Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Radiolaascanood is back This time With A Somaliland flavour

Recommended Posts

Radiolaascaanood Oo Hawada Ku Soo Noqonaya Idaacadda Hargeysana Hoostagay.

Written by Jidbaale.com

Monday, 29 March 2010 19:31

 

 

Laascaanood(jidbaale.com):-Sida laga hadal hayo magaalada Laascaanood waxaa dhawaan hawada soo gali doonta oo qaban qaabadeeda lawadaa Idaacadii Radiolaascaanood oo muddo sadex sanno ku dhaw hawada ka maqnayd ka dib markii maamulka hadda jooga magaaladu albaabada isugu dhuftay markii ay magaalada qabsadeen oktoobar 2007.

 

 

Waxaana muddooyinkan socday qaban qaabada sidii Idaacaddan hawada loo soo galin lahaa iyada oo toos loogu xidhi doono RadioHargeysa ,wakhtiga uu hawada ku jiro, inta kalena ay ku hawl gali doonaan shaqaalaha Idaacaddu(Halkani Waa Radiolaascaanood ,Codka Jamhuuriyadda Somaliland), iyada oo xagga isgaadhsiinta ay hawshan fududeyn doonto shirkada isgaadhsiinta Telesom sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ahi.

 

 

Waxaana haatan qaban qaabadeeda la wadaa sidii xafiis loogu samayn lahaa sarta ka soo horjeeda masjid jaamaca Laascaanood oo ay leedahay Carfi Jaamac Dhurwaa, oo iyadu sii bixin doonta kharashka hadda lagu hawl galayo ka dibna maamulku bixin doono, waxaana socota sidii xafiis loogu qalabayn lahaa dhalin yarada saxaafadda ee ku sugan magaalada Laascaanood inta la jaanqaadaysa siyaasada cusub ee la doonayo in warbaahinta gobolka lagu xakameeyo iyada oo urur saxaafadeed xeer leh lagu guda jiro .

 

 

Arrimahan ayaa waxa ay ka danbeeyeen dhawaan mar ay kulmeen qaar ka mid ah saxaafadda gobolka iyo wasiirka arrimaha gudaha u qaabilsan maamulka Hargeysa Ciro iyo wasiirka Cadaaladda ee maamulkaasi Casoowe Xasan Bisaas, waxayna u soo bandhigeen saxaafadda in ay la shaqeeyaan maamulka magaalada gacanta ku haya, iyagana loo qalabayn doono xarun loona dhigi doono lix computer Internet lacag la,aan ah iyo qaarka mid ah saxafiyiintana loo qori doono Gunno joogta iyada oo uu balan qaadkaas dhinaca wariyayaasha u soo qaaday Faysal Jaamac Aadan oo ahaa agaasimihii Idaacadda Laascaanood.

 

 

Ula jeedada heshiiskan ayaa waxa uu yahay in lagu xakameeyo wararka ka baxay magaalada Laascaanood , isla markaana lagu ogaado dhaqdhaqaaqa saxafiyiinta ee gobolka, maamulka ayaa dhawr jeer xabsiga u taxaabay wariyayaal ka hawl gala warbaahinta kala duwan ee Soomaalida oo dhamaantood ka hawl gala wadanka dibadiisa.

 

 

Waxaan isweydiintu tahay sida uu maamulku u xakamayn doono xogaha ka jira gobolka xilli adeega isgaadhsiinta ee casriga ahi horumar ku sii talaabsanayo taas oo ay adag tahay in la xakameeyo xogta, waxa kale oo iyana isweydiintu tahay ma fulin doonaan wariyayaasha SSC heshiiskan wariyayaasha qaarkood iyo maamulka Hargeysa dhexmaray iyada oo la ogyahay kaalintii ay ka soo qaateen wacyi galinta bulshada SSC oo sharaf iyo wanaag ugu haysa arrintaas, mase rumoobi doontaa in Radiolaascaanood oo halgkudhigiisu ahaa(Codka shacabka SSC) in uu ku danbeeyo (Halkani Waa Radiolaascaanood , Codka Jamhuuriyadda Somaliland) lagana sii daayo (Somaliland Dalkaygoow, Somaliland dadkaygoow) waxaa su,aalahaa inooga jawaabi doona maalmaha soo socda.

 

 

jidbaale.com@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Radiolaascaanood oo halgkudhigiisu ahaa(Codka shacabka SSC) in uu ku danbeeyo (Halkani Waa Radiolaascaanood , Codka Jamhuuriyadda Somaliland) lagana sii daayo (Somaliland Dalkaygoow, Somaliland dadkaygoow) waxaa su,aalahaa inooga jawaabi doona maalmaha soo socda.

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

can they hear it in Garowe. if only they could. loooooool ! I remember this radion station use to be poison back in the day.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this