Sign in to follow this  
Juje

ICU slowly reveals its true colours.!

Recommended Posts

Juje   

It has always been perceived by many who dont question the principle they follow that the Maxakamiinta were off-springs of public uprising and genuine Islamic leaders for a change.

For a start yesterday in Afgooye Sheikh Sharif has proved them wrong by stating that Shabelleda Hose is under the juridiction of the ICU and thus there was need for the ICU to go there. Hence legalising in his own terns the, rape, torture, abuse and above all the illegal occupation in there by men from as far as Galgaduud. I dont want to delve deep into that as I always said there is no sense of inguinity about the ICU and Sheikh Sharif has proved me right . Am begining to accept the nickname accorded to him by his own clansmen which 'Sheikha laso gamey'.

However to no suprise at all those who suspected the power behind the ICU , there emerged today in vision and in person the man behind the ICU . 'Honourable', former president, minister, etc. Dr. Professor. Kadir Abdiqasim Salad Hassan. The veryman who in his capacity as a Interim president of Somalia armed the likes of IndhaCadee, Cirfo, Delaf. Cayro, allk those who are the military power of the ICU.

The man has stepped out of the shadow and dictates what is best for the Somali people. He calls the TFG as a government set up in Nairobi. Excuse me wasnt he a presidential candidate and lost in the election. What a hypocrite to turn around now and say ' wa wax laso dhodhobey'. He calls the TFG as unrepresentative while the ICU is representative. I cant help but laugh. The council of Islamic courts is made up of Aweys, Sharif, the many who changed their names to Abu-something. Ironically the men have one thing in common they share all of them same clan background. While the TFG parliament can boast to have members of every clan of every corner in Somalia. The comparison itself is an insult to logics.

read what the Il-Presidente had to say

 

Cqaasim1.gif

War-saxaafadeed

 

 

Kadib markii ay abuurantay marxalad wadata isbedel siyaasadeed, mid dhaqaale, nabadgelyo & arrimaha bulsho intaba ee saameeyey magaala madaxda & gobolada dalka intooda badan, isbedelkaas oo keenay guulo la taaban karo oo uu soo hoyey kacdoonka shacabka Soomaaliyeed, oo ay hormuud u yihiin maxaakiimta Islaamiga ah. Kuwaas oo ku guuleystay in ay ka xorreeeyaan dagaal oogayaashii 16-ka sano ummadda Soomaaliyeed u qafaalneyd.

 

 

Isbedelka noocaas ee sida dhaqsaha leh ku yimid si uusan u fashilmin waxaa lagama maarmaan ah in tilmaamo laga baxsho arrimaha soo socda.

 

 

1) Faragelinta dowladda Itoobiya ay ku hayso arrimaha Soomaaliya

 

2) Doorka liita ee ay ku socoto dowladda lagu soo dhoodhoobay Kenya

 

3) Kacdoonka shacbiga oo ay maxaakiimtu hormuudka u tahay & waxa la gudboon

 

 

Arrimaha dibedda

 

 

Soomaaliya waa dal ka tirsan Q/Midoobay, ururka Afrikada Midoobay, J/Carabta, Ururka Islaamka, Ururka Saaxil & Saxaraha & IGAD intaba. Door wax ku ool ah oo taariikhda horay u galay ayeyna ummadda Soomaaliyeed ka qaadatay taageerida halgankii gobanima doonka & la dagaalanka midab-toorka ee qaarada Afrika ka dhacay.

Waxeyna Soomaalidu ku kasbatay halgankaas dheeraa cadaawada dowladihii wax gumneysan jiray oo arrimaha adduunka intooda badan maamulayey.

 

 

Cadaawadaas loo hayo shacabka Soomaaliyeed, kana soo bilaabatay halgankii dheeree ee gumeysi la dirirka ahaa oo uu hogaamin jiray halyeygii Afrikada Bari Axmed Gurey qarnigii 15-aad & halgankii 21-ka sano socday ee uu hogaaminayey halyeygii ummadda Sayid Max’ed Cabdulle Xasan.

 

 

Waxaa mudan in hoosta laga xariiqo in halgamadaasi saldhigoodu ahaa difaaca diinta Islaamka, dalka & dadka Soomaaliyeed.

 

 

Halgamadaas soo taxanaha ahaa si loogaga hortago ayaa gumeystayaashii reer Yurub & boqortooyadii Itoobiya waxey ku gaareen heshiis magaalada Berlin sanadkii 1884-tii, kaasoo qorayey in Soomaaliya loo qeybiyo 5 qeybood, arrintaas oo ilaa maanta ay dhibaatadeedu haysato shacbiga Soomaaliyeed meel uu joogaba.

