Sign in to follow this  
Hassan6734

Mass traitor Abdullahi Yusuf Pledges to 'Retake Kismayo'

Recommended Posts

Top puppet leaders including Warlord Abdullahi Yusuf have spoken publicly about the port city of Kismayo, which was seized by a coalition of clan fighters and Islamist guerrillas last month.

 

Warlord Yusuf told the VOA Somali Service on Monday that "no group" independent of the (TFG) can have troops inside the country, while indicating that Islamists took control of Kismayo from clan militias and not from the TFG.

 

 

Yusuf Omar Azhari, the Somali Warlords political adviser, told the BBC Somali Service during an interview that Islamists "will not be allowed" to keep control of Kismayo.

 

Mr. Azhari did not have convincing answers as to why the TFG did not address the Kismayo issue when clan militias loyal to warlord Barre Hirale expelled the TFG-appointed local government and supporting troops in April 2007.

 

"The TFG will take steps on Kismayo by cooperating with local clans...to expel the invaders, whether they are the [islamic] Courts or al Shabaab," Mr. Azhari said.

 

But Mr. Abdirisak Ashkir, the country's reconciliation minister, told a Mogadishu press conference today that "a clan alliance" invaded Kismayo.

 

Ashkir, who belongs to the same clan as ousted warlord Hirale, said the puppet government will "even use foreign troops to retake Kismayo."

 

He condemned Islamist fighters for violating the Djibouti Agreement, which called for a ceasefire, while suggesting that the Islamists had no right to attack Kismayo because the southern port was under the control of clan militias, and that there were no Ethiopian or Somali government troops present.

 

It is not clear why TFG officials are speaking out on Kismayo after 16 months of neglecting the town, which was ruled by anti-government militias loyal to warlord Hirale.

 

Sources in Kismayo tell Garowe Online that the town is calm and safe, while adding that local clans united under the banner of the Islamic Courts movement to liberate the port town from warlord Hirale and his militias.

 

Much of Somalia is under the control of Islamists, including the town of Bal'ad, which is located 30km north of Mogadishu.

 

Relevant Links

 

 

 

Further, Middle Shabelle region and its capital, Jowhar, has been governed by Islamists for months and TFG officials have not addressed this issue

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Where is Duke.

 

Now why would Abdullahi Yusuf and Azhari dare to declare war on the Kismaayo their clansmen freed(as Duke and Emporer tell us)? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
unknown1   

cabdulahi'xabash'yusuf is still talking shit. he talks kismayo but not jowhar. it will be fascinating to hear what duke have to say abt his uncle murtad!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Originally posted by HornAfrique:

Where is Duke.

 

Now why would Abdullahi Yusuf and Azhari dare to declare war on the Kismaayo their clansmen freed(as Duke and Emporer tell us)?
:D

L0L. Yea, pass me the popcorn as I watch this all-out war with the terrorists previously known as "JABISO" aka TOLKA [ :D ] story unfolds.

 

Il Generale Duke and Yeey are joined at the hip, independent thinking wax la yiraa meesha kuma haayo. Watch him Raggii shalay tolkiisa ahaa suu u maqaar siibi doono..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waraaq Furan oo ku Socota Wasiirka Dib-U-Heshiisiinta ee Dawladda Faderaalka Soomaaliya Md

 

 

Mudane Wasiir sow ma Ogid in dhibaatada iyo xasuuqa baahsan ee ka taagan magaalada Kismaayo aanay todobaadkii tagay soo bilaaban, Mase Ogtahay in wasiirnimadaadu aanay ahayn mid hada bilaabanaysa oo aad horay wasiir u ahayd,lagaagana baahnaa dhib haduu dhacay loo geysanayo shacabka aan waxba galabsan in goor hore aad ka hadasho,mase Ogtahay sidoo kale Mudane wasiir in dadku ay is weydiinayaan sababta hada kugu xambaartay in aad afka labadii yeerto dhibaato horay u jiri jirtayna aanad ka hadli jirin????

 

Dhamaanba weydiimahaasi waa kuwo si weyn ugu dhex noq noqonaya maskaxda ruux walba oo wax garanaya,waxaana jawaabaha weydiimahaasi ay yihiin kuwo wali u rahman masuulka ay waraaqdan furani ku socoto.

