Sign in to follow this  
Qudhac

SHIRKII GARAADADA...THE RESULT...

Recommended Posts

Qudhac   

1. Waxaanu samaynay Gudi layiraahdo Qusuusi.

 

2. Qusuusigu waxay ka koobnaanaysaa 21 xubnood,Sadex kamidi Dumar yihiin.

 

3. Qusuusigu waxay awood u leeyihiin in ay ansixiyaan ama badalaan Hogaankii lagu soo dhisay Nairobi.

 

4. Qusuusida waxaa soo xulaya Beelaha waxaana ansixinaya Issimada.

 

5. Qusuusidu waxay iska dhexdooranayaan Gud. Kuxigeen iyo Xoghayn

 

6. Qusuusida waxay mudadooda ku egtahay sanad iyo badh laga bilaabo maalinta la ansixiyo.

 

7. Qusuusiga waxaa lagu keenayaa mudo dhan 10 casho laga bilaabo maalinta gudoonkani soo baxo.

 

8. Qusuusiga waxaa kala diri kara Issimada saxeexay cod 2/3.

 

9. Shuruudaha lagu soo xulayo waxaa qeexaya xeer hoosaad ugaara.

 

F.G.: Issimada ayaa kala hadlay Puntland Hogaankii Nairobi inay soo galaan gudaha si ay u horyimaadaan Qusuusida.

 

 

B :Wacyigelin.

 

Waxaa la dirayaa laba wafdi oo kakooban Issimada Cuqaasha iyo Xubno kamida Qusuusida waxaana loo kala dirayaa deegaamada SSC si ay dadka ugu soo baraarujiyaan xaalada adage e lagu jiro iyo sidii looga bixi lahaa.

 

 

C Dhaqaalaha

 

Dhaqaaluhu waa lafdhabarta lama huraanka ah ee loo baahan yahay waana arin aan, la'aanteed suuroobi karin waxqabad rasmi ah, waxaana la isku raacay dood dheer kadib in laga raadiyo jaaliyada dibada iyo wadanka gudihiisa,wixii faahfaahin ah ee intaa dheer waxaa qeexaya xeer hoosaad ugaara.

 

 

D: Puntland.

 

Sida lawada ogsoon yahay sadexdii maamul ee ukala danbeeyay Puntland midba midka kale waa uga dacay iyo hagardaamo badnaa waxayna sahleen in laqabsado laguna fido qaybo kamida deegaamada SSC,waxayna curyaamiyeen isku day kasta oo lagu soo celin lahaa deegaamadaa.

 

Sidaa darteed Dhaqab iyo Shacab ba waxaa u cadaatay in xukuumada hada jirtaa aanay diyaar u ahayn waxkaqabadka howshaa,hadaba waxaanu goaansanay in xaajadaa loo wajaho hab qabiil hormuudna aanu ka noqono beel ahaan,xukuumada waxaan ku qiimaynaynaa hadba sida ay ka yeesho howshan maanta lagudoomiyay.

 

Waxaan marnaba la ilaawi Karin taageeradii naf iyo maalba lahayd ee ay muujiyeen shacabka reer Puntland isku dayadii lacuryaamiyay ee lagu soo celin lahaa gobolada SSC hadana waxaa looga baahan yahay taageero hiil iyo hool ba leh.

 

 

FOR LINK

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sophist   

Qusuusi is a Darwish term. At the time of the liberation of the Somali peninsula, the Dervish high command (the close adviser of the Sayid) were named Qusuusi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

well lets hope these lot dont end up saying as the sayid said:

 

ADBA CAQLI BAAD LEEDEHEE CARAR MAXAA DHAANTA..

Share this post


Link to post
Share on other sites

So the history repeats itself eh ?? ,,,, using the Darwiish's terms and taking their footsteps while facing the almost same enemy don't take you anywhere ,,,,,,,,,,,

 

 

I expected caqli kaa ka fiican but let's see ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this