Sign in to follow this  
General Duke

National Situation update..

Recommended Posts

Nabadshe Indeed governments buy tanks and heavy armour and give training to their soldiers and not clan millitia. Thus support the TFG and soon the Somali's will be able to defend their countries and move from can millitias to a national army.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: " Hawsha dawladdu qabatay ayaa kawayn, waxyaabaha Muqdisho ka dhacaya" Xildhibaan Dalxa.

 

Isniin, January 29, 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Cumar Dalxa ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan dad ka faa'iidaysanaya inay buun buuniyaan waxyaabaha ammaan darada ah ee ka dhacaya Muqdisho, si ay Muqdisho uga dhigaan meel aan amaan ka jirin, hase ahaatee wuxuu taas baddalkeeda sheegay in Muqdisho xasilloontahay.

 

Dalxa oo waraysi siiyay Radio Galkacyo ayaa sheegay in hawsha ay dawladdu qabatay ay aad uga wayn tahay waxyaabaha dhacaya, wuxuu xusay in dhacdooyinkan ammaan darada ah gacan adag lagu qaban doono.

 

Md: Dalxa oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri" Dalal naga horumarsan ayay ka dhacaan falalkan oo kale , Washington iyo New Yorkba way ka dhacaan, waa arin caadi ah,hase ahaatee dawladda federaalka ayaa xalkeeda ku jirta " .

 

Mar wax laga waydiiyay waxa ay dawladdu ka qabanayso Muqdisho xilli qaraxyo, tacshiirado iyo ammaan daro kalaba ay ka jirto Muqdisho wuxuu sheegay in dad ka faa'iidaysanaya ay jiraan, oo aan marnaba doonayn in Muqdisho xasilooni ka dhacdo.

 

Xildhibaan Dalxa wuxuu sheegay in dawladdu ay kulamo kula jirto odayaasha, wax garadka, aqoon yahannada iyo ururada bulshada , kalana tashanayso sidii Muqdisho loo xasilin lahaa.

 

Wuxuu xusay in goor dhow dalka oo dhan maamullo loo samayn doono , hase ahaatee arintaasi laga wado wada tashi lala leeyahay beelaha Soomaaliyeed.

 

Dhinaca kale dawladda federaalka ayaa ka codsatay shacabka Muqdisho inaysan la shaqayn dad ay ku tilmaantay dad tiro yar oo ammaanka kasoo horjeeda, hase ahaate taas baddalkeeda loo baahan yahay inay dawladda la shaqeeyaan.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Recruitments are also taking place in Kismayo and surroundings. For one factor, recruitments gives employment to so many young, unemployed mainstream society. For another, it helps the government swell its military and police capacity and therefore control the country.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geedi oo shir jaraa'id kaga hadley arrimo badan

 

29 Jan 29, 2007, 15:30

 

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegay in mas’uuliyiinta u tartameysa Guddoomiyaha Baarlamaanka in aan looga baahneyn iney iska casilaan xilalka ay hayaan hase ahaatee mas’uulkii ku guuleysta jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka uu xilkiisa waayi doono doono.

 

Geeddi oo saxaafadda kula hadlayey magaalada Baydhabo ayaa sheegay in aan loo baahneyn dowlad sal balaaran oo dalalka reer galbeedka ay ku baaqeen in la dhiso, isla markaana waxaa uu sheegay in dalka ay ka jirto dowlad Federaal ah.

 

Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa mar uu ka hadlayey qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho wuxuu ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan kooxo nabad diid ah oo uu sheegay iney ka hareen Maxkamadihii Islaamiga, isla markaana wuxuu sheegay in ciidamada dowladda ay ku raad joogaan, sharciga hortiisa lagula xisaabtami doono cidii lasoo qabto.

 

Mar uu ka hadlayey ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ayuu sheegay in ay imaan doonaan bilowga bisha Febraayo kuwaasoo ah qeybta ugu horeysa oo ka kala imaan doona dalalka Ugandha, Malawi iyo Nigeria.

 

Safarkii uu ugu ambabaxay ayuu ka warbixiyay Geeddi isagoo sheegay in aysan indhihiisa qaban wax isbaaro ah oo wadada taala isla markaana nabadgelyada deegaanadii uu lugta mariyay uu sheegay iney aheyd mid nabdoon.

 

Cali Muxayadiin Cali,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this