Sign in to follow this  
General Duke

National Situation update..

Recommended Posts

CIIDAMADA DOWLADA OO HOWLGAL AY KA FULIYAY MAGAALADA MARKA KU SIFEEYAY KOOXO BURCAD AH.

 

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada faderaalka Soomaaliya oo howlgal halka aka fuliyay ay ku guuleysteen inay ka sifeeyaan dhamaan kooxihii hubeysnaa ee halkaa ka waday falaka isugu jia abuuritaan nabadgelyo xumo dhac,Boob iyo isbaarooyin ay u dhigtaan gaadidika ay isag goosha gobolak shabeelaha hoose iyo magaalooyinka kale ee deriska la ah.

Ciidamadaan oo si xoogleh uga howlgala magaalada amarka ayaa sheegaya inay soo qab qabteen dowr nin ooo hubeysan kuwaasoo falal tuuganimo ah ka gaysanayay magaalada Marka oo gaartay heerkeedii ugu xumaa ee dhnaca nabadgelyada iyadoo howlgalka cidiamada ay soo dhaweeyeen dadweyne aad u badan oo ku dahqan magaalada Marka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

GUDOOMIYAHA DEGMADA BALADWEYNE OO SHAACA KA QAADAY IN LA SOO CELINAYO AMMAANKA IYO KALA DANBEYNTA MAGAALADAAS.

 

Gudoomiyaha Degmada Baladweyne Axmed Gobeey Cawaale oo u waramayay warfideenka Magaalada B/weyne ayaa sheegay in la diyaariyay ciidamo Boliis ah iyo kuwo Milatari ah kuwasaoo sugaya ammaanka magaalada B/weyne wuxuuna intaas ku daray in maamulka B/weyne ay diyaariyeen qorshe howled ay dhinaca nabadgelyada wax uag qabanayaan iyadood adweynaha looga baahan yahay inay dhiiragalin la yimaadaan.

Md.Axmed Goobeey Cawaale ayaa intaas ku darray in ciidamada Booliiska ee B/weyen ka howlgalaya ay noqonayaan kuwo guta ammaanka magaalada islamarkaasna soo celiya ammaanka B/weyne lagu yiqiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

GUDOOMIYAHA GOBOLKA BAY OO SHEEGAY IN UUSAN KALIGIIS WAX HOWL AH QABANKARIN una BAAAHAN YAHAY TAAGEERADA SHACABKA.

 

 

Gudoomiyaha gobolka Bay Maxamed Maxamuud bar baar oo ka soo qeybgalay kulan looga hadlayay sidii uu halkiisa uga sii wadi lahaa maamulka gobolak Bay ee loo doortay dhawaan.

Xaaji barbaar ayaa sheegay in khilaafkii taagnaa la xaliyay uuna helay baadidii ka maqneyd ee maamulka gobolka bay taasoo uu sheegay inuu ka jiray khilaaf has yeeshee xal laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo golaha deegaanka uuna rajeynayo inay la shaqeeyaan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolak Bay oo goor sii horeysay ay xilka ka qaadeen Golaha baarlamaanka deegaanka Gobolak Bay ayaa hataan u muuqda mid dib u howlgalaya oo la soo afjaray khilaafkaas oo ku saleysnaa siyaasadii maxaakiimta islaamka oo uu taagersanaa xaaji Bar-baar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laascaanood: Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo laga wado qoridda ciidamadii hore ee Soomaaliya.

 

Axad, January 28, 2007

 

 

Laascaanood(AllPuntland)- Magaalooyin iyo tuulooyin ku yaalla gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa waxaa laga sameeyay aruurinta ciidamo kamid noqonaya kuwa dawladda federaalka Soomaaliya.

 

Qorshahan ciidamada lagu aruurinayo ayaa wuxuu bar bar socdaa mid ka socda guud ahaan dalka Soomaaliya.

 

Maamulka Puntland oo wakiil uga ah dawladda federaalka aruurinta ciidamadan ayaa waxay xoogga si gaar ah u saarayaan ciidamadii hore ee dawladda federaalka.

 

Inkastoo ciidamada kamdi noqonaya dawladda federaalka ay lagu kala saarayo shuruudo ku aaddan caafimaadkooda, hase ahaatee iminka gobollada dariska ah ee Sool, Sanag iyo Cayn ayaa waxaa heer gabo gabo ah maraya ciidamo aruurinta.