 

Wixii ka danbeeyey 1995-kii waxaa inta badan laga nastay duulaamadii ay wadeen JABHADIIHII Hogaamiye yaasha Indhoolayaasha ahi hor boodayeen,inkastoo 1999-kii ay timid JABHAD dadku u yaqaneen magacya badan oo mar la magac baxday WALAALAHA GALGADUUD,marna la baxday ISBAHAYSIGA DOOXADA JUBA,taas oo xoog kula wareegtay gobollo ay ka mid ahaayeen Jubooyinka, waxaana xarunta gobolka J/hoose gacanta ku dhigay kuwii loogu magac daray DOOXATADA JUBA ama WARAABAYAASHA GALGADUUD.

 

Warabayashaas reer galgaduud waxaa ay gobalada jubooyinka gaar ahaana magalada kismayo ka geysteen xasuuq aan la’ilaawi Karin, balse dadbadani ay ku duugeen Diiwaanka la xisaabtanka Mustaqbalka dhow,lana ogsoonyahay cidii gaysatay iyo cidii ku gacan siisayba.

 

Tan iyo markii WARAABAYAASHA GAL GADUUD ay gacanta ku dhigeen magaalada kismaanyo, waxaa gabi ahaanba ay burburiyeen dhamaan goobihii adeegyada shacabka, waxaana ay xoog ku dhisteen dhulal ay lahaayeen dadka magaalada mudada dheer daganaa ee loo yaqano FAARAX DEEGAANK oo loola jeedo “qofka deegaanka u dhashay”,iyagoo sidoo kalana bur buriyay guryo dadka magaaladu lahayeen oo ay ka sameysteen dhismayaal waaweyn oo dabaq yo ah,waxaana dadkii deegaanka ay ka dhigeen kuwo ay barakiciyeen iyuo kuwo ay laayeen oo qabuuro wadareedyo sameysmay maanta ku aasan.

 

Inkastoo shacabka reer kismaayo ay yihiin kuwo dulqaad badan, jecelna Nabada iyo haygalka dowladeed, haddana waxaan meesha ka marnayn shacabka reer kismaayo in mar waliba ay ka dhursugayeen Dowlada Fedaralka KMG ahi in gobolkaasi Burcada Xooga ku qabsaday ay wax ka qabato oo ka sifeyso si la mdia gobalada kale ee dalka Soomaaliya.

 

La-Mood-Noqonse-Weyday ee sanadku markuu ahaa 2006-dii waxaa magaalada Kismaayo la wareegay gacan ku heynteeda maxaakiimtii beelaa midoobay oo ay suruagal u noqotay in ay si fudud kagala wareegaan Hogaamiye Kooxeedkii xooga ku heystay,isla markaana ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Dowlada Fedaralka kmg Bare Aadan Shire "Bare Hiiraale" .

 

Balse Dagaalkii u qaraaraa wuxuu Bare Hiiraale iyo maliishiyadiisa uu ku qabsaday Degmada Bu'aale ka dib markii ay kaga daba tageen Maliishiyadii Maxkamadaha oo markaasi kasoo saaray magaalada Kismaayo ,Maliishiyada Bare Hiiraale oo baaburta dagaalka ay ka dhiiqootay kana dul dagaalamayay ayaa markii danbe qaarkood isku dhiibeen iyaga iyo gawaaridii dagaalka ay wateen maliishiyadii maxkamadaha, halka kuwa kalana ay ka carareen gawaaradii dagaalka ay wateen , taas oo maxkamadaha u sahashay in ay Tikniko badan gacanta ku dhigaan.

 

Nasiib darada ku dhacday Bare waxaa ay ahayd in kuwii uu isku dhajinayay ee maxkamadaha ay soo ceyrsadeen uuna miciin biday in uu galo magaalada Baydhabo oo isagoo wasiir ah loogana sharaf haayay uu diiday in uu tago mar looga yeedhay.

 

Bare Hiiraale oo aan gacanta waxba ugu jirin isaga iyo maliishiyadiisa ayaa hab firxad ah ku galay magaalada Baydhaba oo isla markaasi u ah fadhi ku meel gaar ah dowlada fedaralka Soomaaliya, waxaana halkaasi loogu dhaariyey Bare Hiiraale Wasiirka Gaashandhiga dowlada Fedaralka isaga iyo Maliishiyadiisana loogu labisay tuutaha iyo astaanta Dowladeed ee Soomaaliya, waxaana dib loogu soo celiyey iyaga oo sita qoryo kuwii hore ka waaweyn Magaalada Kismaayo.