 

 

Shucuubta dalalka Masar, Liibiya, Iiraan & Eretereeya oo aan ku bahownay ururka Islaamka, qaarkoodna aan ku wada jirno ururka Saaxil & Saxaraha, waxaan ugu tacsiyeynayaa, kana raaligelinayaa iyaga & madaxdoodaba eedeymihii saxaafadda loo mariyey ee aan marnaba u qalmin walaaltinimada & wanaaga ka dhexeeya iyaga & shacbiga Soomaaliyeed, hadalkaasi deelqaafka ahaa oo uu dhowaan jeediyey Cali Max’ed Geeddi, wuxuu ka tarjumayey cadowga shacabka Soomaaliyeed.

 

 

Shacabka Soomaaliyeed & midka Mareykanka waxaa ka dhexeyn jiray weligood saaxiibtinimo & iskaashi dhinacyo badan leh, ma haboona in cadaawad loo abuuro labadaas shacabi, sidaas darteed waxaan dowladda Mareykanka oo ah quwada maanta adduunka ugu weyn in ay gudato mas’uuliyada ka saaran shacabka Soomaaliyeed oo muddo 16 sano ah ay la degeen dagaalo sokeeye, ayna u fidiyaan taageero siyaasadeed & mid dhaqaale, isla markaana ay gacan ka geystaan sidii gobolkan geeska Afrika loogu dabaali lahaa xasilooni & nabadgelyo taasoo maslaxad u ah danta guud ee shucuubka geeska Afrika & adduun weynaha ba.

 

 

Faragelinta dowladda Itoobiya ay ku hayso arrimaha Soomaaliya

 

 

Dowladda Itoobiya oo ka mid aheyd dowladdihii IGAD ee soo dhoodhoobay dowladda federaalka KMG ah waxey si aan leex leexad laheyn ula wareegtay gacan ku haynta & hagida dowladdii Soomaaliya loo soo dhoodhoobay taasoo ay tilmaan u tahay.

 

 

Duulaanka qaawan oo ay ciidamda Itoobiya ku qaadeen gobolada, Gedo, Bay, Bakool, Hiiraan iyo Galgaduud oo ay ku sugan yihiin waqtigan la joogo.

 

 

Waxay saldhigyo siiyeen qabqablayaashii dagaal-oogayaasha ahaa oo shacbiga Xamar iyo maxkamadihiisu kacdoonka uga saareen caasimadda, kuwaasoo oo ay hub iyo ciidamba ku taakuleyso Itoobiya si ay u sii wadaa fidnadii ay mudada 16-ka sano ka wadeen dalka Soomaaliya.

 

 

Waxay ku xad gudubtay go’aankii dowladda IGAD ee ahaa inaan laga soo dhoweyn dagaal oogayaasha magaala madaxdana laga saaray dalalka IGAD, cidii joogtana laga saaro.

 

 

Dowladda federaalka ee Soomaaliya

 

 

Dowladdii lagu soo dhoodhoobay labo sano ka hor dalka Kenya waxay noqotay madiidin u adeega maamulka Tikreega ee dalka Itoobiya ku amar ku taagleeya, fulinayana danahooda ay Soomaaliya ka leeyihiin, taas oo u jeedada Itoobiya ka leedahay Soomaaliya ay tahay in aan shacbiga Soomaaliyeed yeelan midnimo dal, loona qeybiyo gobolo iyo degmooyin madax banaan oo iyadu ay maamusho si loo waayo Qaran Soomaaliyeed oo mideysan.

 

 

Dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed oo laga sugayay in ay shacbiga Soomaaliyeed ka saarto dhibaatooyinkii ku habsaday waxay ku caanbaxday qodobada soo socda:-

 

 

1)- Khilaaf joogto ah oo dhexdooda ka ololsan maalintii la soo dhisay illaa maanta

 

 

2)- Xiriir la’aanta ka jirta bulshada Soomaaliyeed iyo dowladda KMG

 

 

3)- faro gelinta ciidamda cadowga ee Tigreega ah oo dowladda KMG ay ogolaatay una yeeratay iyadu

 

 

4)- ka gaabinta dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo saldhig u aheyd Cahdiga lagu soo dhisay dowladda

 

 

5)- maamulkii dowliga ahaa oo heer Qaran iyo Heer gobol oo aan waxba laga qaban

 

 

6)- waxay dowladda KMG ogolaadeen qabqablayaashii dagaal ee laga saaray Xamar inay ku soo dhoweeyeen Baydhabo, qaarkoodna waxay ku taakuleeyeen inay dagaalo cusub ka huriyaan gobolada dhexe ee dalka

 

 

Kacdoonkii Xamar

 

 

Waxaa shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo gudaha iyo dibedda ku noolaadeen, guulihii ka dhashay kacdoonkii shacbiga gobolka Banaadir iyo maxkamadahiisa, kacdoonkaas oo ay ka qeyb qaateen qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Banaadir.

