Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

Ganacsade: Guuxa Todobaadka 19/07/03

Recommended Posts

Ganacasade Maxamed Deelaaf: Ganacsiga waxaa ugu wanaagsan marka uu ganacsaduhu ka ganacsanaayo Soomaaliya oo aan ladaba galyn.

 

Ganacasade C/raxmaan Boore: Haddii Hargeysa la diiday ma oga miyaa Muqdisho inuu jiro oo aan ley weydiineynin xageed ka keentay iyo xageed u waddaa. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle-na iisoo gurmanaayo.

 

Ganacasade Abuukar Cadaan: Ilaahay ha iga cafiyo wixii dambi ah intii aan ganacsi ku jiray, waxaana wanaag ii haya beesha Gaal Gale.

 

Ganacasade Xuseen Goley: Reerkeygiyow aniga ha layga daayo siyaasadda la iila doonayo in aan lugaha la galo.

 

Ganacasade Cowke: Ganacsatada Nayroobi waxay ku shaqeeyaan daacadnimo, laakiin waxaa dhibaato ku hayso deymaha laga qaato.

 

Ganacasade Sharif Xuseen: Ganacsatada reer Baydhabo waxaa khasaara ku noqotay dagaalkii RRA-da, halka ganacsatada meelo kalana ay dagaalka ku faa’idaan.

 

Ganacasade Cabdullaahi Xaaji Khayre (Dambi): Waddamo shisheeye ayay mukhaadaraad dartiis iiga soo masaafuriyeen, laakiin waxaysan ogeyn kuwaas isoo masaafuriyay in dalkeygu masaafuris iyo dambi qaran aan laga aqoon.

 

Ganacasade Saciid Nuur Cariish: Dhibaata waxaa nagu haysa ammaan daridda ka jirta Xamar iyo xernaanshaha garoonka Muqdisho, inkastoo beesheyd xoog leedahay.

 

Ganacasade Cabdiwali Cali Taar: Maraakiibteyda sidey rabaan ayay ka sameynayaan Badda Puntland, Khaliif Ciisana anaa kala wareegay mashruuca.

 

Ganacasade Bashiir Raagge: ganacsigeyga lama fara gelin karo, waxaan rabana waan keenayaa waxaan rabana waan dhoofinayaa, garoon iyo dekadba waan heystaa, kuwa xamar ugu tunka weynna saaxiib fiican ayaan la ahay.

 

Ganacasade Axmed Nuur Jimcaale: Mareykanka iyo dabad dhilif Soomaaliyeed ayaa ku dheelay ganacsigeygi dad badan ayayna khasaaro ka soo gaartay arrintaas ee ilaah ha naga qabgto.

 

Ganacasade Xaaf: Waxaan ahay Suldaan, siyaasi iyo ganacsade, wax aan dhaafayo ma laha ee sidaas raalli ku noqda.

 

Ganacasade Khaliif Ciise Yuusuf: Si xoolihii iiga baxay dagaalkii Col. C/llaahi Yuusuf iyo Col. Jamac Cali Jaamac iigu soo noqdaan, waa in aan taageero madaxweynaha Puntland Col. Cabdulahi Yuusuf.

 

Ganacasade Jamac Blue: Aniga ha la'iidro meel kasta oo Soomaaliya laga soo qaadayo dad, gaara haan meelaha halista. Waayo saaxiib ayaan la ahay dhamaantood jeebkeyga ayaanna adeegsanayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this