Sign in to follow this  
Liibaan

Gabadh ka Tirsan Khusuusida SSC oo Lagu xidhay Xarunta Budhcad Badeeda Garowe

Recommended Posts

Liibaan   

1276901735_gabahdaha%20ssc.jpg

 

 

Gabadh ka Tirsan Khusuusida SSC oo Lagu xidhay Garoowe

 

Waxaa caawa lagu xidhay magaalada Garoowe ee xarunta maamul Goboleedka waqooyi Bari, Xildhibaanad ka tirsan golaha Khusuusida ee Hogaanka SSC.

 

Gabadhan oo lagu magacaabo Caasha Cismaan Ismaaciil, ayaa waxaa amarka lagu soo xidhay bixiyey Taliye ku xigeenka Booliska Sayid Jaamac Orgiya liqe,waxana lala xidhay xubintan xoghaynteedii oo ayadana lagu magacaabo Ayan Yusuf. Mr Orgiye liqe ayaa ku eedeyey xubnaha in ay tageen deegaanka Tuko raq, isla markaana ay wadaan dedaalka lagu doonayo in lagu xoreeyo mahaalada Laascaanood.

 

 

 

Hore ayaa waxaa maamulka Faroole uu digreeto uga soo saaray in la xidhayo oo xabsiga la dhigayo cid kastoo taageerta qorshaha la doonayo in deegaanka lagu Sifeeyo. Waxayna ku hanjabeen in qofkasta oo hawshaas lagu Ogaado xabsiga loo taxaabayo.

 

Danbiga ay haleen Gabdhahanu ayaa wuxuu yahay in ay tageen deegaankoodii si ay u fuliyaan hawlahooda shaqo iyo in ay taageeraan shacabkooda iyo Ciidamadooda jiida hore jooga.

 

Horufadhi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Xubin Ka Tirsan Golaha Khusuusida EE SSC Ayaa Lagu Xidhay Garoowe

 

 

Friday, 18 June 2010 17:16

 

Garoowe (Jidbaale.com) waxaa magaalada Garoowe lagu xidhay xubin ka tirsan golaha khusuusida ee SSC oo magaceeda la yidhaahdo Caasha Cismaan Ismaaciil Cabdalle iyo xoghaynteeda oo la yidhaahdo Ayaan Yuusuf, ka dib markii ay booqasho ku aadeen degmada Tukaraq oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan SSC.

 

Xadhiga labadan xubnood waxaa ka dambeeyey taliye ku xigeenka ciidamada daraawiishta Sayid Jaamac Orgiye Liqe oo isagu ka soo jeeda SSC, waxaanay talaabada xadhigani muujinaysa dagaalka ba’an ee uu maamulka Faroole kaga soo horjeedo Hogaanka SSC iyo doonista shacabkooda.

 

 

 

Xubinta ka tirsan golaha khusuusida iyo xoghaynteedaba sababta lagu xidhay waxay tahay taageerada Hogaanka SSC iyo xilka ay u hayaan shacabkooda.

 

Wixii ka soo kordhana dib ayaanu idinka soo tebin doonaa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muriidi   

i assume with "khusuusi" you mean "exclusive" ..

 

 

try this :

 

 

 

it accepts styles like dis :

 

 

 

if it worked .. here come da honeys ..

 

 

 

* the hip hop lyrics are just to show you how far

one may go .. according to the constitutiion ..

 

but of course you may have more polite vocabulary

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this