 

 

Hadaba waxaa haboon in la badbaadiyo guulahaasi, taas oo ku imaan karta:-

 

 

1)- in talada guulahaasi la gaaray ay ka wada qeyb qaataan dhamaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed si looga hortago in koox gaar ah ay isisiiso

 

 

2)- in sida ugu dhaqsaha badan loo hirgeliyo maamulka gobolka Banaadir, si looga hortago qalalaasaha iyo is khilaaf dhasha

 

 

3)- in maleeshiyooyinkii ku fashilay weerarada dagaal oogayaasha loo sameeyo dhaqan celin iyo tababaro xirfadeed oo lagu xaqiijinayo noloshooda yio adeegooda bulsho

 

 

4)- in hubka macno darada u yaala magaalo madaxda iyo gobolada ay ka taliyaan maxaakimta loo sameeyo barnaamij lagu xadeynayo heysashadiisa

 

 

5)- in ciidamadii qalabka siday ee dalka la howlgeliyo intii suurto gal ah si aysan u dareemin in aqoontooda iyo xirfadooda laga maarmay, dhalinyarta Soomaaliyeed ee maxaakimtu hogaaminayaan ay u helaan aqoon iyo xirfad ciidan oo dhameystiran, ayna ku difaaci karaan dalka, dadka iyo Diinta

 

 

ugu dambeyntii waxaa haboon in la xoojiyo midnimada iyo kalsoonida ka dhaxeysa hogaanka maxaakimta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, lana sameeyo dood iyo aqoon loogu gogol xaarayo guulaha la gaaray in ay taam noqdaan, dalka oo idinaku faafaan

 

 

Dr. C/qaasim ayey saxaafadu dhowr su’aalood weydiisay waxaana su’aalihii la weydiiyey ka mid ahaa in isagu mar kale uu damac uga jiro kursiga madaxtinimada Soomaaliya, wuxuuna ku jawaabay.

 

 

“Madaxtinimada qofka soo maray keliya ayaa yaqaan, weliba waqtigaan maanta Soomaaliya joogta ninka wax u noqda ayaa garan kara oo ka talin kara, ma jiraan jagooyinkii la sheegi jiray, sharafkii la sheegi jiray, waxaa taagan caay, xumaan & maxaad aniga wax ii siin weysay oo wax iigu tari weyday, reer hebel buu sidaa yeelay, kanuu waxeeyey, 4 sano baan xaaladaas ku jiray marka anigu u soo fara baxsan maayee, dalka in uu noo dego oo aad Islaanimada qaadataan, oo ciddaad rabtaan aad doorataan ayaan rabaa aniguna inta cimrigeyga ka harsan aan arko dalkeygii oo degay ilmaheyga, ilmahooda & ilmihiina caradayadii oo nabad ah annagoo sharaf yeelanay, anaga oo maalin walba handadaada Tigree ku jirin in aan arko ayaan jeclaan lahaa

 

 

Mar kale C/qaasim waxaa la weydiyey in uu qabo in K/Soomaaliya ay gabaad u tahay kooxo argagixiso ah, wuxuuna ku jawaabay.

 

 

“Argagixiso dalkan waa joogtay, argagixisaduna waxey ahaayeen todobadii hogaamiye kooxeed oo dadka xoog ku haysatay waana laga xoreeyeyâ€

 

 

Waxaa mar kale la weydiiyey C/qaasim sida uu u arko go’aankii ka soo baxay taliyeyaasha IGAD ee lagu gaaray in Soomaaliya loo oo dirayo ciidamo ka socda dalalka IGAD

 

 

