Sign in to follow this  
General Duke

Happy birthday beautiful Somalia

Recommended Posts

1lulyo.jpg

Happy Birthday to my lovely Lady

Somalia again it’s your day

 

The first day of the seventh month

The seventh year of the first decade

Of the century of progress

 

May Allah (SWT) bless you and your people

May, they the next generation be like the kings of old

Unite each other and tightly hold

The hope of a better day

 

Freedom long lost, is now returning

Let’s move forward and heal these wounds

Let’s forgive each other for the collective

abuse.

 

But today is yours and may it be blessed

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya oo hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed.

 

30. June 2007

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa hambalyo ku aadan xuska munaasabada 47 guuradii ka soo wareegatay maalintii xornimada laga qaatay gumeystihii Talyaaniga u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan bashbash iyo barwaaqo, wuxuuna Madaxweynaha uu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay iska daayaan shidada iyo dhibaatada ayna u istaagaan ka shaqeynta nabadgelyada.

 

“Waxaan shacabka ugu baaqayaa iney iska daayaan shidada, oo ay ka soo qeybgalaan shirka dib u heshiisiinta ee la qabanayo maalmo kadib, qof kastana wuxuu qabo uu halkaasi ka caddeeyo” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo munaasabadan awgeed shacabka ugu duceeyay iney noqdaan kuwo isku dhegan oo hal mowqif ku mideysan.

 

Munaasabada 1-da Lulyo oo ah maalin Soomaalida ay qiimo weyn u leh ayaa waxaa la filayaa in xaflado kala duwan ay ka dhacaan guud ahaan gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo sanadkan ay ku soo beegantay xili dalka oo dhan dowladda KMG maashusho.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho oo laga xusayo habeenka midnimada iyo madaxbannaanida Somalia

 

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaa caawa laga xusayaa habeenka midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya oo ku beegan 1-da bisha Luulyo taas oo ah 47 guurada ka soo wareegtey israaca gobollada koonfurta iyo waqooyiga iyo madax bannaanida koonfurta Soomaaliya.

 

Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in si weyn caawa loo xusi doono munaasabadda 1-da Luulyo, isla markaasna la diyaariyey xaflado waaweyn oo ay ka qayb geli doonaan mas'uuliyiinta dawladda federaalka Soomaaliya.

 

Munaasabaddan ayaa ka duwanaan doonta middii 26-kii Juun oo ahayd maalintii ugu horreysey ee calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah, inkasta oo aan inta badan gobollada dalka laga xusin munaasabaddaas.

 

Maalinta berrito ah ee 1-da Luulyo waxaa soo afjarmaya toddobaadka loo yaqaan 'Toddobaadka Qaranimada Soomaaliyeed' kaas oo ah 26-ka Juun, 27-ka Juun iyo 1-da Luulyo.

 

Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in munaasabaddan laga oogo iyadoo xafiisyada dawladda la xiri doono, taas oo ka dhigan in 1-da Luulyo ay tahay 'maalin fasax qaran'.

 

Maxamuud Faarax Bile

 

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Munaasabad qaali ah oo caawa ka socoto xarunta Madaxtooyada

 

30. June 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Munaasabad ballaaran oo lagu xusayo 1-da Luulyo ayaa caawa ka socota xarunta Madaxtooyadda taasoo soo bilaabatay 5-tii galabnimo iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka oo uu horkacayo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Golaha wasiirada, Golaha Baarlamaanka iyo maamulka gobolka Banaadir iyo fanaaniin ka socday hobolada qaranka.

 

Munaasabadan ayaa lagu wadaa in caawa marka ay saacadu ku buuxsanto 12-ka saqda dhexe lagu taago calanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya iyadoo goobtaasi ay diyaar ku yihiin cutubyo ka tirsan ciidamada Booliska iyo kuwa Milateriga iyo kooxda Baanbeyda Muusikada garaacda.

 

Munaasabadan oo xiligan ka socota xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa halkaasi heeso qiiro leh ka qaadaya hobolada qaranka Waaberi oo ay ka dhex muuqato Fannaanada caanka ah ee Seynab Xaaji Cali Baxsan iyo kooxda Heegan ee ciidanka Booliska oo iyagu halkaasi ka qaadaya heesuihii caanka ahaa ee xiligii lixdameeyadii.

 

Dhinaca kale kooxaha ciyaaraha hidaha dhaqanka ayaa iyaguna halkaasi ku soo bandhigay suugaan isugu jirta gabayo, guurow, shiribyo iyo ciyaaraha laga ciyaaro koonfurta Soomaaliya.

 

Munaasadan oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir ayaa la filayaa in ay ka hadlaan mas’uuliyiinta dowladda, marti sharaf iyo qaar ka tirsan halgamayaashii ururkii SYL, ayaa gabagabada xaflada wararkeena danbe kala socon doontaan wixii khudbado ah ee halkaasi laga jeediyo.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Ilaahoow Adaa Jooga, imtixaan maxaan aragney,

 

 

Waligey maan maqal dowlad la guumeestoo xornimo u dabbaal dageyso, xunbadii aan ka xorowney ayaan dib u cuskaney wallee.

 

 

Hadalka waxa uu ku haboonyahay sidan:

 

dowlad ku sheegyaal guumeeste soo xareestay oo u xuub siibtey iney xornimo aan jirin u mashxaradaan.

