Sign in to follow this  
Siciid1986

Sharmaarke Iyo Wasiirkiisa Xoolaha Oo Isku Buriyay Go'aan La Xidhiidha Somaliland

Recommended Posts

Raysalwasaare Sharmaarke Iyo Wasiirkiisa Xoolaha Oo Isku Buriyay Go'aan La Xidhiidha Somaliland

 

Raysalwasaaraha dawladda Sheekh Shariif Mr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa buriyay qaraar uu wasiir xukuumadiisa ka tirsani dawladda Boqortooyada Sucuudiga kaga dalbaday inay xayirto xoolaha laga dhoofiyo Maxjarka Berbera ee Somaliland iyo weliba mid isna ka dhisan magaalada Boosaaso ee Puntland.

 

 

Qoraalka Raysalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, uu kaga jawaabayo qaraarka wasiirkiisa oo ku taariikhaysnaa 28 Julay, 2008, kuna socda Wasiirka khaarajiga ee Sucuudiga, ayaa isna sidan u qornaa: “Mudane Amiir waxa aanu idinku wargelinaynaa in dawladda Federalka ku-meel gaadhka ah ee Somalia ay mar walba u heellantay xoojinta xidhiidhka walaalnimo iyo saaxiibtinimo ee Somalia iyo si gaar ah boqortooyada Sucuudiga.

 

 

Waxa aanu idin ku wargelinaynaa in warqaddii ku taariikhaysnayd 21/6/2009 tixraaceeduna ahaa (MLFR/G2/2009) ee uu ku saxeenaa wasiirka xoolaha iyo daaqa ee Somalia, kuna saabsanayd xoolaha laga soo dhoofinayo deegaannada woqooyiga ee Bosaso-Puntland iyo Berbera-Somaliland.

 

 

Warqaddaas si dhow iyo si fog toona ugama turjumayso mawqifka xukuumadda federalka ku meel gaadha ah ee Somaliya.

 

 

Mudane Amiir, Shirkadda Khaliijka ee caalamiga ah ee xoolaha iyo maxjarrada oo ah ta maal gelisay Maxjarrada Berbera iyo Bossaso isla markaana ka shaqaysiinaysa Maxjarradani inay tahay, shirkad haysata sharciyadda iyo ogolaanshiyaha maamul hoosaadka iyo goboleedka deegaannadaas. Xukuumadda Somalia-na waxa ay ixtiraamaysaa heshiiskan dhex maray shirkadda iyo maamullada goboladan.

 

 

Mudane Amiir, Waxa aanu kaa codsanaynaa in aanad dheg u dhign warqaddaas wasiirka oo aan haba yaraato ee ku fadhiyin runta.

Dekkedaha woqooyi waxa ay awood u leeyihiin in ay sii wataan dhoofinta xoolaha ay u dirayaan Boqortooyada Sucuudiga iyo dawladaha kale ee Khaliijka.

Ma hadhin wax aan ahayn in aanu mudane Amiir adiga iyo xukuumadda Boqortooyada Sucuudiga uga mahadnaqno sida aad u garab istaagteen shacabka Soomaaliyeed ee ay la hadheen tagaallada macno darrada ahi.”

 

Source: www.geeska.net , Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this