“Horta IGAD, IGAD maxaa la yiraa.? IGAD wax la dhoodhoobay weeye, wax jiro ma ahan, Itoobiya ayaana hor booda, Qarbiga (Reer galbeedka) & Itoobiya wax ay dhoodhoobeen weeye, IGAD ciidamo ay leedahay dalkaan uma baahna, meel ay tageen weli ma maqasheen, xoogaa waxey ka Daarfuur, xoogaagiina waxey cunaan markii ay waayeen ayaa la yiri ha laga saaro, xageen IGAD ka keeneysaa xoolaha ay Soomaaliya ku imaaneyso, ma la soo adeegsanayaa, IGAD qaarkood walaalo ayaanu nahay, wax dhibaato ahna kama qabno. Arrimaha Soomaaliya Soomaalidaa iska leh, diinteena inagaa iska leh, dhaqaalahayaga annagaa iska leh, cid kasta oo wax u tareysa shacabka Soomaaliyeed waa in lala hadlaa xittaa odayga ugu weyn ee Mareykankaâ€

 

 

Source

 

The BIG question now is , how on earth was the Islaax meeting cancelled and refused to go on and allow a press conference by Abdiqassim, arent they both political proboganda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

The man, il-presidente qasiim has a nerve, guess what his press release went out in a letter head for the Somali president.Does he seriously still think he is president.

 

cqaasim_salaad.jpg

 

warsaxaafadeedka1.jpg

warsaxaafadeedka2.jpg

warsaxaafadeedka3.jpg

warsaxaafadeedka4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

The man, il-presidente qasiim has a nerve, guess what his press release went out in a letter head for the Somali president.Does he seriously still think he is president.

Sxb, it says "Al-saabiq" , which means previous president. Do you think he is that stup*d?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yo-Yo. If anyone is the very example of incompetence, nepotisam and corruption is Abdiqasin. The money he made in 200-2003 is the same one that is used to occupy the Lower Shabbele.

 

Things are slowly coming out in the open.

Which is great..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Originally posted by Dhubad:

quote: The man, il-presidente qasiim has a nerve, guess what his press release went out in a letter head for the Somali president.Does he seriously still think he is president.

Sxb, it says "Al-saabiq" , which means previous president. Do you think he is that stup*d?
Carabiga ma yaqaano duqa hala yaabin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

^^Lool what a lame excuse..

Sxb look at the head letter it says 'Somali State'. What gives him the right to produce a personal press conference on such letter head.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juje, the man is in dillusional land. He is against IGAD but contested the election of October 2004. He lost then and will lose now.

 

So long as this ICU is based on his sub-clans wishes they wll not gain popular support.

 

Somalia has changed and just controling Mogadishu and keeping on with the same old lame occupation will not strengthen these people.

 

I said before it is a welcome development for the TFG that at last Xasan Dahir, Inda Cade, Seeraar and Abdiqasin are coming out of the closet...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ojelle   

^Duke,

 

They do have popular support, the majority of somali people do support even people from puntland and somaliland, it was a week ago when the puntland administration had arrested people who they said were supporting Maxkamadaha.

 

This is clear to everyone except you and your likes in diaspora who are full of envy. You only see the current situation through Males Zanawi and Yey's eyes.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ojelle   

^Abti, listen, the Islamic Courts are supported by the majority of the Somalis living in the following regions:

 

1.Banadi

2.Shabelleda Dhexe

3.Shabelleda Hoose

4.Jubadad Hoose

5.Jubada dhexe

6.Gedo

7.Galguduud

8.Hiiraan

 

What more do u want buddy? Do u want us to ask every living Somalis wheather they support Maxkamadaha or not? Be realistic dude and stop being difficult aite.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thierry.   

Again the same old rubbish by G duke and NN and their likes to demonise a popular movement.

 

You cannot resurrect this corrupt but fragile TFG by disrespecting the very people who cleared the capital for them. the TFG ship is sinking lads either you jump of on to the life boats or drown with it.

 

whether you like it or not Somali political status is changing rapidly and it is the Islamic Idealogy that is prevailing.

 

Now you have the option of accepting what is already prevailant or stay in the west and complain in SOL.

the fact of the matter is that you are crying wolf and the IUC are opening ports, Airports, Hospitals, building security, banning the illegal trade of wildlife. and that is the true colours of the IUC

Share this post


Link to post
Share on other sites

ojelle,again, how do you know? Just because you say or so and so says does not make it so. Be reasonable, a fact is not a believe, please find out what it means if you do not already and safe all of us some time and energy.

TH

the TFG ship is sinking lads either you jump of on to the life boats or drown with it

Imagine for a second, if the rest of the world thought like this. Your government is not a ship you jump off when you think it will sink, you either float together or sink together. This is why we have been stateless for the past sixteen years. people come out of the dark jungle that you live in!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this