 

Ciidamada laga keenay gobolladan ayaa la isugu gaynayaa xerada ciidaamda ee Abqaale ee gobolka Mudug halkaasi oo imankaba ay joogaan ciidamo gobollo kala duwan ka yimid.

 

Dhawaan ayaa raysulwasaaraha Soomaaliya uu amar ku bixiyay in ciddii doonaysa inay kamid noqoto ciidanka dawladda ay is diiwaan galiso meel walba oo ay joogaan.

 

Horay waxaa ciidamo looga aruuriyay gobollada kale ee Puntland, walo gobolladan naf ahaantooda ciidamo laga kala keenay ay iminkaba ku jiraan ciidanka dawladda federaalka.

 

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga dawlad goboleedka Puntland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in hawlahan ay meelo fiican u marayaan, ayna gabo gabo kudhowyihiin.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Degmada Jarriiban ee gobolka Mudug oo maamul degmo loo dhisay

 

 

Waxaa lagu guulaystay in degmada Jarriiban ee gobolka Mudug loo dhiso gole deegaan isla markaana ay doortaan gudoomiye iyo ku xigeenkiisa.

 

Xaflad ballaaran oo maanta ka dhacday degmada jarriiban ayaa waxaa ugu horeyn lagu dhaariyey 24 xildhibaan oo golaha deegaanka ee degmada Jariiban.

 

Xafladaasi dhaarta ka dib waxaa loo guda galay doorashada gudoomiyaha golaha isla markaana noqonaya duqa degmada Jarriiban.

 

Doorashada xilkaasi waxaa isu soo taagay labo Musharrax oo kala ah C/Casiis Aw-Yuusuf Maxamed (Xaarin) iyo Jawaahir Cilmid Axmed.

 

Waxaa doorashada codeynayay xildhibaanada golaha deegaanka oo 23 ka mid ah ay codka ugu rideen C/casiis Aw-Yuusuf Maxamed, halka Jawaahir Cilmi Axmed uu hal qof keliya codkiisa siiyay. Waxaana xilka gudoomiyaha ku badiyay C/casiis aw-Yuusuf Maxamed (Xaarin).

 

Markaas ka dib ayaa waxaa loo guda galay hawshii doorashada gudoomiye ku xigeenka oo ay isu soo taageen Axmed Cali Salaad iyo Xasan Yuusuf Kaarshe (Xasan Dheere).

 

Axmed CAli Salaad wuxuu helay 22 cod, halka Yuusuf Kaarshe uu ka helay 2 cod, taasoo muujinaysa in Axmed Cali Salaad uu ku soo baxay gudoomiye ku xigeenka golaha deegaanka.

 

Doorashada ka dib ayaa waxaa halkaasi khudbado baraarujin ah ka jeediyay mas’uuliyiintii dowlad goboleedka Puntland ee ka shaqeeynayay dhisidda golaha deegaanka ee degmad Jarriiban.

 

Xubnaha ka hadlay waxaa xafladaasi waxaa ka mid ahaa maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) wasiirka maaliyadda ee dowlad goboleedka Puntland, wasiir ku xigeenka Caafimaadka Cali Cigaal, xildhibaan Bashiir Cadooyo iyo Xirsi Cabdi Oog iyo xubno kale.

 

Waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday wasaaaradda dowladaha hoose kuwaasoo ay ka mid yihiin Jaamac XAsan iyo C/kariim Garaad kuwaasoo iyaguna muujiyay sida ay ugu riyaaqsan yihiin habka ay doorashadu u dhacday.

 

Khudabaddii ugu dambeysay ayaa waxaa halkaasi ka jeediyay wasiirka dowladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga Cali Cabdi Awaare ahna gudoomiyaha guddiga dhisidda golayaasha degmooyinka Puntland, wuxuu ku booriyay inay si isku duubni ah ay u wadashaqeeyaan xildhibaanada golaha deegaanka isla markaana looga fadhiyo wax qabad badan.

 

Degmad jarriiban goleheeda waxa uu rikoorka ku jebiyay ka dib markii 3 meel meel ay noqdeen dumar, taasoo ka dhigaysa golihii ugu dumarka badnaa marka loo eego golayaasha degmo ee horey loo dhisay, waxaana lagu tilmaamay golahani in habka lagu soo dhisay uu u janjeero waxa loogu yeero demoqraadiyada.

 

Haweenayda isu soo sharraxday xilka gudoomiyaha Jawaahir Cilmi Axmed waxay noqoneysaa haweentii labaad ee xil gudoomiye degmo isu soo sharraxdo ilaa iyo hadda degmooyinka loo dhisay golayaasha deegaanka.

