Sign in to follow this  
Taako Man

President Yusuf meets with more clan leaders !

Recommended Posts

Madaxwayne C/laahi Yuusuf oo maanta kulan la yeeshay beesha Galmudug

 

January 13- 2007 HornAfrik, Mugadisho

 

Madaxwaynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho waxa uu kulan kulan kula yeeshay siyaasiin waxgarad iyo haween ka tirsan beesha Galmudug.

 

Kulankan oo muddo saacado soconayey ayaa waxaa beesha Galmudug horkacayey odayaal iyo siyaasiin ay ka mid ahaayeen Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Ceydiid, siyaasiga Maxamed Faarax Jimcaale, Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid” iyo Gen. Maxamed Warsame Dhooley waxaana dhamaan odayaasha siyaasiinta iyo Haweenkii ka qeybgalay kulanakas madaxwaynaha maanta uu la qaatay beesha ay ku taageereen dowladda fedraalka.

 

Xubnahan kale duwan ee isugu jiray siyaasiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda beesha Galmudug oo halkaas ka hadlay ayaa dhamantood sheegay sida ay beesha diyaarka ugu tahay inay la shaqeyso dowladda fedraalka, waxaana ugu dambeyntii halkaas ka hadlay Ra’isal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Ceydiid oo sii adkeeyey tageerada beesha u heyso dowladda fedraalka.

 

Kulankaas ayaa waxaa soo gabagabeeyey madaxweynaha dowladda fedraalka KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf oo sheegay in beesha looga baahan yahay inay ka qeyb qaataan soo celinta ammaanka magaalada Muqdisho isagoo sheegay in magaalada Muqdisho weli ay ku sugan yihiin kooxa ka haray maxkamadihii Islaamiga kuwaas oo dhibaatooyin ka geysanaya magaalada Muqdisho.

 

Kulanka madaxweynaha dowlada fedraalka C/laahi yuusuf uu maanta la yeeshay waxgaradka siyaasiinta iyo haweenka besha Galmudug ayaa waxa uu qeyb ka yahay kulamo maalmahan madaxwaynaha la yeelanayeen beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

villa.jpg

 

Abdiqasin, Ali Mahdi, the whole North Clan led by Imam Mohamoud Imam Umar and now the men from Galmadug,led by Mohamed Farax Jimcale a political veteran. The TFG is working over time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir ballaaran ayaa waxaa kuwada yeeshay xarunta Vila Soomaaliya ee Madaxtooyada Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Galmudug iyo M/weyne C/laahi Yuusuf .

 

Hobyonet. Muqdisho. Sabti, Jan,13, 2007

 

Shirkaasi ayaa M/weynaha , Siyaasiyiinta iyo Waxgaradku waxay uga wada hadleen Tageerada Dowladda federalka iyo howlaha horumarinta dowladnimo , iyadoo la siku afgartay in labada dhinac ay isla shaqeeyaan

 

Shirkaasi ayaa Galmudug waxaa horkacayay Ra'isulwasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Max'ed Ceydiid, Max'ed Faarax Jimcaale , Cabdi Xasan Cawaale (qeybdiid) iyo Gen Max'ed Warsame Dhooley. waxaana dhamaan siyaasiyiintaasi iyo Waxgaradka iyo guud ahaan beeshu goobtaasi ka sheegeen in ay taageerayaan dowladda federalka .

 

Siyasiyiinta beesha oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yhiin ka qeyb qaadashada iyo dib u soo celinta amniga Magaalada muqdisho isla markaana ay qeybta kaga soo aadan howlaha Qaranka ay diyaar u yihiin in ay darder geliyaan.

 

R'isulwaraase Ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha Gudaha Xuseen Max'ed Ceydiid ayaa gebogebadii shirkaasi ka hadlay waxuu sii adkeeyay in beeshu diyaar u tahay horumarinta dowladda ayna taageersan yihiin.

 

M/weyne C/laahi Yuusuf oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in taageerada beesha ay tahay lagama maarmaan ayna ka qeyb qaataan howlaha Amniga Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

C/laahi Yuusuf waxuu kaloo sheegay in loo baahan yahay in magaalada laga dhiso maamul loo wada dhan yahay gaar ahaan qeybihii kala duwanaa ay ciidamada gobolka Benaadir.

