maadigaa lagugu gartaa oo dhankaad jirtuu jiraa miyaa? waa la is qilaafi karaa oo qolo walbaa meel ayay moodi kartaa inuu Xalku yahay, nin walbana ha caddeeyo siduu isagu ama Xalka u yahay ama wax dhaama aysan jirin! Adigu, Akhi Al Caziiz, sidaad sheegtay xuduudaha ayaad tagtay, waana meel colaad dhow ka jirto, Insha Allah waa: SAXAABATU SAYFIN.....CAMMAA QARIIBIN TANQASHIC

 

Anigu waxaan tegay meel ay wada joogaan labada qolo ee midkeen walba moodo iney xalka yihiin ama wax dhaama jirin, is barbar-dhig ka fiirsasho ku jirtaan ku sameeyey, waa magaalada Caasumadda ah ee Muqdisho, Qayb ka mid ah c/casiis ilaa Madiino ayay joogaan (2 kmka caanka Sol ka ah waa ka badan tahay to be fair) inta kalena Al-Mujaahiduun baa jooga (with their flaws)wax la is barbar dhigo maaha, waxana garan kara ruux baabuur caasi ah ka soo raaxay X/weyne ilaa Bakaro ama Madino to Bakara! FYI dadki Madiina ka imaanaayey waxay la yaabeen biyaha daadsan dhulka Mujaahidiinta ka taliyaan.. waa roob lagu diirsaday!! Allaahu Akbar!!! smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Maaddeey, in la wada hadlo waxaaba ku salaysan topigan, oo xalka la raadiyo, iyo meesha uu xalku ku jiro, ama nabad laga heli karo walaw haba yaraatee, marka fikirkeyga ayaa saas ah, waadna igu raacsantahay taa smile.gif

 

 

Labada qolo eed tiri xalka wadankey hayaan waa Shabaab iyo Xisbiga, haddey labaduba xal dalka iyo dadka u yihiin maxaa iska horkeenay oo kala geeyay?!!

 

 

anaa amiir wa anta amiir unbaa na wada indha tirey, goormaan tanaazul sameeneenaa, bal wakaa Maaddeeyoow xal la iskugu keeno Shabaab iyo Xisbiga keen adu, oo is hor fariisi labadooda, kadibna tallaabada kale hala arkee waxey noqon.

 

 

lool@xuduudaha ayaad tagtay, waana meel colaad dhow ka jirto,

 

oo hadda unbaad laheed meelahaas waa meela nabdoon, durba colaad baad ka dhigtey :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Yaa Shaykh Nuune,

 

Markaan xuduudaha ka hadlayey waaa cabsida & argagaxa aad sheegtay, adba dagaal maadan sheegin, ee kan dhowaan ka dhex dhacay Shabaabka & Axmad Madoobe ayaa saameyn ku leh, oo qolada uu ka dhashay ay dareemi karaan in iyaga la target gareeynayo, ee meeshu waa nabdoontahay, lakin here and there wax waa iska dhic-dhici karaan (Xalayba madaxii xisbada ee Dhoobley ayaa Kismayo madaxa looga jebshay)what goes around comes around ha dheheen kuwa wax iska dhah-dhaha!. Inkastoysan is laheyn, iskuna fadli & karaama & waqti ahayn haddana ma ogtahay in Sayyidnaa Cali & Mucaawiyyah intey dagaallamayeen aan Jihaad Gaalo looga soo horjeedo dhicin, taako dhul ah oo Muslimiinta u ziyaadayna jirin? waxaanna hubnaa inaan la dhihin iyagaaba is heystee aaway xaqa ay u dagaallamayeen?, waa sheeko dheer oo fiqhu Siyaassah, Masaalix & Mafaasid in la fiir-fiiriyo u baahan, ee wax innagoo bood-boodeyno aan durba go'aan ka qaadan karno maaha!.

 

Intii ka horreysa, quraan saarka hadday kula gasho agagaarkeyga ila soo socodsii :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Stuff and nonsense (mostly to Xiin, Rayyan and Showqi).

 

It's politics, people. And apart from the usual press statements of NSPU (or whatever they were called) or that Djubuti guy going on about the four people killed in Awdal, the discussions are as they should be and there is hardly any calaacil to be found (until now, on THIS thread).

 

Xaaji nuune, did you see a crying child in your travels and came back full of remorse? Snap out of it, saaxib.

Share this post


Link to post
Share on other sites
B   

i think nuune is right. we should promote peace! these myopic ideas are not nice and dangerous, esp for visitors to this section of the site.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this