Sign in to follow this  
General Duke

Why Abdullahi Yusuf Yey is my candidate...

Recommended Posts

Its not an SNW article

 

Aniga & Profosooriintuba musharaxeenu waa "The Son of the Jackal"

Abdulrazak Osman dirie

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

Qormada Prof. M.S. Said ee "Somalia : African problem child" ee uu qoray intii ka horeeysay dhismihii Puntland somalital, ayaa wuxuu ku sheegay in haddii shir lagu ballnasanaa in lagu dhiso maaamulkaas uu ku soo baxo Kol. Abdullahi Yusuf uu wax ka qaban karo arrimaha Somaaliya, kuna soo kordhin doono isbedel cusub. Saadaashii Profosoorkuna meel cidla ah ma ay dhicin, waxaana dhacday in Abdullahi uu abuuray maamul goboleedkii ugu ballaaran ee dalka,una taagan midnimada dalka & caawinaadda Somaalida laga gardaran yahay sida RRA iyo kuwo kaleba.

Waxaa kaloo jira, Profesoor kale oo qalbi-xaaran (liberal) oo ku gabya afka Ingiriisiga ee degen Canada lana yiraahdo Prof. Moxamed Said Togane. Prof. Togane gabayadiisaas wuxuu marar badan ku weeraray Kol. Abdullahi Yusuf inkastoo si gooni ahna u amaano degaanada Puntland. Laakiin, waxaa dhacday in maalin dhoweyd ay wax iska bedeleen mucaarid -nimadii Profesoorka ee madaxweynah PL ee uu horay ugu bixiyey "The Punk of Puntland". Taasna waxaa ay ku cadahay gabayga uu dhowaan tiriyey ee uu sida gaarka ah ugu magacaabay Abdullahi Yusuf(Yeey) in uu yahay - The Son of the Jackal - ee lagu soo daabacay Mudugonline & Mudullood . Togane wuxuu qoraalkiisaas ku sheegay in maanta ninka keliya ah ee Somaaliya wax ka qaban kara amaba samata bixin kara uu yahay Abdullahi, isagoo intaas ku daray in uu yahay qof aan duceeysneyn laakiin si fiican ula tacaali kara koonfurta, waxna ka qaban kara bakhbakhda reer Hargeeysa .Gabagabadiina, Togane wuxuu ishaaray in shirka Kenya uu ku soo bixi doono Ina Yusuf Yeey (Son of the jackal).

 

Haddaba, waxaan soo aragnay argtidii aqoonyahanadu, ee aniguna maxaan ninkaas ku doortay?

 

Anigoo ah qof nabadda & midnimadaba jecel ayaa waxaan halkan ku soo qaadaya sababahaas :- Intuu ku soo biiray siyaasadda Somaaliya oo aheyd xilli adag oo dalku ka wada socday dagaalkii sokeeye, Abdullahi Yusuf wuxuu qeyb weyn ka qaatay sugidda nabadda ee degaanadii ay SSDF magac ahaan u sheeganeeysay in ay ka taliso, runtiina maamulkaas gudoomiyaha u ahaa Gen. Abshir wuxuu ahaa mid ciladeysan oo daciif ah. Intaas ka gadaalna, wuxuu ka sameeyey Mudug nabadeyntii ugu sareeysay ee Somaaliya ka hirgasha ee keentay in Galkacyo la soo dejiyo reerihii laga saaray oo magaaladii ku camirantay.Intaas ka sokowna, wuxuu aasaasay maamulka ugu mugga weyn Somaaliya ee lafta dhuunta gashay ku noqotay waqooyiga iyo damacooda Somaali diidka ah.Waxaana u sii dheer isagoo ah qof arrimaha Somaalida wakhti badan ku soo jiray, xiriir fiicanna la leh qeybaha Somaalida ee kala duwan oo runtiina u sahleeysa khibraddaas in uu isticmaalo si dalka wax uu uga qabto.Tusaale fiicanna waxaaba u ah sidii uu u kala furdaamiyey qolooyinkii C/qasim ee hakadka geliyey maamulka Puntland ee hadda isla maamulkii kaba tirsan! Marnaba, waxaan la illaawi karin in Puntland ay ka dhacday cadaalad aan Waqooyiga ka dhicin, Koonfurna kuba riyoon oo aheyd in askari Daraawishta PL ka mid ahaa oo loo qisaasay markuu nin ka soo jeeda beesha Jareerta ah ee aan hubeysneyn, taasoo uu ku heli karo Abdullahi codka Somaalida dhacan ee xoogga lagu heysto oo u ooman dawlad gacan bir ah ku qabato dadka xaaraanta xalaashaday.

 

Marka murashaxeenna codkarka ah ee tiro badan oo xildhibaanada ah soo qortay, una dheer tahay isagoo doorasho noocan oo kale ah ku soo guuleystay ayaa waxaan u badinayaa in tanina uu ku guuleysan doono haduu Eebe idmo.....

 

Abdulrazak Osman dirie

bakool55@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this