 

Haddaba markii Dowlada Fedaralka kmg ahi iyo Xoogaga Itoobiyaanku ay duulaan ku soo qaadeen deegaanadii ay ka talin jireen Maxkamadihii Islaamiga sheegan jirey, ayaa waxaa u suurto gashay inay gacantooda dib ugu soo noqoto kooxaha laga saaray magaalada kismaanyo, waxaana Dowlada Fedaralka KMG ah ee iyadu dulmiga ka gashay shacabka Gobolada Jubooyinka ay hub iyo Saanad iyo Ciidan ahaan ka dhistay Kooxihii WALAALAHA GALGADUUD, ka dibna waxaa ay durbadiiba bilaabeen in ay si fudud isaga xayuubiyaan shaatigii ay u soo xirtay Dowlada Fedaralka iyo ciidamada nabad ilaalinta Itoobiya oo ay xirteen Shaatigoodii WARAABAYAASHA GALGADUUD, waxaana maalin qura gobolkii Jubada hoose uu gacanta u galay kooxaha Moor'yaanta ah.

 

Waraabayaashaas Reer Gal gaduud Waxaa ay bilaabeen xasuuq ay kula kacayeen dadka deegaanka oo ay ku tuhmayeen in aanay la dhacsanayn joogitaankooda magaalada Kismaayo waxaa kaloo marag madoonto ah dilal joogto ah dhac kufsi IWM oo aan loo meel dayin habeen iyo maalin lagula kici jiray dadka deegaanka u dhashay ee looguna tagay.

 

Dowlada Fedaralka xaaladaasi waxeey ula socotay saaca ber saaca iyo xasuuqa loo geysanayay shacabka reer kismaayo mana aysan ka hadlin walina afka kuma aysan dhufan xasuuqaasi loo geystay dadkaasi Soomaaliyeed oo ka soo jeeda Deegaanada Jubada Hoose gaar ahaan Magaalada Kismaayo.

 

Hadaba su’aalaha dhowrka ah ee haatan horyaala dowaldda fdederalka Soomaliya loogana fadhiyo in ay ka jawaabto ayaa waxaa ka mid ah :Shacabka Reer Kismaayo miyeysan aheyn Shacab Soomaaliyeed? Shacabka Reer Kismaayo Miyaysan ahayn Birmageeydo? Shacabka Reer Kismaayo miyeysan Xaq Ku Lahayn Dalka Soomaaliya iyo Dowlada Soomaaliyeed Intaba?

 

Su’aalahaas jawaabtoodu waxaa ay tahay mid si guud looga sugayo dowladda federalak Soomaaliya,waxaase soo raaca su’aalo kale oo iyaguna si gaar ahaaneed u horyaala wasiirka dib u heshsiinta ee shalay afka labadii yeedhay horayna aamusnaanta loogu bartay,waxaana ay su’aalahaasi ku xusan yihiin baaragaraafka koobaad ee mqaalkan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal xoogan oo saaka ka dhacay qeybo ka mida degmooyinka Holwadaag iyo wardhiigley {Afhayeenka xooga dalka oo saxaafada ku marti qaaday in ay soo arkaan meydadka 8 nin oo ay ka dileen ururka Alshabaab}

 

Waxaa uu dagaalku bilaabmay salaadii subax kadib,taasina waxaa ay ka dambeysay kadib markii maliishiyooyin sheegtay in ay ka tirsan yihiin ururka Al shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimada ciidamada xoogu ay ku leeyihiin deegaanadan.

 

Ururka AL shabaab ayaa sheegtay in uu masuul ka ahaa dagalkii lala galay saakay ciidamada dowladda federalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

 

Afhayeenka xooga dalka Soomaaliyeed Daahir Maxamed Xersi ayaa saxaafada u sheegay in ay ciidamada dowladdu dagaalkii saakay ku dileen 8 ka mida dagalyahanka ururka ALshabab oo ay wali yaalaan halkii lagu dagaalamay oo aan ka fogeyn isgoyska sayidka.

 

Waxaa kaloo sidoo kale lagaga dilay ururka alshabaab oo weerarka ahaa 13 kale dhanka jidka Aadan Cade oo sidoo kale dagaal qaraar ay fooda isku dareen ciidanka Madaxtooyada.

 

“Saxaafada waxaa u furan in ay yimadaan oo sawirana ka qaataan raga argagixisada ah ee aanu dagalkii saaka ku dilnay oo wali dhulka daadsan”ayuu yidhi afhayeenka xooga dalka Soomaaliyeed Daahir Maxdamed Xersi.

