Sign in to follow this  
General Duke

Happy birthday beautiful Somalia

Recommended Posts

Khalaf   

1lulyo.jpg

 

 

Those were the days. Happy Independence Day to the Republic of Somalia! Allow daadkeeni uuu sahal, earse their jahiliya and unite their hearts. amiin ya rabi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

default.jpg

Somali independence Day 1960

 

The 47th Anniversary Celebrations of the Somali Independence days (June 26 & July 1st, 1960).

Maalintii Somalia "Maanta maanta maanta, Waa maalin weyne maanta The 47th Anniversary Celebrations of the

Somali Independence days (June 26 & July

1st, 1960).

Maalintii Somalia

"Maanta maanta maanta,

Waa maalin weyne maanta."

Sidaad la wada socotaanba Somalia waxay midowday

oo isku darsantay July 1st 1960.

Halkan waxaan idiinku haynaa video aad muhiim u ah

oo kutusinaya maalintaas iyo dadku siday ahaayeen

iyo siday u faraxsanaayeen,

masha allah waxay ahayd maalin qaali ah dadka

wajiyadoodana waxaad ka arki kartaa siday u

faraxsanaayeen, Xaaladda Somalia maantana waad

arki kartaa laakiin aynu Ilaah ka barino siduu noo

midayn lahaa Dhamaanteen Soomaali hadaan nahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixin:- Maxaad ka taqaan 26 juun iyo 1da luuliyo? by yusuf Guduudow

 

Maalintii isniinta ahayd ee asbuucii aynu soo dhaafney ayay waxa ay ku beegnayd 26 juun sanadka 2007 oo ahayd maalin taariikh iyo xusuus dheer mudun 26 juun waa maalintii ugu horeysey ee ciida amase gayiga soomaaliya laga taago calanka quruxda badan ee uu alifey, alifihii caanka ahaa ee Maxamed Cawaale Liibaan eebe naxarisitii jano ha ka waraabiyee,

 

Maalintii ay gobolada waqooyi ee dalka soomaaliya ay ka xaroobeen gumaysgiii cadaa ayna iska qaadeen heeryadii gumaysiga ee ingiriiska maalintaasi ayaa waxaa hoos loo dhigey calankii gumaysigii ingiriiska waxaana hawada ka babadey calanka baluuga ah ee xidigta shanta geesood ah dhexda ku leh ee jamhuuriyada soomaaliya waxaana halkaasi gabey qiiraanyo leh calanka u tiriyay abwaanka caanka ah ee Cabdulaahi Suldaan Timacade waxaana ka mid aha maansaddii KAANA SIIB KANA SAAR oo uu ola jeedey in calankii gumaystaha meesha laga tuuro, waxaana farxad iyo reyn reyn ay u ahayd maalintaas dhamaanba bulsho weynta soomaaliyeed waxayna maalin muguro u ahayd gumaysigii meesha laga saarey ee ingiriiska.

 

26 juun oo ah maalin qiimo iyo qadarin iyo weynaynba ugu fadhida dhamaaba bah weynta soomaaliyeed ee ku hadasha afka soomaaliga meel walba oo ay joogaan waxana 26 juun laga xusey sanadkan gobolo iyo degmooyin aad u fara badan oo ka tirsan soomaaliya waxaana ka mid ahaa meelihii laga xusey magaalo madaxda Puntland ee Garowe iyo Magaalooyinka laascaanood, Ceerigaabo, iyo dhamaan gobolada ay ka kooban yihiin gobolada waqooyi ee dalka soomaaliya sida Hargaysa,Burco,Boorama,iyo Berbera waxaa kaloo maalintaasi qiimaha iyo qaayaha leh laga xusey gobolkada koonfureed ee dalka soomaaliya inkastoo aan laga xusin sanadkan magaalo madaxda dalka soomaaliya ee moqdisho hadana waxaa laga xusey magaalooyinka kismaayo baladweyne iyo gobolka shabeelaha dhexe iyo degmooyinkiisa oo laga dhigey munaasabado lagu wayneenayo xuska 26 juun oo ah maalintii ay gobonimada qaateen gobolada waqooyi ee dalka soomaaliya.

 

1da luuliyo waa maalin ayana qadarinteeda iyo xasuusteeda mudan aysana ilaawi doonin bulsha weynta soomaaliyeed ay ay ku dheehan tahay waxa la yiraahdo wadaniyada, waa maalintii ay ay xoroobeen gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya waana isla maalintii iyo midowgii gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed ay ka xoroobeen gumaysigii cadaa ee talyaaniga iyo ingriiska talyaanigu waxa uu gumaysan jirey gobolkada koonfureed ee dalka soomaaliya ingiriiskuna waxa uu gumayste ka ahaa gobolada waqooyiga soomaaliya waana maalintii ugu horeysey ee uu gumaysigii cadaa ee talyaanigu uu ka guuro gobolada koonfureed ee dalka soomaaliya waana israacii iyo midowgii somaliweyn.