 

Isku soo wada duuboo hirgelinta nidaamkan golayaasha deegaan Puntland ay ka hirgelinayso degmooyinkeeda ayaa waxaa ay Puntland ku doonaysaa in degmo kastaa ay iyadu soo doorato qofkii gudoomin lahaa halkii uu maamulka soo magacaabi jiray.

 

C.qaadir Nuunow

 

SBC Boosaaso

 

nuunow16@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guud ahaan Gobolada Puntland oo ay ka socoto Diiwaan galinta ciidamadii hore ee Military-ga iyadoo Gobolada qaar ay soo gaba gabowday diiwaan galinta ciidamadii hore ee xooga dalka.

 

Boosaaso:-Waxaa maanta laga bilaabay qeybo ka mid ah gobolada Puntland tirakoob lagu qorayo Ciidamada Xoog Dalka kuwaas oo maalmahanba ka socday degaanada Puntland waxaa jira qeybo diyaariyey intii laga rabay sida gobolka Cayn

 

Magaalada Boosaaso ayaa maanta meelo badan oo ka mid ah waxaa ka socday is qorida Ciidamada Xooga Dalka Gudoomiyaha G/Bari ayaa warbixin gaban ka bixiyey wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in dhaliyaradu ay ka qeyb qataan xasilida dalka madaamada ay yihiin iyagu Xoogii Dalka.

 

Gudoomiyuhu wuxuu sheegey sida hada wax u socdaan marka la fiiriyo in waqti dhow gudihiis ay diyaarin doonaan ciidamadii laga soo dalbaday ay u dhaqaaqi doonaan dhinacaas iyo Koonfurta Soomaaliya.Guud ahaan magaalooyinka Puntland waxaa ka socda diwaangelinta Ciidamada Xooga Dalka kuwaas oo ka mid noqon doona Ciidamada qalabka sida ee Dalka Somalia.

 

 

Suleeqa Maxamuud Qabowsade.

Email: suleeq90@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulkii Degmada Baraawe oo La Dhisey:

 

Magaalada Baraawe.01/27/07

 

Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho

Waxaa Degmada Baraawe oo ku taalla koonfurta Gobolka Shabeellada Hoose looga dhawaaqey maamul cusub oo dadka deegaanka ay dhisteen ka dib markii ‘maamul-ku-sheegee’ halkaas ka jiri jirey la kala direy. “Maamulkii’ horey ka dhisnaan jirey oo madax ka ahaa ninmii layiraahdo Cabdullaahi Xalane ayaa la kala direy markii ciidamada Maxaakiimta ay Degmadaas qabsadeen dabyaqadii sanadkii hore, kuwaas oo iyagana la burburiyey markii ciidamada Dowladda oo kaashanaaya kuwa Dowladda Itoobiya ay gacanta ku dhigeen wadanka intiisa badan.

 

Waxgaradka, Nabaddoonnada iyo Aqoonyhannada Degmada Baraawe ka soo jeeda ayaa xussul-duub u galey dhismaha maamulka Degmadooda waxaanay isku raaceen in ay guddi ka kooban 9 xubnood sameeystaan, kaas oo Guddoomiya u yahay Cali Maxamuud Sheegoow 9Cali Marduuf).

 

Doodo dhaadheer iyo is-qabqabsi badan ka dib waxaa lagu guuleeystey in la dhiso maamul mideeysan oo ay iska leeyihiin dadka Degmada u dhashey inkasta oo dhowr qof oo dhuuni-qaateyaal ahi ay weli ku dadaalayaan in ay wax la wadaan Cabdullaahi Xalane oo weli u hanqaltaagaaya in uu sii watto boobkii iyo dhacii uu ku hayey dadka Degmada Baraawe. Waxaase meesha ka baxay awoodii ciidan ee beeshiisa ay haysan jirety Gobolka Shabeelaha Hoose oo idil laga bilaabo waqtigii la dhisey Dowladdii Arta oo madax ka ahaan jirey Cabdi Qaasin Salaad.

 

Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho.

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Its very unfortunate that the puntland young men especially from SSC are going to be recruited and incoporated into an army that will further nothing than more hatred and bloodshed within the somalis. hope that history dont repeat itself as did during the Darwiish era, which dearly costed the ppl of SSC. Its known and narrated by many elders that ppl hailing from this regions were well endowed in both in numbers resources before the darwiish wars.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shabeelada Hoose Waxaa Soo Gaarey Ciidanka Dowladda oo Ka Kooban Dadka Gobolka U Dhashey. Afgooye oo Howlgal Laga Billaabey.

