Sign in to follow this  
General Duke

Bob Geldof Puntland is a land of peace, I was glad I had the opportunity to visit it

Recommended Posts

Bob Geldof ".... Puntland waa dhul nabadeed aad baan ugu faraxsanahay in aan soo booqdo markale..."

 

Bosaso :- Waxaa maanta ka ambabaxay magaalada Boosaaso wafdi uu hogaaminayo Fanaanka caanka ah ee Bob Geldof oo maalmihii lasoo dhaafay socdaal ku marayey goobo kamid ah gobalada Puntland.

 

Bob Geldof ayaa saaka ka dhoofay Airporka Bander Qasim ee magaalada Boosaaso asagoo markaa intuusan bixin warxasaafadeed uu soo saaray ku sheegay in uu u mahadnaqayo shacabka Puntland sida diiran ay ugu soo dhaweeyeen deegaankooda.

 

Bob Geldof oo sheegay inuu booqday intuu joogay deegaano kamid ah Puntland si ay u indho indheeyaan xaalada Abaaraha ka jira deegaanka iyo sida wax looga qaban karo.

 

Wafdigan ayaa sidoo kale booqasho ku maray xarumaha dhaqaalaha sida Dekkada Magaalada Boosaaso iyo waliba safar ay ku tageen magaalada Laas Qorey iyo xeryaha Qaxootiga ee nawaaxiga magaalada Boosaaso.

 

Bob Geldof ayaa si weyn ugu riyaaqay sida uu sheegay nabada ka jirta deegaanka Puntland oo uu ku sheegay dhul nabad ah oo si weyn ugu faraxsan yahay inuu markale soo booqdo.

 

Bob Geldof ayaa horey u soo booqday deegaanka Puntland sanadihii Sagaashameeyaha asagoo markaa ku tilmaamay in deegaankani weli ka muuqdo kala danbeyn iyo xasilooni oo uu sheegay mid dhiiri galineysa inta rabta in Soomaaliya ay noqoto dhul horumara.

 

Wafdigan ayaa horey safar ugu tagay gobolo kamid ah Dalka Itoobiya gaar ahaan dhulka Soomaalida degto iyo Oromada oo si weyn u saameeyeen abaaro dabo dheer oo looga baqayo in ay Geeska Afrika qarka u saarto macaluul baahda.

 

Bob Geldof ayaa kamid ah dadka sida weyn ugu ololeeya mucaawinada la siiyo wadamada faqriga ah ee ka jiraan abaaraha wuxuuna horey ugu mid ahaa dadkii dhisay gurmadkii loo fidiyey shacabkii ku dhibaateysnaa dalka Itoobiya sanadihii Sideetameeyaha wakhtigii ay abaaraha xun ku dhufteen dalkaasi, gurmaadkaasi oo noqday mid caan ah ayaa la oron jiray [ Aid For Afrika iyo Life AID].

 

Bob Geldof ayey safarkiisa ku wehliyeen Suxufiyiin iyo filim qaadayaal ka socda Talefishinka dalka Ingiriiska ee BBCda.

 

Maaha safarkii ugu horeeyey ee uu Bob Geldof ku yimaado magaalada Bosaaso, asagoo horey sanadkii 1993gii uu safar noocaan oo kale ah ku yimid Bosaso.

 

Xassan Ciise

HorseedNet.com

Bosaso, Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fannaan u dhashay dalka Ingiriiska oo booqasho ku joogey Puntland oo maanta ka dhoofay Boosaaso

Boosaaso -

 

23.September.2004 Wafdigan oo kakoobnaa lix qof oo dhammaantood u dhashay dalka Ingiriiska uuna horkacayay fanaanka weyn ee caanka ah ee reer Britain, Bob Goldef oo booqanayey Pundtland muddo 5 cisho ah ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

 

Wafdigan ayaa waxay Puntland u yimaaddeen u kuur gelidda xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanka, meelihii ay booqdeenna marka laga reebo magaalada Boosaaso oo xarun u ahayd waxaa ka mid ahaa, magaalada Laas Qoray iyo tuulada Laag.

 

Intii ay booqashadooda ku jireen wafdigani ayaa waxaa meelihii ay mareen ee ay idha indheeyeen waxaa ka mid ahayd, Dekedda magaalada Boosaaso, Xeryaha qaxootiga, sida Tuula ****** iyo Tuula Ajuuraan, iyo meelo kale.

 

Sidoo kale waxay wafdigani booqdeen magaalada xeebta ah ee Laas Qoray, iyadoo ay booqashadooda ku weheliyeen, mas’uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Puntland oo ay ka mid ahaayeen, guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee gobolka Bari, Khalar Ismaaciil Buncun iyo taliyaha qaybta booliiska gobolka Bari, Col. Caydiid Axmed Nuur oo isagu u xil saarnaa dhinaca nabadgelyada waxaana ay sheegeen in halkaasi si diirran loogu soo dhoweeyey.

 

Wafdigan ajnebiga ah oo uu hor kacayey fannaanka caanka ah ee Bob Goldof ayaa intii uusan ka dhoofin garoonka Boosaaso, sagaalkii subanimo ee saaka, waxaa hadal uu saxaafadda ugu tala galay ku sheegay in maamul gobolkeedka Puntland uu yahay maamul dhab ah oo kala dambayn iyo is tixgelin leh.

 

Mar fannaanku uu ka hadlayey xagga nabadgelyada ayaa waxaa uu sheegay in Puntland ay nabadgelyadeedu ay sugan tahay gobollada Soomaaliyana ay kaga horrayso dhinaca amaanka, isaga oo intaasi ku daray in xitaa ay Puntland mudan tahay in maal gashi lagu sameeyo.

 

Ugu dambayntii wafdigan ayaa waxaa sii sagootiyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

 

Heesaaga caanka ah ee Bob Goldof, oo ahaa hoggaamiyihii kooxda Green Right ee Ireland, toddobaatameeyadii iyo siddeetameeyadii ayaa isaga iyo horin ka tirsan Wariyayaal ka socda BBC-da qaybteeda TV-ga ayaa waxay booqasho ku yimaadeen Magaaladan Boosaaso.

 

C/risaaq Cismaan Bulqaas

SBC Bosaaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I thought the only came to Somalia at invitation to from the Somaliland government, but that seems to be Hargaysa propaganda.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

They only came to Somalia to fight the draught according to the document above which lists all the areas. Pay attention to the document and Read the map.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this