 

M/weynaha ayaa beryahaan waday kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelanay beelaha Somaaliyeed si ay uga qeyb qaataan taageerida dowlada Federalka.

 

 

 

Ahmad Dahir

 

Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya

 

Maslaha1@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf oo la kulmay bulshada reer Muqdisho isagoo ugu baaqay wadashaqeyn iyo taageero loo fidiyo Dowlada

 

Markii ugu horeysay kulan bulshada qeybaheeda kala duwan ee reer Muqdisho oo uu la kulmo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

 

Dadweyne aad u tiro badan oo ka kooban Culuma'udiin, Siyaasiin, Aqoonyahano, Saraakiil, Haween, Dhalinyaro iyo bulshada inteeda kale ayaa waxay ka qeyb qaateen kulan si weyn loo soo agaasimay loogana hadlayey sidii dowladda loo taageeri lahaa isla markaana wax loola qaban lahaa.

 

 

Waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Md. Cade Gaaboow oo sheegay in dadweynaha reer Banaadir ay diyaar u yihiin wax wada qabsiga iyo la shaqeynta dowlada waxaana uu balan qaaday in habeen iyo maalin ay usoo jeedayaan sidii loo abuuri lahaa jawi nabadeed.

 

 

Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Eng. Xuseen Ceydiid ayaa isagu ka hadlay waxyaalo badan oo hoos yimaada arrimaha gudaha wuxuuna ku nuuxnuuxsaday sidii dadweynaha reer Banaadir ay abuuri lahaayeen nabadgalyo isla markaana ay ula shaqeyn lahaayeen Ciidamada booliiska iyo Xooga dalka Somalia.

 

 

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Fkmg Prof. Cali Maxamed Gedi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay shacabka inay la shaqeeyaan oo u istaagaan sidii dowlada Federaalka ay hiil iyo hooba la garab istaagi lahaayeen.

 

 

Prof. Geedi ayaa shacabka reer Muqdisho ugu baaqay inay hubka iska dhigaan isla markaana maleeshiyaadka la xareeyo.

 

 

 

Ra'iisul Wasaaraha oo hadalkiisa soo gaabiyey salaada Maqrib oo soo dhaweyd awgeed ayaa maykarafoonka kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

 

 

Md. Yuusuf ayaa dadweynihii halkaasi isugu yimi waxa uu ku wargaliyey in dowladu ay diyaar u tahay wax u qabashada iyo soo celinta nabadgalyada sidii ay usugu lahayd caasimada, isagoo sheegay in lagu xamanayey markii Muqdisho ay soo galeen Ciidamada dowlada iyo kuwa saaxiibadood ee dalka Ethiopia inay ahayd inay isla markiiba hubka ka dhigaan shacabka sida ay sameeyeen Midowgii Maxkamadaha oo lagaga itaal roonaaday magaalada Muqdisho.

 

 

Aragtidaasi ayuu Madaxweynaha kaga jawaabay in aysan sidaasi yeelin qorshahana ugu jirin wuxuuna ku micneeyey in madaxda dowlada ay soo doorteen shacabka Soomaaliyeed aysan haboonayn inay xoog adeegsadaan waxaanu ku dayaynaa inaan shacabka walaaleyno oo aan dhex dhigno inay wadahadlaan oo heshiiyaan ayuu ku nuux nuuxsaday Md. Cabdulaahi Yuusuf.

 

 

Madaxweynaha mar uu ka hadlay qaraxyada habeen walba lala beegsado hotelada ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in wali ay magaalada Muqdisho joogaan argagaxiso isla markaana gacan bir ah lagu qaban doono sida ugu dhaqsi badan.

 

 

Md. Cabdulaahi yuusuf Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay in shaqada ugu horeyso oo dowladu taalo inay tahay in la sameeyo maamulada 16ka degmo ee gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Saldhigyada, Gudoomiyeyaasha Maxkamada 16ka degmo iyo heer gobol iyo xabsigii dhexe intaasi ka dib ay hawshu caadi noqon doonto nabadana la heli doono.