 

 

Sorry Duke sxb, ma doonayo inaan topikaaga gawrac u geesto balse xasuusin yar unbey iga aheyd

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer your attempt is obvious however the reality goes on. Somalia is coming back on its feet, those who hate that simple fact no matter how they make their noise matter not.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Adeer Duukoow, aan dowlada taageeree nimankan maad iga saartid, qof iga dowladnimo jecel inuusan jirin baan filayaa SOL waa markaan aniga iska hadlayo, ee nimankan nagu noqdey xabagtii quraca ku rakkibneed na dhaafa dheh hawshiina gudatee ee aheyd casuumaada heerka sare looo soo abaabuley

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer everyone has his opinion, information and insight. While I dont mind people expressing their opinion, disturbing commnets warent correcting.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Waa hagaag hadaba adeer Duukoow, maba garanayo intii yareyd een qorey meel ay kaa martey, ma aadan ka hadlinba bataatanba, wax unbaad igu soo seyrtay aan fahmi waayey!

 

 

Waa runtaa sxb, qof kasta fikirkiisa ayuu wataa, adna fakkir aan badalmi karin oo si un u maqiiqsan ama u yamalyuuqsan ayaad wadataa waana kuugu tixgalinayaa fakkirkaaga, laakin sxb boogtii u baahan in la dhayo waa in lagu fiirshaa il-nugul marka taas waxaan uga dan leeyahey meeshaad u maleeneeso iney Dowladdu ka gurracantahey tilmaan oo khaladaadkey gasho haku raacin, dowladnimo waa la wada jecelyahey laakin sidan si ma ahan sxb smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yuusuf oo Munaasabadda 1-da Luulyo ka sheegay haddii aan isaga la dooranin inuu gurigiisa iska fariisin lahaa

Mogadishu, Sabti, Juun 30, 2007

 

Madaxweynaha DFKMGS, Md. C'llaahi Yuusuf Axmed, Mas'uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee DFKMGS iyo marti sharaf aad u fara badan ayaa waxay saqdii dhexe ee caawa ka qeyb galeen Munaaasabad Qaran oo lagu maamusayey 47-guuradii ka soo wareegtay Maalinta Is-raaca Goballadda Koonfurta iyo kuwa Waqooyiga ee dalka Somalia, oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyadda ee Villa Somalia.

Md. C'llaahi Yuusuf Axmed, oo ka hadlay Kulankaasi, waxa uu Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Sannad-guuraddii 47-aad ee ka soo wareegtay Is-raaca Goballadda Waqooyiga iyo Koonfurta Somalia iyo Xornimadda dalka Somalia.

 

Madaxweynaha DFKMGS, Md. C'llaahi Yuusuf Axmed, waxa kaloo uu ammaanay Hoballadda Qaranka ee kaalinta hormuudka ka soo qaatay Halgankii Gobanimadoonka, wuxuuna si gaar ah ugu mahad-celiyey Hoballadda fanka ku gaamurtay ee Zeynab Xaaji Cali Siigaale "Baxsan", oo uu Madaxweynuhu xusay inay lafdhabar u ahayd Halgankii Fannaaniinta ee Gobanimo-doonkii Somalia.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, waxa uu sheegay inaysan Dowladda ka warwareegi doonin inay foodda ku qaado kooxaha ka soo horjeeda Sharafta, Qaranimadda iyo Gobanimadda dalka Somalia.

 

Madaxweynaha, waxa uu sheegay inaysan Dowladiisu ahayn mid Xukunka boobtay, isla markaana uu Xilkaasi ku yimid Barlamaanka oo doortay, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu gurigiisa iska joogi lahaa haddii aan la doorteen, waa sida uu hadalka u yiri "Waxaan idiin sheegayaa qofkii aan aaminsanayn Wadadanimo, Qaran Somaliya oo mid ah oo xasillooni oo sharaf leh meel ugama bannaanayn Taariikhda Somalai ma jirto, taasi ha ********" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf, oo xusay inaysan Dowladiisa gacmaha ka laaban doonin dadka Qaran0dumiska ah.

 

 

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

DF oo xustey 1-da Luulyo

30 Jun 30, 2007 - 4:57:32 PM

 

Waxaa xarunta Madaxtoyada Villa Somalia xaley ka dhacdey xaflad lagu xusayo munaasabadii 1-da Luulyo.

 

Xafladaan oo aad loo soo agaasimey ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banadir iyada oo ay ka soo qayb galen dhaman xubnaha DF ah ee ku sugan Muqdisho.

 

Dhinaca kale xafladaan ayaa waxaa marti sharaftii ka soo qaybgashey maaweelinayay Fanaaniinta waaberi oo ay horkaceyso Baxsan.

 

Xafladaan ayaa ku dhamaatey in markii ay saacadu ahyd la saarey calanka Somalia halkaas oo ay salaan sharaf ka qateen dhamaan madaxda dowlada oo uu hogaaminayo Madaxweynaha DFKMG ah Cabdulahi Yusuf.

 

Magaalada Muqdisho ayaa xaley la khafiifiyay bandowgii saarnaa iyada oo goobo ka mid ah magaalada laga maqalayey qaraxyo ka djacey meelo kala duwan.

 

Garowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuune, I agree this is an imperferct government, a transitional one. The way I look at it is the foundation for the restoration of the state organs, specially the security.

 

One also must not ignore, the bombers, foreign suicide terror tactics, looters, scrapmerchants, warlord groupings who all oppose this government through violence

 

The opposition resort is violence, yet they blame the governemnt for devestating them by any means.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this