 

Laakin Ururka AL shabaab masuuliyiintoodu waxaa ay sheegayaan in 4 ruux oo kaliya ay dagalka kaga dhaawacmeen iyadoo Shabaabka an horay looga baran in ay sheegaan khasaare yar haduu soo gaadho waxaana taasi ay muujineysaa saaka in ay jab la kulmeen.

 

Tan iyo markii ay bisha Ramadan bilatay waxaa magaalada Muqdisho ay la kulmeysay dagaalo hadba dhacayay xiliyada salaada subax lagasoo boxo,waxaana ay dagaaladaasi kusoo beegmayaan iyadoo madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu dhawaan ku baaqay in qolyhaha dagaalada wada ay isku dayaan in ay bisha barakeysan xurmeeyan,kuwaas oo u muuqda in aanay dan ka lahayn Ramadaan haduu dhashay iyo hadii kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Dagaalo xoog leh oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

 

Muqdisho- Dagaalo xoog leh ayaa ka bilowday Saakay Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya, waxaana dagaaladan lugu qaaday Xarumo ay leedahay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Dagaalada ayaa lugu qaaday Xerooyin Milateri oo ay leedahay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, taasna waxa ay keentay in ay dagaaladan ku fidaan 5 degmo oo ka mid ah 16-ka degmo ee gobalka Banaadir.

 

Kooxaha Mucaaradka ee dawladda Soomaaliya ayaa hoobiyayaal ku weeraray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxa ayna taasi kaliftay in ay ciidamada dawladda Soomaaliya sameeyaan iska cabin.

 

Suuqa Bakaaraha gudihiisa waxaa ku dhacay 10 Madfac, waxa ayna sheegayaan Warar Madax banaan in gudaha suuqaasi ay ka yimaadeen Hoobiyayaal lugu tuuray dhinaca Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Degmooyinka Wardhiigley, Hodan ,Yaaqshiid & Huriwaa ayaa ah goobaha ay ka dhacayaan dagaaladan, waxa ayna ciidamada dawladda Soomaaliya xireen inta badan Wadooyinka gala degmada Wardhiigleey.

 

Ciidamada dawladda Itoobiya ayaa dagaalka soo galay goor dambe waxa ayna rasaas xoog leh ku soo caabiyeen Kooxaha diidan maamulka Dawladnimada ee Soomaaliya, goor horeba waxa ay dawladda Soomaaliya sheegatay Guulo .

 

Dagaaladan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili Madaxweyne Yuusuf dhawaan sheegay in uusan Maamulka Soomaaliya u dulqaadan doonin dagaalada looga soo horjeedo heshiiskii Jabuuti, dawladiisuna si buuxdo u doonayso nabad iyo nidaam ka hirgala Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Wasiir ka tirsan dawladda Soomaaliya oo ku dhawaaqay in ay Kismaayo dawladdu uqalabqaadatey soo celinteeda

 

Muqdisho- Wasiirka Dibu heshiisiinta ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Cabdirisaaq Ashkir ayaa ku dhawaaqay in ay deg deg dawladda Soomaaliya wax uga qaban doonto xaalada Magaalada Kismaayo.

 

Wasiirkan oo ka hadlayay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dawladda Soomaaliya qaaday talaabooyin ay ku dooneyso in ay Magaalada Kismaayo ku tagto.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in aysan marnaba aysan dawladda Soomaaliya wax lug ah ku laheyn qabashada Magaalada Kismaayo, wuxuuna qirey inaysan joogin halkaasi ciidamo ka amar qaata dawladda Soomaaliya.

 

“Dawladda FKMG ee Soomaaliya ma aysan heysan magaalada Kismaayo, mana aysan joogin ciidamo taabacsan lama garan karo cid qabsatey & sababaha loo qabsaday toona, waxa ayna dawladda Soomaaliya dooneysaah soo celinta dhamaanba deegaanada ka maqan” Ayuu yiri Wasiirkan.

 

Wasiirkan wuxuu baaq udiray Beesha Caalamka isagoo ugu baaqay in ay gurmad deg deg ah lasoo gaaraan Kumanaan dad ah oo ku dhaqan dalka Soomaaliya, kuwasoo ay xaalad culusi la soo daristey isagoo walaac ka muujiyey abaaraha & dagaalada wali sii socda oo xaalada uga sii daraya.