 

Mohamed Siidi Carmooyin.com Muqdisho Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia oo kulamo gooni gooni ah la yeeshay Qabiilada dega magaalada Muqdisho iyo guud ahaan bulshada qeybaheeda kala duwan

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 13/01/07

 

Markii ugu horeysay kulan bulshada qeybaheeda kala duwan ee reer Muqdisho oo uu la kulmo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

 

Dadweyne aad u tiro badan oo ka kooban Culuma'udiin, Siyaasiin, Aqoonyahano, Saraakiil, Haween, Dhalinyaro iyo bulshada inteeda kale ayaa waxay ka qeyb qaateen kulan si weyn loo soo agaasimay loogana hadlayey sidii dowladda loo taageeri lahaa isla markaana wax loola qaban lahaa.

 

Waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Md. Cade Gaaboow oo sheegay in dadweynaha reer Banaadir ay diyaar u yihiin wax wada qabsiga iyo la shaqeynta dowlada waxaana uu balan qaaday in habeen iyo maalin ay usoo jeedayaan sidii loo abuuri lahaa jawi nabadeed.

 

Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Eng. Xuseen Ceydiid ayaa isagu ka hadlay waxyaalo badan oo hoos yimaada arrimaha gudaha wuxuuna ku nuuxnuuxsaday sidii dadweynaha reer Banaadir ay abuuri lahaayeen nabadgalyo isla markaana ay ula shaqeyn lahaayeen Ciidamada booliiska iyo Xooga dalka Somalia.

 

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Fkmg Prof. Cali Maxamed Gedi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay shacabka inay la shaqeeyaan oo u istaagaan sidii dowlada Federaalka ay hiil iyo hooba la garab istaagi lahaayeen.

 

Prof. Geedi ayaa shacabka reer Muqdisho ugu baaqay inay hubka iska dhigaan isla markaana maleeshiyaadka la xareeyo.

 

Ra'iisul Wasaaraha oo hadalkiisa soo gaabiyey salaada Maqrib oo soo dhaweyd awgeed ayaa maykarafoonka kusoo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Md. Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

 

Md. Yuusuf ayaa dadweynihii halkaasi isugu yimi waxa uu ku wargaliyey in dowladu ay diyaar u tahay wax u qabashada iyo soo celinta nabadgalyada sidii ay usugu lahayd caasimada, isagoo sheegay in lagu xamanayey markii Muqdisho ay soo galeen Ciidamada dowlada iyo kuwa saaxiibadood ee dalka Ethiopia inay ahayd inay isla markiiba hubka ka dhigaan shacabka sida ay sameeyeen Midowgii Maxkamadaha oo lagaga itaal roonaaday magaalada Muqdisho.

 

Aragtidaasi ayuu Madaxweynaha kaga jawaabay in aysan sidaasi yeelin qorshahana ugu jirin wuxuuna ku micneeyey in madaxda dowlada ay soo doorteen shacabka Soomaaliyeed aysan haboonayn inay xoog adeegsadaan waxaanu ku dayaynaa inaan shacabka walaaleyno oo aan dhex dhigno inay wadahadlaan oo heshiiyaan ayuu ku nuux nuuxsaday Md. Cabdulaahi Yuusuf, wuxuuna ku daray in maleeshiyaadka la xareeyo.

 

Madaxweynaha mar uu ka hadlay qaraxyada habeen walba lala beegsado hotelada ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in wali ay magaalada Muqdisho joogaan argagaxiso isla markaana gacan bir ah lagu qaban doono sida ugu dhaqsi badan.

 

Md. Cabdulaahi yuusuf Axmed ayaa sidoo kale ka hadlay in shaqada ugu horeyso oo dowladu taalo inay tahay in la sameeyo maamulada 16ka degmo ee gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Saldhigyada, Gudoomiyeyaasha Maxkamada 16ka degmo iyo heer gobol iyo xabsigii dhexe intaasi ka dib ay hawshu caadi noqon doonto nabadana la heli doono.

 

 

Maxamed Cabdulle Xasan (SIIDI)

siidmohamed@hotmail.com

siidi@somaliweyn.com

Somaliweyn Media Center

Muqdisho Office

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this