 

Isku soo wada duuboo xusus kala duwan oo lagu weyneenayo maalmahan aya waxa ay ka dhaceen gobolo iyo dagmooyin fara baadn oo ku yaala dalka soomaaliya iyadoo maanta ay qaban qaabo aad u xoogan ka socoto magaalada caasimada ah ee moqdisho caawana lagu xuso doono xarladaas lagu weyneynayo markii ay xornimada qaateen gobolkada koonfureed ee dalka soomaaliya ayna midoobeen labada gobol ee koonfure iyo waqooyi ayaa waxa ay ka dhacaysaa xurunta madaxtooyada ee villa soomaaliya halkaas oo lagu wado in uu cabdulaahi yuusuf kasoo jeediyo khudbad aad u xasaasi ah cabdulaahi yusuf waxa uu ka mid yahay raga ugu waa weyn ee ku jira siyaasada soomaaliya noolaana markii ay midoobeen gobolada waqooyi iyo kuwa koofureed ee dalka soomaaliya intaas ayayna faaladii iiga eg tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warbixin) Dabaaldegii Jaaliyada Minnesota iyo Sanaguuradii 47aad ee Qaranka Soomaliya (Sawiro)

Last Updated::2007-07-03 12:26:18

 

Munaasibad lagu maamuusayey Sannad Guuradii 47aad ee ka soo wareegtay

Midnimadii Qaranimada Ummadda Somaliyeed oo ku beegnay July 1st, 1960kii ayaa maalinimadii Axadda oo ku aadanayd 1dii July, 207, lagu qabtay Magaalooyinka Mataanaha ah ee Minneapolis/St. Paul ee Gobolkan Minnesota.

 

Munaasibaddaas oo ay soo qanabqaabisay Jaaliyadda Isutaga Somaliyeed (Confederation of Somali Community in Minnesota) ayaa lagu qabtay Garoonka Kubbadda Cagta ee loo yaqaan James S. Griffin Stadium, St. Paul, Minnesota – halkaas oo ay ka socdeen tartanta kubbada Cagta oo lagu maamuusayey isla munaasibadda. [Halkan ka daawo Sawiradii Munaasibadda]http://www.kurtco.com/SomaliIndependenceDay07

 

Dawlad Goboleedka Minnesota (State of Minnesota), ayaa u aqoonsadey, uguna WAN QALAY “Usbuucii Somalia”, sannad walba marka la gaaro bisha June 25da illaa 1da July, taasoo Somalidu ay ku mutaysatay, Dhaqan wanaagooda, Daryeelka Hiddahooda, Diintooda, isku duubnida, iyo qadarin iyo qiimayn gaar ah oo ay ku dhex yeesheen qawmiyadaha kale ee ku dhaqan gobolkan Minnesota.

 

Soomalida ku nool gobolkan Minnesota ayaa lagu qiyaasaa tiro ka badan 75, 000, waana gobolka Somaalidu ugu badan tahay, marka loo eego gobolada kale ee Maraykanka.

 

Munaasibaddaas oo si wanagsan ku soo gabo gabowdey ayaa waxaa soo camiray dadweyne aad u faro badan, waxaana halkaa kelmado ku aaddan minaasibadda ka soo jeediyey:

· Mudane Ali Boolaay (halgame Qaran)

· Fadumo Hiirad iyo Canab Cagabiyood (Kaalinta Haweenka Somaliyeed),

· Abwaan Nuuraani (Kaalinta Abwaanada iyo Hal Abuurka Somaliyeed),

· Sirad Abdirahman (Madaxa Uruka LEAD ee adeegga Caafimaad).

Waxaan la hilmaami karin kaalinta Fannaaniinta Somaliyeed, sida Bashir Nagaari, Sahro Siyad iyo M. Guun oo halkaas heeso waddani ah ka qaaday.

 

Gabagabaddii Munaasibadda, Madaxa Confederation of Somali Community, Mudane Dr. Sacid Osman Fahia, ayaa abaal marinno Guddoonsiisay, Shakhsiyaad iyo Ururro Hawl Karnimo dheeraad ah ka dhex muujiyey Ummadda Somaliyed, mutaystayna waxa loo yaqaan “Abbalmarinta Hawlkarnimo”.

 

Jaaliayadda Isutagga Somaliyeed (Confederation of Somali Community in Minnesota), Waxay hambalyo iyo bogaadin ku addaan Sannad Guurada 47aad ee Midawga iyo Qaranimada Somaliya u dirayaan dhammaan Ummadda Somaliyeed meel kastoo ay joogaan, waxayna leeyihiin “AAN MAALNO HASHEENNA MAANDEEQ”. Waxay mahad ballaaran u jeedinayaan Warbaahinta Somaliyeed ee goobta joogay, sida Warsan Times, Somali TV iyo Bulsho TV.

 

Halkan ka Daawo (ama soo booqo), sawiradii Munaasibadda: http://www.kurtco.com/SomaliIndependenceDay07

 

A. M. Dirir (Ducaysane

Minneapolis, Minnesota

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this