 

Xafiiska Dowladda Hoose ee Afgooye.01/24/07

Aadan Cusmaan - DMC-Muqdisho

Tan iyo markii maamul kumeelgaar ah loo sameeyey Degmada Afggooye ayaa halkaas waxaa ka tagnaa muranno badan oo dhinaca Maamulka, Canshuuraadka iyo Nabadgelyada Degmadaas oo aan si wanaagsan isku dubadhicin. Isqabqabsiga ayaa yimid ka dib markii Guddiga Maamulka Kumeelgaarka ah ee ka kooban 6 Xubnood ay noqdeen laba beelood oo keliya ah.

 

Arintaas waxay hakad gelisey howlihii Maamulka Degmada iyadoo beelaha kale ee Degmada deegaan ku leh ay diideen inay socodsiiyaan shaqada maamulka kuwaas oo ku andacoonaaya in aan maamulka loo dhameyn, Arrintaasna waxay keentey inay nabadgelyada Degmadu ay aad u xummaato iyadoo kooxo malleeshiyooyin ah oo ka tirsanaan jirey maamulkii dulmiga ku dhisnaa ay billaabeen howlo aamandarro ah.

 

 

Sidoo kale is-afgaranwaaga beelaha ayaa mas’uul ka ahaa in la hor istaago canshuuraad halkaas laga qaadi lahaa iyadoo marar badan uu maamulku isku deyey inuu canshuur ka qaado goobaha ganacsiga Xoolaha, Badarka, Qudaarta iyo ganacsiga kale ee caaadiga ah.

 

Markii uu ammaanku faraha ka sii baxey ayaa ciidamo Dowlladda FKMG leedahay waxay magaalada ka billaabeen howllo amaanka ay ku sugayaan waxaanay magaalada ka dhowreen in hub lala soo galo. Sidoo kale waxaa howllo kale oo ammaan sugid ah ka billaabeen Tuulooyinka u dhow magaalada Afgooye, waxaana durbadiiba la soo qabtey qaar ka tirsan kooxihii aamaandarida wadey.

 

Maamulka Degmada Afggooye wuxuu markii uu gacan ka heley ciidamada Dowlladda billaabey canshuur arurin. Waxaa dhammaan goobaha ganacsiga laga billaabey dakhliga lagu socodsiinaayo maamulka Degmada.

 

Sidoo kale waxaa markii ay ciidamadu howgalka billaabeen dacwad iyo qaayllodhaan billaabey haraadigii maamulka Xuseen ‘Cirfo’ oo ku andacoonaya inay joogaan Booliis, Manashiibiyaal iyo militeri waxayna ku doodeen in aan la siinin xuquuqdii iyo mudnaantii ay lahaayeen, waayo bay yiraahdeen “annagu ciidamo ayaan nahay maamul kasta inaan la shaqeeyno diyaar baan u nahay” bay yiraahdeen. Tani waxay tuseysaa inay weli yihiin maquusteyaasha uu horey u sheegey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waayo waxay si xaaraan ah Degmada iyo Gobolkaba ku soo haysteen muddo 16 sano ah iyadoo dakhliga deegaanka soo gala iyo kuwo ay dadka caadiga leeyihiin oo baad ahaan looga qaadan jirey jeebkooda ku dhaci jirtey, ayay weli waxay damac ka qabaan inay maamulka xalaasha ka sii mid ahaadaan, hase yeeshee taas waqtigeedii waa dhammaadey waxaa la gaarey xilligii xaqdarada ay ku jireen soo afjarantey.

 

Si kastaba ha ahaatee maamulka Degmada Afggooye oo markii ugu horreysey muddo aad u dheer ka dib ay hormuud ka yihiin dadka deegaanka u dhashey wuxuu u muuqdaa mid sii shaqeynaaya asagoo ka faa’ideysanaya awoodda ciidamada Dowlladda Kumeelgaarka ah, waana degmada 4aad ee Gobolka Shabeellada Hoose oo dadka iska leh ay maamulayaan. Waxaa kale oo jira in ciidamadii Dowladda oo la keeney Gobolka ay u badan yihiin dadka u dhashey Gobolka.

