Sign in to follow this  
MR ORGILAQE

What is Somaliland upto?.

Recommended Posts

Odayaasha Guurtida Gobolka Sool Oo Qoraal ka Soo Saaray Xaalada Colaadeed Ee Ka Taagan Jiida Hore

Laascaanood-29.October.2004 Odayaasha Guurtida Gobolka Sool ayaa bayaan ka soo saaray xaalada murugsan ee ka taagan Jiida hore ee ay isku horfadhiyaan ciidamada Daraawiishta iyo Malayshiyada ka amar qaadata Riyaale , qoraalkan oo ku socday dawlada ku meelgaadhka ah , Bulshada Caalamka Iyo Jaaliyadaha Dibada ayaa lagu sheegay in loo soo jeestay sidii wax looga qaban lahaa Gardarada Ciidamada Beelaha Isaaqa waa sida bayaanka ku qorane,ka dib markii ay shir arrintaasi ku saabsan la yeesheen mas'uuliyiinta Gobolka.

 

 

Bayaanka odayaasha oo uu ku saxeexnaa guddoomiyaha gudiga Maxmed Xasan Daahir ayaa u qornaa sidatan:-

 

DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND EE SOOMAALIYA

 

Date :27/10/04

 

Ref :G/G/G/sool w64

 

Ku dawlada ku meel gaadhka ah ee soomaaliya = rugtooda =

 

Ku baarlamaanka ku meel gaadhka ah ee soomaaliya = rugtooda ==

 

Ku ururka midawga afrika = rugtooda =

 

Ku jaamacadda carabta = rugtooda =

 

Ku jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa = rugtooda =

 

Ku golaha ammaanka = rugtooda =

 

Ku Golaha Badbaada SSH iYo Jaaliyada Dibada =Rugtooda=

 

Ujeedo ogeysiin.

 

Waxaan ogeysiinaynaa dawlada ku meel gaadhka ah iyo baarlamaanka ku meel gaadhka ah ee soomaaliya iyo beesha caalamkaba ogeysiinaynaa , haddii aanu nahay dadweynaha degan Sool Sanaag iyo Cayn in ay weerar nagu hayeen in muddo ah reerka isku magacaabay soomaali land oo Hargeysa iyo Burco ku eg ilaa ay ka soo dul fadhiisteen magaalada Laascaanood .

 

Intaana aanu dhawraynay derisnimada iyo walaaltinimada naga dhaxaysa una diray baaqyo iyo abhis fara badan oo ay iska dhaga tireen wax alaale wixii naga dhaxeeyey oo derisnimo ah , taasna ay ka dhalatay in in ay dhul fara badan ku qabsadeen , taasoo kicisay dadwaynaha ku dhaqnaa degaanadaas ayna udiyaar garoobeen sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen cadowga ku soo duulay lana go’aansaday in ay wajahaan weerarkaas iyo colaadaas cusub ee soo waajahday , weerarkaas oo aan lahayn wax sabab ah oo aan ka ahayn dhul balaadhsi iuo qabsi cusub, iyadoo soomaaliya dawlad cusub oo caalamku aqoonsaday loo dhisay ayaa dadweynaha iyo maamulku go’aansadeen in ay iska difaacaan cadawga soo qabsaday deegaanadoodii oo in muddo ah aanu dhawraynay bal in ay wax is bedelaan, taasina aanay waxba iska bedelin.

 

Sidaa darteed dadweynaha reer sool iyo maamulkooduba waxay diyaar uyihiin in ay ku jihaadaan naf iyo maalba aanay ka saaraan cadawga deegaanadooda, dibna loogu cesho meelahii ay ka yimaadeen, taasna wixii ka dhasha waxaa qaadi doona beesha iss SNM. Dadweynaha goboladan waxaana usheegaynaa in ay ku jihaadaan naf iyo maalba, difaacdaana sharaftooda, jaaliyada reer Sool, Sanaag, iyo Cayn waxaanu ka codsanaynaa in ay ka soo qayb galaan jihaadkaa balaadhan ee dalkooda lagu soo duulay.

 

Mahadsanidin,

 

Golaha guurtida gobolka sool

 

Maxmed Xasan daahir

 

Asad Cadaani Ibraahim

SBC Laascaanood.

 

 

 

...

Why is somaliland trying to force the people of Sool,Sanaag who are obviously not in agreement with them in their quest of Sucession?.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Are they even aware of the fact that the clan from Sool has never signed any agreements with the British, thereby not being part of the British Sland protectorate. If I'm not mistaken, one of the most serious agruments favoring Sland is that the territory Sland claims is former British Sland protectorate. Sool, Buhodle and Southern Sanag are therefore outside Sland boundaries, because they are colonized with brutal measures by the British Empire.

Theoretically, this clan could become an own sovereign state if Sland receives recognition.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this