Sign in to follow this  
xiinfaniin

Buura-Wadal: SOOL Garaads conference concluded

Recommended Posts

Buura-Wadal(AllPuntland- Isimada gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ayuu maanta usoo xirmayaa kulan weyne ay uga hadlayeen xaaladaha magaalada ay xooga ku heystaan maamulka Somaliland ee Laascaanood iyo waxa laga yeelayo, iyadoo ay ka qeybgaleen shirkaas Isimo kala gedisan oo aad looga yaqaano gobaladaasi.

 

Shirka oo maanta oo khamiis xirmaya waxaa tagaya xiritaankiisa Masuuliyiin kala gedisan, oo ka madax banaan Isimada gobaladaas ka soo jeeda, waxa ayna hadal ka jeedin doonaan Madasha, iyagoo cadeyn doono mawqifkooda ku wajahan arrimaha magaalada Laascaanood.

 

Isimada qarkood ayaa usheegay APL in dhamaadka shirkan ay tagi doonaan Wasiiro iyo madax ka tirsan Puntland, oo ay hadal ka jeedin doonaan, kaasoo ah mid looga hadlayo xaalada magaalada Laascaanood iyo talaabada dawladda Puntland ee kaga wajahan.

 

Saraakiisha dawladda Puntland qaarkood ee ka soo jeedo Sool ayaa sheegay in ay shirkaas tagi doonaan Wasiiro kala gedisan, dhamaadka shirkana ay soo dhaweyn doonaan go’aamada ka soo baxaya ee ay soo saarayaan Isimada dhaqanka ee gobaladaasi.

 

Go’aamada lafilayo in ay ka soo baxaan shirkan ayaa ah kuwa ku wajahan xaalada magaalada Laascaanood, waxaana qodobada qaarkood lasheegay in ay ku jiraan in Laascaanood soo celinteeda loo maro jid kasta oo loo garo muhiimad, In Puntland loo soo jeediyo qodobo kala gedisan oo kala doorasho mudan iyo go’aamo kale sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaanka shirka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

:D

 

Buuro Wadal,(Lasanod Online)- Waxaa galabta lagu qabtay degmada Buuro Wadal,xalfad balaadhan oo isugu jirtay duco iyo xamdinaq, xafladan oo ay kasoo gaybgaleen shacab,Culimo iyo isimada SSC.

 

 

Xafladan oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay, waxaa abaabulkiisa lahaa gabdhaha SSC ee UK. Gudahana waxaa ka shaqaynayey oo hawsha fuliyey gabdhaha u dhashay deegaanka SSC.

 

Qado sharaftii kadib waxaa goobtaas ka dhacday duco iyo ilaah bari ay Isimada iyo culimadu iskaga danbeeyeen.

 

Shirkii Isimada ayaa hadda gaadhay meel gabogabo ah, iyadoo laysku raacay go'aano lagu dhawaaqi doono maalinta Sabtida. Go'aamadan aya la sheegay in hadda lagusoo garaacayo magaalada Garoowe si berri loogu qaybsho saxaafadda iyo shacabka.

 

Isimada SSC oo muddo ku jiray shir ay jilibada u aasteen oo in badana geedka u jiifeen, Maanta isku racay in maalinta Jimcaha ay fasax iyo nasasho qaataan, waxayna badankoodu u ambabaxeen dhinaca Magaalada Garoowe.

 

Wararku waxay sheegayaan in madasha shirka ku hadheen oo weli joogaan Garaad Jaamac Garaad Ismaciil, Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Ugaas Cabdillahi.

 

Shirkan Isimada ayaa ahaa mid aad loo adkeeyey inaan waxba dibeda uga bixin, sidaa awgeedna aad loo wada sugayo go'aamada lasoo saari doono maalinta Sabtida.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this