 

Degmooyinka Wallaweyn, Awdheeglle iyo Qoryooleey ayaa waxaa ka taliya dadka deegaankaas ka soo jeedo weji kasta iyo siyaasad kasta ha aaminsanaadeene. Waxaa weli gacanta ku jirin 4 degmo oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo kala ah Marka, Kunturwaareey, Sablaale iyo Baraawe oo ay weli ka taliyaan kooxihii sida xaqdarrada ku haystey muddo 16 sanadood ah.

 

Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho

Aadan Cusmaan

Bokoola@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Duke , are you talking of how effective clan militias are or how effective ethiopian tanks are ?I never heard of a somali clan militia being effective in another clans teritory, maybe this one will set a record so lets wait, for time will tell.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Duke , are you talking of how effective clan militias are or how effective ethiopian tanks are ?I never heard of a somali clan militia being effective in another clans teritory maybe this one will set a record but time will tell.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Dheere oo sheegay ku wareejinayo maamulka gobolka xubnaha cusub ee loo soo magacaabay

WardheerNews

January 28, 2007

___________________________________________________________________________

 

Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in uu in xilkii uu ka hayay gobolka Shabeelaha Dhexe uu ku wareejin doono maamulka cusub ee ay xukuumadda kmg ahi u soo magacawday gobolka. Xubnaha maamulka cusub ayaa la sheegay in shalay dhibaato ay ka soo wajahday la wareegista talada gobolka, ka dib markii ay taageerayaasha Maxamed Dheere ka horjoogsadeen in ay fariistaan xarunta gobolka. Waxa kale oo la sheegay in magaalada ay maanta bannaanbaxyo ka dhigeen qaar ka tirsan beelaha dega gobolkaas ee aan hubaysnayn. Kuwaas oo ku doodaya in la duudsiyay xuquuqdii ay gobolka ku lahaayeen.

 

Ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa hadda lagu soo warramayaa in uu kulan maanta kula leeyahay magaalada Muqdisho maamulka cusub ee gobolka Shabellaha dhexe uu u magacaabay. Waxa wararku intaas ku darayaan in la filayo in mudane Geeddi uu u raaco xubnaha maamulka cusub magalaada Jowhar si uu goobjoog uga haado xilwareejinta maamulka gobolka.

 

Maxamed Dheere oo dib ugu soo laabtay maamulka gobolka ka dib markii halkaas laga saaray ciidamadii iyo maamulkii Maxaakiimta ayaa ka cawday qaabka xubnaha cusub loo magacaabay.Magacaabistaas oo uu sheegay in aanu waxba kala socon, lagalana tashan. Sidaas dareedeedna uu xilka ku wareejin doono balse aanu la shaqayn doonin.

 

Waxa uu Maxamed Dheere oo hadda ku sugan Muqdisho ku doodday in hawlo badan uu u qabtay xukuumadda kmg ah, abaal badanna ku leeyahay. Waxa uu Maxamed Dheere tilmaamay in uu ahaa ninkii u badheedhay in xukuumadda la keeno dalka iyada oo dad badani ku dooddayeen inaan dawladda la keeni karin waddanka. Waxa uu sheegtay in uu ka taanaasulay xubinimadiisii barlamaanka kmg ah ka dib markii ay xaalada ismari waa ahi ka dhex aloosantaya xubnaha baarlamaanka kmg ah. Waxa uu Maxamed ugu dambayn sheegay in ay ugu yaraan habboonayd in xukuumaddu ku wargeliso in maamul cusub loo soo magacaabay gobolka.

 

Dhinaca kale bannaanbaxa maanta laga sameeyay magaalada Jowhar ayaa la sheegay in ay soo qabanqaabiyeen beelaha Jareer, Baadi Cadde, Gaal Jecel iyo beelo kale oo la sheegay in ay ka soo horjeedaan qaybsiga xubnaha maamulka cusub. Waxa xubnaha beelahaas bannaanbaxa samaynaya ay socod dheer ku soo mareen jidadka magaalada. Kuwaas oo ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid yihiin in xukuumadda kmg ahi ay si siman ugu qaybiso xubnaha maamulka beelaha wada dega gobolka. Waxa dadweynaha dibadabaxa sameeyay ay ku eedeeyeen xukuumadda in aanay si cadaalad ah u dhisin maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe, sed bursina lagu sameeyay beelahooda.

 

Waxa wararka kale ee gobolka ka imanayaa ay sheegayaan in uu suuro geli waayay dibadbax ay maanta kula talo jireen taageerayaasha Maxamed Dheere in ay ka dhigaan magaalada maanta. Tageerayaasha Maxamed Dheere ayaa ka cabanaya xil ka qaadista maamulkiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this