Sign in to follow this  
Gabbal

Gedo diaspora vow support for new governor.

Recommended Posts

Gabbal   

Shir Lagu Taageerayo Gudoomiyaha Gobalka GEDO Oo Ka Dhacay Columbus, OHIO

 

Shir lagu taageerayo gudoomiyaha cusub ee gobalka GEDO Mudane Xuseen Sh.Cabdi Ismaaciill (Fareey) ayaa lagu qabtay magaalada Columbus, OHIO. Waxay dhamaan dadkii ka soo qeyb galay shirkaasu ay go'aansadeen inay jaaliyadu ay hiil iyo hooba ay la garab istaagaan maamulka cusub ee gobalka GEDO. Waxaana loogu baaqaya in shacabka GEDO ay la shaqeyaan maamulka cusub si gobalku loogu dabaalo horumar iyo wado noolaasho. Waxaana ilaahey ugu rajeynayaa inuu noqodo midkii noqdo inuu guto xilkiisa si daacadnimo ah isla markaana soo afjaro khilaafaadkii ka jiri jiray gobalka GEDO.

 

Chief Adan-Barre Axmed Seed- Wakiilka Ugaaska

1. Gov. Xaaji Cali-Xaashi Maxamed Adan

2. Amb.Adan Xirsi Ciise (Sandheere)

3. Xildhibaan Xaaji Nuur Cali Xasan (Nuur-Gaab)

4. Maareye Guud,Cabdullahi Xaashi Waranle

5. Xasan Cali Cumar-Gudoomiyaha Somali Community, Columbus, OHIO

6. Col.Xaashi Cali-Mire Maxamed

7. Xaydar Cali-Dhuux Cumar Cilmi

8. Xasan Xaashi Dhoore

9. Col.Cabdi Xaashi Dhoore

9. Ibraahim Yusuf Holosh (Ibraahim Dheere)

10.Col. Maxamed Dauud Cilmi

11.Col.Ibaraahim Shire Warsame

12.Col.Ibraahim Guulwade

13. Cali Sheekh Axmed-(Cali Taar)

14. Col.Cabdullahi Muuse Dhadoon (Kashiido)

15. Col. Ibraahim Guleed Jucfe

16. Duuliye Sare Cali Garaad Axmed

17. Xaaji Axmed Macallin Juquraafi

18. Cabdi Jaamac Guunguune

19. Cabdirashid Cali-Dhuux Cumar

20. Eng. Maxamed Cali Xaashi

21. Mahad Wadeeco allah

22. Col.Xuseen Sh.Cabdullahi

23. Axmed Shire Deer -Dhagacadde

24. Axmed Nuunow Barre

25. Col.Yusuf Farax Xasan (Garaaso)

26. Col.Cismaan Xandulle Guule

27. Sh.Xasan Cali Xirsi Base

28. Adan Xaashi Axmed DHabacadeeye

29. Cali Xaashi Axmed Dhabacadeeye

30. Maxamed Cabdullahi Faarax

31. Maxamed Cali-Qamaan Guleed Jucfe

32. Saahid Qodob Cali-Gurxan Jucfe

33. Cabdul Adan Biixi Ilaawe

34. Cabdi warsame Xirsi Deer

35. Maxamed Faarax Buraale

36. Axmed Maxamuud Dirir

37. Nuur Cali Caabi (Qaxooti)

 

Jees

Gedonet, Columbus

Share this post


Link to post
Share on other sites
Yeniceri   

^^

 

True say. Hambalyo is definitely in order. Let's hope that the governor-elect will bear fruit for his new administration, with so much support from the community.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Talaado, Dec 13, 2005

 

Allgedo! News, Sunday, Dec. 11, 2005

 

C/Qaadir Cusmaan Jaamac oo ah Aqoonyahan Degan deg B/dheere Ayaa shaaca ka qaadey inuu yahay Musharaxa Jagada Gudoomiyaha G/Gedo.

 

 

What is this all about? I thought the case was closed when the governor was elected.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

The deed is done.