 

Hadalkan wasiirkan ayaa ku soo beegmaya xili ay dhawaan Sidoo kale Xildhibaanada ay isku heybta yihiin Barre Aaden Shire ay ku dhawaaqeen in qabsashada Kismaayo ay la mid tahay markii ay Jamhaduhu ka jireen oo ay ku dagaalamayeen, waxaan Jamhadihii Magaalada ku dagaalamay kala hogaaminayey Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) & Col. Barre Aaden Shire (Hiiraale).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Roobow Abuu Mansuur oo sheegay in uu dagaalka kusii wadayo shacabka Soomaaliyeed xili lagu guda jiro bishii Cibaadada.{Waxaan la yaabanahay kuwa dadka leh waa bil cibaado ee ha la cibaadeysto,anaga xafladeenu waa dagaal}

 

Dhamaanba dalalka Islaamka waxaa si weyn looga gudanayaa waajibaadka Ramadaanka,waxaana dowladaha islaamku ay bishan barakeysan awgeed cafiyeen maxaabiistii ku jiray xabsiyada,waxaana la yareeyay ciqaabaadkii iyadoo sidoo kalana dadka loo fasaxay in ay meel kasta iyo xili kastaba soconkarayaan,laakin arrinta aadka loola yaabay ayaa waxa ay tahy hadal kasoo yeedhay ururka AL shabaab oo ah in ay dagalka kusii wadayaan shacabka Soomaaliyeed ee la daalaa dhacaya sicir bararka iyo xaaladaha ad adage ee nololeed.

 

”Waxaan la yaabahay kuwa dadka ku leh bishani waa bil cibaado ee ha la cibaadeysto anaga xaflad ayaanu qabanay daahfur u ah dagaal socon doona ilaa iyo wadaca laga dhameysanayo”ayuu yidhi Roobow Abuu Mansuur.

 

Afhayeenka Ururka AL Shabaab Roobow Abuu masuur oo hada ku dhuumaaleysanaya keymo ku yaala gobalka Bakool ayaa sheegay in ay maliishiyadiisu sii wadayaan dagaalo joogto ah ilaa iyo lixda bisha Shawaal.

 

“Xitaa maalmaha wadaca la soomayo waanu sii wadaynaa dagaalada mana joojineyno”ayuu yidhi Roobow Abuu mansuur oo maanta shir jaraa’id oo dhinaca teleefonka ah u qabtay saxaafada magaalada Muqdisho.

 

“Waa yaab iyo lama arag dad sheeganaaya islaam hadana ku dhiiranaya dilalka dadka islaamka ah saxaafadana ka shgeegaya in ay dilayaan dadka islaamka ah xiligan oo lagu jiro bisha barakeysneed ee Ramadaanka”ayuu yidhi ruux ku sugan degmada Wardhiigley gaar ahaana xaafadihii ay saaka dagaaladu ka dheceen oo shabakadan la hadlay kana gaabsaday macigiisa in la shaaciyo sababo xaga amaanka ah awgood.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maliishiyooyin la sheegay in ay yihiin kuwa maxkamadaha oo maanta nin gajnacsade ah ku dilay tuulada qalimow ee gobalka Shabeelaha dhexe

 

Wararka ka imaanaya tuulada Qalimow ee gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in maanta duhurkii halkaa lagu dilay nin ganacsade ahaa oo si weyna looga yaqiinay tuulada.

 

Dadka deegaanka qaarkood oo aanu la xariirnay ayaa sheegay in ninkan ay dilkiisa fuliyeen maliishiyooyinka maxkamadaha beelaha oo hada ka taliya gobalka Shabeelaha dhexe,waxaana dilku uu yimid kadib markii maliishiyooyinku ay rasaas xoogan huwiyeen ninkan.

 

Ilaa iyo iminka waxaan la garanaynin sababta loo dilay ninkan oo ahaa nin ganacsade ah aadna looga yaqaano Tuulada Qalimow ee gobalka Shabeelaha dhexe.

 

Wararka ayaa intaa raacinaya in maliishiyooyinkii dilka ninkan rayidka ah geystay ay wali ku sugan yihiin isla tuulada iyadoo aanay jirin cid ku qabsanaysa ama la xisaabtameysa maadama uu gobalka shabeelaha dhexe hada yahay goob ay ka taliyaan maxdkamadaha beelaha oo ay maliishiyooyinkoodu iska sameynayaan wixii ay doonan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this