Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Xiisado Colaadeed

Recommended Posts

Waxaa xiisado ka dhasheen Gobolada Sool iyo Sanaag ka dib markii ay soo baxeeen wararka sheegaya in todobaadyada soo socda ay boosaaso soo gaadhi doonaan Shaqaale iyo Mishiino loogu tala galay inay qodaaan shidaalka ku jira Gobolada Puntland Gaar ahaan jiidaha Lagu muran san yahay ee Sanaag iyo Sool.

 

 

 

 

Sida uu qoray wargaysaka Upstream Shirkad laga leeyahey dalka Singapoor ee lagu magacaabo Energy Tata Parasada iyo shirkad kale oo hoos timaada ayaa usoo dhoofi doonaan magaalada Bosaaso Riiga Saliida lagu qodo iyo shaqaale fara badan oo ajnabi ah wiiga soo socda.

 

Waxyar ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya in dalka ay kusoo fool leeyihiin shirakadihii ajnabiga ahaa ee madaxwayne Cadde Muuse heshiiska kulagalay soo saarida khayraadka Puntland ayaa waxaa ka bilaabatay Gobolada Sool iyo Sanaag diidmo wayn oo ka imaanaysa dadwaynaha Labadaasi gobol oo ah meelaha ugu horeeya ee uu cade muuse doonayo inuu qorshihiisa ka bilaabo..

 

Sida ay nagu soo gaadhayaan wararka saaka ka imaanaya magaalada Boosaaso waxaa halkasi shirar uga bilaabmay odayaasha beelaha ka soo jeeda bariga Sanaag kuwaas oo sida la sheegay ka tashanaya waxa laga yeelayo qorshaha Xukuumada Mudana Cadde MUuse ee ku aadan soo saarida Saliida iyo macdanta ee gobolka Sanaag .

 

Bishii April ee Sanadii 2006 ayaa dagaal qadhaadhi ku dhexmaray Deegaanka Majiyahan oo qiyaastii 40km ujirta magaalada dekeda ah ee Boosaaso ilaalada gaar ka ah ee Madaxwaynaha Puntland iyo maleeshiyo beeleedyo deeknaasi ah ,dagaalkaas oo lagu laayey dad Xoolo dhaqato ah Maamulka Cadde muuse ayaa ku guuldaraystay hadafkii uu lahaa, ka dib markii uu Madaxwaynuhu isku dayey in uu gurto macdanta deegaankaasi uu hodan ka ku yahay taas oo ay udiideen dadka deegaankaasi oo dagaal kala hortegay.

 

Dhinaca kale mar aan saaka la xidhiidhnay Tuulada Tukaraq oo udhaxaysa Garoowe iyo Laascaanood ayna ku sugan yihiin inta badan Maamulka Puntland ee ka baxay laascaanood ayaa na loo sheegay in saaka la keenay Duleedka Ceelka Shidaalka ee Holhol oo isagu masaafo yar uun u jira fadhiisinka Ciidamada Puntland, Ciidamo beeleedyo la sheegay in laga soo ururiyey dhulka miyiga ah ee dooxooyin Nugaasha ee ku hareeraysan ceelkaasi holhol oo isagu ah ceel diyaar ah .Maleeshiyooyinka ka soo horjeeda fakarka Cade Muuse aaya ku doodaya, Cade Muuse in uusan dan iyo helo kala hayn Difaaca Sool iyo Sanaag Balse uu Rabo in uu la boxo ama kurto Khayradka dhulkooda ku jira taasna aaysan ka aqbali doonin Cade Muuse

 

 

Afnugaal News Disk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso: Ciidamada booliska magaalada Boosaaso ayaa saaka xili ay tahay aroor ku soo kalahay guriga uu deganaa Nabadoon Cabdi Faarax oo ah Nabadoonka Warsangali ee Gobolka Bari. Nabadoonka ayaa waxaa lagu xirey siday noo sheegeen dadkii goobtaasi ku dhowaa, Konteenar ku yaala dekeda Boosaaso.

 

Odayaal dhaqameedka Galbeedka Bari ayaa waxay durbadiiba isku dayeen sidii loo soo deyn lahaa Nabadoonka, waxayna kulan la qaateen Wasiirka Amniga Cabdullaahi Siciid Samatar oo sheegay in xiritaanka Nabadoonku uu yahay amar ka yimid Cade Muuse. Wasiirka ayaa wuxuu intaasi ku darey in Nabadoonka lagu eedeynayo kicinta beesha Galbeedka Bari waqtigii colaadii Majiyahan. Sidoo kale ayuu wuxuu yiri in Nabadoonku haatan lagu tuhunsanyahay abaabulkii Majiyahan mid la mid ah oo looga soo horjeedo soo saarka shidaalka iyo macdanta, waa sidii hadalka u dhigaye.

 

Ma aha markii ugu horeysay oo Nabadoonada gobolka Bari lagu xiro konteendharada ku yaala dekeda, halkaasoo loogu talagalay in lagu soo xiro dadka geysta dambiyada waaweyn. Dadka reer Boosaaso ayaa arintan walaac ka muujiyey, iyagoo sheegay in ay tahay marqaantiga bilowga maamul burburey.

 

Dhanka kale habeenkii xalay ahaa ayaa waxa Tuulada Laag ay Rasaas isku waydaarsadeen Ciidamada Maamulka Puntland iyo koox dhalinyaro ah oo Deegaankaasi joogay iyada oo la sheegayo inuu dhawaac soo gaadhay laba Askari oo ka tirsan Ciidamada Puntland.

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay deegaanka Laag kuwaasi oo daboolka ka qaadaya in Maamulka Puntlad ay deegaankaasi galabta u direen Cutub ciidamadood ah kuwaaso ku gaashaaman Gaadiidka dagaalka.

 

Waxa jira in galabta shir lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Gobolka Bari kaasi oo ay isku hor fadhiisteen Odayaasha Deegaanka Sanaag iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland shirkaasi ayaa waxa lagu jeex jeexayay in ragaasi xidhan la soo daayo isla markaana ciidamada Puntland ee Deegaanka Laag ku boqoolay dib loo soo cisho balse shirkaasi ayaa lagu kalacay oo laysku af garan waayay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

LaasqorayNet/Bosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Looool @ " Nabadoonka ayaa waxaa lagu xirey siday noo sheegeen dadkii goobtaasi ku dhowaa, Konteenar ku yaala dekeda Boosaaso."

i swear, these "journalist" would make a lot more money as authors of fiction.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sanag residents are part of Puntland and should make any trouble and allow Puntland officials drill Oil. A lot of fish heads will die if they stand in the way

Share this post


Link to post
Share on other sites

Next you will be banned ,, this is not a somalinet it is another planet where you will be banned if you don't behave.

 

Now stop attacking other qabiils if you want peace ,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this