 

Xaflad Lagu Maamuusayo Barasaabka Gobalka GEDO Oo Lagu Guda Jiro

 

Guddigii loo xilsaaray xafladda lagu maamuusayo gudoomiyaha cusub ee gobalka GEDO ayaa si habsami ugu guda jira qabanqaabada xafladda. Mid ka mid ah guddiga qabanqaabada xafladda oo xalay u waramayey GEDONET ayaa shaaca ka qaaday inay dadweyne badan oo ka mid yihiin nabadoono, waxgarad iyo dhammaan qeybaha kale duwan ee bulshaweynta gobalka GEDO iyo weliba xildhibaanada ka socda dowladda federaalka ku meel gaarka ah ay ka soo qeyb gali doonaan Xafladan.

 

Wasiirka ku xigeenka garsoorka Xildhibaan Yusuf Maxamed Cabdiqadir (Kaanti), Xidhibaan Xasan Cabdi Xiiray (Deer), Xildhibaan Nuur Mataan Biriq, Xildhibaan Xuseen Cadaawe, waxgaradka,culumaadiinka, haweenka, maamulada degmooyinka iyo dadweyne badan oo kakala imaan degmooyinka iyo degaanada gobalka GEDO ayaa la filaya inay ayaguna ka soo qeyb galaan xafladda oo aan weli waqtigeedii la cayimin.

 

Xildhibaano kale oo ayaguna ka imaan magaalada Jowhar ayaa ayaguna la filayaa inay imaan doonaa caasimada gobalka GEDO si ay ugu qeyb galaan xafladda. Afhayeenka xafladdu waxaa kale oo uu sheegay inay martiqaad u direen masuuliyiin sarsare oo ka tirsan isbaheysiga dooxada jubba.

 

Dhanka kale, waxaa ka socda magaalada G/Haarey dib u habeyntii xafiiskii iyo hoygii gudoomiyaha gobalka GEDO oo ay kaalin weyn ka qaateen maamulka degmada G/Haarey iyo waxgarad iyo ganacsatada magaalada G/Haarey. Xafladda lagu maamuusayo mudane Xuseen Fareey ayaa waxaa akhristayaasha Gedonet ay ka dhageysan doonaan idaacada gobalka GEDO oo laga dhageysan karo www.radiogedo.com iyo GEDONET.

 

Xamdi-Yare

Gedonet

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Isbaheysiga Dooxada Jubba Oo Maalgelinaya Maamulka Cusub Ee Gobalka GEDO

 

Wararka imaanaya magaalada Kismaayo oo xarun u ah isbaheysiga dooxada jubba ayaa sheegaya in maamulka sare ee isbaheysigaas ay maalgelin doonaan maamulka cusub ee gobalka GEDO oo madaxda ka yahay Mudane Xussen Sh.Cabdi Ismaaciil (Fareey). Maamulka gobalka GEDO ayaa in dhoweydba xiiiro kale duwan la sameynayey madaxda isbaheysiga dooxada Jubba si taageero dhaqaale ugu helaan loona taabogeliyo hirgelinta qorshaha maamulka gobalka GEDO oo ka mid ah goballada ay sida aadka u ah u aafeeyeen dagaaladii sokeeye ee ka dhacahayey dalka Soomaliya.

 

Afhayeen u hadlay isbaheysiga ayaa shaaca ka qaaday inay soo dhowaynayaan maamulka Xuseen Fareey ayna si weyn ula shaqeyn doonaan ayna markastaba garab istaagi doonaan. Afhayeenku oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu GEDONET u sheegay inay ay ugu deeqi doonaan Gaadiid uu isticmaalo maamulka gobalka,deriska ciidamada aminga iyo baabuuro kale oo ay ciidamada amniga gobalka ay isticmaali doonaan, dhowaan la soo gaarsiin doono waa sida uu hadalka u dhigaye afhayeenku.

 

Afhayeenku waxaa kale oo intaas ku daray inuu gudoomiyaha gobalka GEDO uu dhowaan imaan doono magaalada Kismaayo si uu uga hadlo madaxda isbaheysiga dooxada jubba baahida iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin in maamulka GEDO laga caawiyo.

 

Xamdi-yare

Gedonet

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this