Sign in to follow this  
Liibaan

Mudaharaad lagaga soo horjeedo Dorashooyinka Somalidiidka oo ka dhacay Laascaanood

Recommended Posts

Liibaan   

hjfyutyutyut.jpg

 

Laascaanood(Riinji.com)Labo Mudaharaad ayaa ka dhacay Magaalada Laascaanood mudahaadadan ayaa waxaa kala ahaayeen....

 

kuwo lagaga soo horjeedo Doorshooyinka Somaliland iyo Dhul ay boobeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Laascaanood,Mudaharadaayasha ayaa waxay ku halqabsanayeen Dooni mayno Dorashada Somaliland iyo Doooradooda,sidoo kale Mudaharaadayaashan ayaa waxay Siteel Calinkii Buluuga ahaa ee Xidigta shangeesta ku dhextaaay ee Jamhuuradii Somaliya. Ugu dambayntii Mudaharaadana ayaa iskugu yimid Badhtamaha magaalada Laascaanood halkaasi oo Ciidanka Booliska ee Somaliland ay isku dheceen Mudaharadayaashii. Wax qasaare ah kama dhicin mudaharaadaan,Isku soo wada duubo shacabka SSC khaasatan shacabka Laascaanood ayaa aad shucuurtoodu u kacsan tahay waxaana beryahan dambe soo noqnoqonayey Mudaharaado wejiyo kala duwan leh.

 

1273819206_images.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Magaalada la haysto ee laascaanood ayaa saaka waxaa ka soconaya mudaharaadyo balaadhan oo looga soo horjeedo waxa somali diidku ugu yeedho komishinka doorashooyinka oo shantii casho ee u danbeeyay magaalada ku sugnaa, kuwaas oo doonayay in ay deegaamada SSC ka qaybiyaan kaadhadhka codbixinta.

 

Xubnahan Komishin ku sheega ah oo ka yimid magaalada hargaysa isla markaasna aan ka soo jeedin deegaamada SSC ayaa waxaa la soo daristay cabdi lixaad leh oo kaga timid kacdoonka shacab ee ka aloosan deegaamada SSC, kaas oo lagaga soo hor jeedo qaybinta kaadhadhka somalidiidka iyo haysashada ay haystaan magalaada laascaanood, waxayna shacabku kor ugu dhawaaqayaan Ereyo ay ka mid yihiin Dooni mayno Riyaale, Dooni marno Somalidiidka iyo odhaahyo kale oo ay ku muujinayaan dareenkooda.

 

Kaadhadh qaybintan oo ay la damacsanaayeen in ay ka hirgeliyaan dhamaan degmooyinka Sool, ayaanay wax uga qabsoomay jirin marka laga reebo Degmada Yagoori oo ay saaka ka bilaabeen kaadhadh qaybinta iyagoo haba yaraatee aan cabsi darteed u bixin deegaamada howdka G/sool oo ay uga baqeen Ciidamada Daraawiishta SSC ee ku sugan deegaamada howdka.

 

Dadyow isugu jira dhalinyaro iyo haween ayaa ka qayb qaadanaya mudaharaadkan, waxayna wadada laamiga ee dhex mara magaalada laascaanood ku gooyeen dhalooyin ay wadada ku jabiyeen taas oo hakad galisay isusocodka gaadiidka magaalada.

 

Waxaa mudaharaadkan bar bar socday mudaharaad ay soo qaban qaabiyeen isna Haweenka ka ganacsada Suuqa Hiliblaha laascaanood, kuwaas oo cabasho wayn ka muujiyay Qorshe ay ugu yeedheen Boob cadaan ah oo uu kula kacay Horgalka Somalidiidka ugu magacaaban Maayarka Degmeda Laascaanood, Canbaashe Aw-daahir, kaas oo ay haweenkani ku tilmaameen in uu wado boob dhuleed oo ah hanti dad leeyahay.

 

Canbaashe Aw daahir ayaa in dhowaydba degmada laascaanood ka waday boob baahsan oo uu ku boobayo dhul shacab leeyahay isagoo markaas ugu hibaynaya dad kale kagana qaadanaya lacag badan, si uu u meel mariyo in uu dadka hore u lahaa mulkiyada dhulka uu iibinayo uu banaan cad uga mariyo.

 

Haweenkan ayaa waxay sheegeen in uu saaka dad siiyay dhul ku dhow suuqa hiliblaha laascaanood oo dad shacab ah leeyihiin isla markaasna qayb ka mida ay tahay dhulkii dad waynaha ee loogu talo galay suuqa hilibka laascaanood.

