Sign in to follow this  
sool_boy

Clan war about to start within sharif-hotel gov?

Recommended Posts

sool_boy   

Ciidamo ka amar qaato Indhacadde iyo Goobaale oo ku wajahan Deegaanka Isbitaal Madiino iyo dagaal laga cabsi qabo in uu ka dhax dilaaco qabiilo taageersan Dowlada.

 

 

Dowlada Midanimada qaran ayaa xiligaan u muuqata mid lugaha la sii galeysa bur bur iyo u xuubsiibasho qaabkii qabiilka ay bari samaad aheyd magaalada Muqdisho iyadoona inbadan kooxaha taageersan dowlada ay u badan yihiin qab qablayaashii dagaalka kuwaa oo ciidankooda iyo nafahaantooda isku ilaalinaayo kadib markii inbadan ee koonfurta Soomaliya gacanta u gashay kooxa islaami ah oo keenay amaan iyo kala danbeen goobaha ay ka taliyaan halka inta yar ee dowlada joogta ay noqotay goobo dadka lagu baarto.

 

 

 

 

Qilaaf soo jireen ah oo ka soo bilaawday deegaanka shabeelada Shoose una dhaxeeyey Indhacade iyo Cabdiqeybdiid ayaa mar kale ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho kaa oo laga yaabo in uu keeno dagaal faraha loogubtay oo dhex maro kooxaha dowlada ee qaabka qabiiil ku taageersan

 

http://www.dayniile. com/Juli/1Juli84.htm

 

-------------------- -------------------- ---------

Taliyaha Ciidamada Booliska Gen. Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ayaa wajahaya caqabado xoogan oo uga imaanaya rag ka tirsan Dowladda oo ka soo jeeda Beesha ****, kadib markii qaab loo gartay mid beeleed uu ugu adeegsaday fara gelin uu ku sameeyay Cusbitaalka Madiina.

 

Saraakiisha Dowladda ayaa qaarkood sheegay in sida uu u fara geliyay Cabdi Qeybdiid Cusbitaalka Madiina uu yahay mid ah dano beeleed, kadib markii uu xil ka qaadis ku sameeyay Dahir Dheere oo ahaa Agaasimihii Cusbitaal Madiina.

 

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa ku saleeyay go'aan qaadashada Cabdi Qeybdiid mid aan sharci aheyn, isagoo soo qaatay in howlo caafimaad aanay wax shaqo ah ku laheyn Milateri iyo Boolis midna.

 

Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa isna si kulul uga hadlay fara gelinta Cabdi Qeybdiid ee ku wajahan arrinta Cusbitaal Madiina,taasoo uu sheegay in ashtako ka dhan ah uu u gudbin doono Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif.

 

Inkastoo caqabadahan uu wajahayo Cabdi Qeybdiid ay horu dhac u yihiin khilaafaad hoose oo loo maleynayo inay si beel ahaan ugu dhaxeeyaan isaga iyo rag ka tirsan Dowladda ayaa hadana la ogeyn halka ay ugu dambeyn saldhigan doonaan.

 

Maalintii shalay ayay aheyd markii warqad ka soo baxday Xafiiska Cabdi Qeybdiid lagu sheegay in xilkii looga qaaday Agaasime kuxigeenka Isbitaal Madiina Dahir Dheere,taasoo noqotay mid bulshada si weyn u gil gilsha, oo laga soo wada horjeesto tallaabadaas.

http://www.jowhar.co m/main/news.php?read more=613

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this