Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland to Participate the CommonWealth Conference

Recommended Posts

nuune   

Common Wealth micnaha soo ma ahan dowladaha barwaaqa sooranka ah, aah, illeen waaban hilmaansanaa, Somaliland was Barwaaqo Sooran, except two places, Gibiley and Arabsiyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdigii Dawlada Somaliland uga Qaybgali Lahaa Shirka Commonwealth oo Si Diiran loo gu Soo Dhaweeyay Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha

 

hadhwanaag 2007-11-21 (Hadhwanaagnews) Kampala-(adhwanaagnews)- Wefdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Ee UCID Faysal Cali waraabe ayaa manta duhurnimadii Saacada Geeska Afrika markii ay ahayd 1:30 Gaadhay magaalada Kampala Ee Caasimada dalka Uganda halkaas oo ay wafdigaan uga Qayb galayaan Shirka Caalamiga ah ee Commonwealth Meetin oo mudo Todobaad ah kasocon Doona Wadankaas.

 

 

Wefdigaan Jamhuuriyada Somaliland ee Gaaray Ugandha ayaa ka koobnaa 4 xubnood oo Ku waas oo ka kala tirsan Dawlada Dalka ee Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Somaliland.

 

Wasiir kuxigeenka wasaarada qorshaynta Somaliland Axmed Xaashi

 

Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe

 

Safiirka Somaliland ee Faranca Maxamuud Saalax Nuur [Fagadhe

 

Gudooniyaha Ururka Hor’umarinta Dhalinyarada Gobolka Sool Cumar Aw-Daahir.

 

 

Shirka Commonwealth ama Shirka wadamada Barwaaqo sooranka ayaa la filayaa 23 bishana in uu ka furmo Magaalada Kambala ee Dalka Ugandha isagoona socon doono mudo Todobaad ah, Shirkaan aya waxaa kasoo qaybgalaya Madax kala duwan oo ka kala socdo Dalal kor udhaafaya 50 meeyo.

 

Shirkaan ayaa waxaa Qudbada uhoreeya ka jeedin doona oo furi doonta Boqorada dalka Ingiriiska, Casuumaad rasmi ah ayey Dawlada Somaliland Shirkaan ka heshay iyadoo Wafdigii Somaliland Maanta sidiiran loogu soo dhaweeyey Ayraboorka Caasimada Kambala, Sidoo kale Dawlada Somaliland ayaa casuumad ka heshay xoghayaha guud ee ururka Barwaaqo sooranka Aduunka Mr. Don McKinnon.

 

 

Dawlada Somaliland ayaa la dhihi karaa waxaa soo iftiimaya Calaamadihii ay Aqoon si Caalami ah ku heli lahayd, Madaxda Aduunka Dawladaha ka jira ayaa Arkay Amaanka iyo Sharafta ka jirta Dalka Somaliland sidaas dar teed na Somaliland ay Nasiib uyeelatay in lagu casuumo shirar kala duwan oo qiimo sare leh oo aan lagu casuumin Wadamo kale oo Afrika ah Hormar ayey Maalinba maalinta ka dambaysa Gaaraysaa Dawlada Hormarka iyo Nabada lagu Yaqaan ee Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this