 

Waxaa kale oo Haweenkani ka cabanayeen Ninka ku magaacaaban Xoghayaha Dowlada Hoose laguna magacaabo Ina Jeeni Yare, haweenku waxay ku tilmaameen ninkan ciyaala suuq kula kacay afxumo waa sida ay hadalka u dhigeene, waxayna sheegeen in aanu ahayn wax lagu tilmaami karo booska iyo meeqaamka loogu yeedhayo.

 

Ina Jeeni Yare ayaa ah nin xilal aanu khimrad iyo aqoon u lahayn ka soo qabtay maamulada Somaliland iyo Puntland labada, waxaana ka mida xilalka aanu aqoonta u lahayn shacabkuna aad ula yaabay markii uu Madaxwayne Xigeenkii hore ee Puntland Xasan Daahir Afqudhac xil sare uga magacaabay Booliiska Gobolka sool, isagoo aan lahayn wax khibrad iyo aqoon shaqadaas la xidhiidha.

 

Waxaa isasoo taraya kacdoonada shacab ee ka aloosmaya gudaha magaalada laascaanood kuwaas oo salka ku haya isbadaldoonka SSC iyo abaabulada isdaba jooga ah ee beeshu ka wado gudaha iyo dibadaba.

 

horufadhi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Mudaharaad Rabshado Wata oo kadhacay Xudun

 

 

May 15, 2010

 

 

SSC(Riinji.com)Degmada xudun oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Laascaanood oo xaaladeedu qasantahay kadib markii halkaasi gaadheen xubno kasocda komishanka doorashooyinka ee maamulka Somaliland

 

mudaharaadyo rabshada wata kadib ayaa waxa halkaasi halhaleel uga baxay dhalinyaradii ka tirsanayad komoshanka doorashada . Magaalada Xudun ayaa kacsan iyada oo lagasaaray Ciidamadii Maamulka labaxay Somaliland ee watay Sanaadiiqta Doorasha kusheega maamulkaas. wixi war ah ee kasoo kordha kala soco Riinji

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Dalmar, chill out don't give yourself a stroke with those hundred of nonsense topics everyday, at the end of the day las anod is yours and mine. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Sacad iyo Odweyne

 

Maxaa la calaacalasaan, hadii aa xasidiin tihiin oo aad ka xun tihiin in shacabka SSC xoreeyaan dhulkooda wax na quseeya maaha

 

Mujaahidiinta ciidamada SSC mudo yar ayee kaga nadiifiyaan nijaasta snmta dhamaan dhulka SSC Somalia, ama dhiig kar haa idinku dhaco ama kanaxoo nafta waaya,

 

Nabadii hadii aa diideen, hada xaalku waa dagaal

 

 

Sacad,

 

Sorry, Somalidiid is NOT welcome in Las Anod and SSC, because SSC is the birthplace of somalinimo & Somaliweyn

 

This is Somalia Online, and NOT Somalidiid-land website, if anyone have to leave this forum is you Mr. Somalidiid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Aaliyyah   

Dalmar there has to come a point where you should learn to ignore particular people's comments. It doesnt worth the effort...

 

calankeena bluuga waligiis ha jiro. Somali midnimo iyo horumarna ilaahay hana gaadhsiiyo.

 

salaam

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Originally posted by Jacaylbaro:

And u don't want to talk about the Ethiopians in Buuhoodle ?? ,,, .... fuleysanidaa niyow ,,,
:D

Nacasyahow, adi iyo xabashidu labadiinoba somalidiid baa tihiin

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

adeer adaa bilaabay cayda iyo aflagaadada, markaa waxba hada haa calaacalin, waa la ogyahay inay meeli ku bugtu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

If Riyaale campaigns in Laasaanood than I will give him credit, but I highly doubt he will ever venture into that city again because of what happened to him last time!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Thankful,

 

waa runtaa ma asagaa kudhaca, maalintii hore ayuu kabahiisa ka cararay, Laas Caanood kumaba riyoodo inuu mar labaad cagba dhigo, sas buu ka qabaa inuu ku noqdo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Thankful:

If Riyaale campaigns in Laasaanood than I will give him credit, but I highly doubt he will ever venture into that city again because of what happened to him last time!

Just for the record ............... ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Jacaylbaro,

 

You can definitely put that on record, but if he doesn't make a visit than you have to admit he is scared.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this