Sign in to follow this  
zamatar

waa maqalloocshe..l

Recommended Posts

zamatar   

A. A. Garas

 

Halkani waa Maqalloocshe oo aydin ka dhegaysataan mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka ilaaq-buurka. Dhegaystayaashayada dhakada kuusanow, waxaynu soo gaadhnay amintii warka aan idin huluuqsiin jirey, waakan wariye Mr Dhurde.

 

Warkii Oo Kambadhuudha:

Baarlamaanka Baydhaba ka biqleeyey bahalka Ambasadoor sheegay oo dalka Shankaroonland safaarada Atoobiya ku leedahay inuu qushbalo loogu soo bedelay. Biqlada waxa kicisay ka dib markii bahasha Baydhabo ka naxday war BBC-du sheegtay oo ahaa Ambasidor mudakar ah ayaa Hargeysa qushbalay, warkaas oo kaga oohiyey qaar ka mid ah Gudhanayaasha gaajada lagaga xoreeyey Baydhabo. Waxaanan maqlayay iyagoo leh ‘Waar ninka loo bedelay ma xabashi yar baad moodaysaa, waa safiir buurtaa le’eg oo ilaa filand fadhiyi jirey’. Qaar kale ayaa la soo sheegay inay lahaayeen ‘kadab-go’nay oo tii Atoobiya ina nacday oo shankaroon bay la shuraakowday’. Wax cunayey mooyaane ragga sidaas u ciyay waxay ahaayeen Hebel asal ahaan haashkii Shankaroontu tuurtay ka mid ah, kuwaas Waraabe u tagga Imbagaati looga dhigay. Biqladaasina waxay gaadhay in raga wasaaradahoodii ay waydiiyaan oo ku yidhaahdaan ‘maxaa safiirku Hargeysa u tegayaa? Dhinaca kale shirgudoonka Shankaroonta oo ka cajabay baarlamaanka sidan u ciyaya ayaa jawaab ula jiibsaday, waxaanay yaa ayuhal walla-weyn, adhiyulaahi Imbagaati asqa guurka gees nagala mara, Itoobiya ma roodhidiinii baad u haysataan sow dalkay doonto safaarad ka furan mayso. Waryaadha hadaad reerihiinii ka soo xumaateen xagayaga ha ula soo kicinee waxaad yeeshaan caw qaato oo xagaas iyo buurkaroole ula kaca’. Waxa kale oo ay u sii raaciyeen ‘calan qudhaa la taagay baad ka cabadaysaane afartan baanu ka taagi, naftuba haydinka dhacdee’.

 

Intaasi markay walla-weyn gashay, waxaa la soo sheegay in Afada tegree qabay in uu Atoobiya daba washlaynayay oo uu jawaab ka raadinayay. Balse hansal lagama qaadin, waxaanu markii dambe warqad been abuur ah u dirtay wakiil yar oo uu dhowaan Addis dhigtay. Ninkaas oo uu been-dhigiska ku ogaa ayaa wuxuu u soo diray warqad jeebkiisa ah oo sidii geeddi jeclaa uu u soo dhigay. Shalay markii golihii gudhanayaasha uu hortegay ayuu warqadii ka hor-arkhriyey wuxu ku yidhi ‘Gudhanayaal marrow iyo mallooliba waad mahadsan tihiin, waydinkii iga sugay inaan Atoobiya soo caddeeyo, waan ka xunnahay waayo afartii cisho ee u dambeeyeyba Itoobiya way huruday oo daji bay dhamaysay. Masuuliyiintii aanu is-naqiinayna fasax bay ahaayeen, balse safiir beeni ayaa u tegay qaar ay is-yaqaanaan, ka dibna wuxuu ii soo diray warqadan oo shaabadii Arda Sababa ku taallo, aan idiin akhriyo Ku: Aboowe, Digtoore, Barafasoore, Raysal-wasaare, Jamhuuriya Dimuqradiga ku-meel-gaadhka, faderal-ka dib u heshiisiinta midowga dalka Somaliya.

 

Aboowe Itoobiya waxay igu tidhi afartan qodob:

1. Anagu idinka uun baanu naqaanaa.

2. Waaad tihiin kuwa Somali oo dhan wada xukuma.

3. Anagu ma kala geyno ee sidii bishii February aan idiin sheegnay inagu saaxiib baynu nahay.

4. Ma Shankaroon baad sheegaysaa, taa ma aqoonsanin, welibana haday waalato ma aqoonsan doonno weligeed.

 

Intaa markay maqleen ayaa sacab silloon lala sarakacay. Waxa kale oo uu yidhi sidaa waxa yidhi Sayuun Masfin, hadana sacab kale. Ka dibna gudhanayaashii geb-geb lahaa oo sheeko caruurtaasi caadi ugaga farxisay ayaa la aqoonsan maayo ku istareexay. Haddaba, safiirkan gudhanayaashii Baydhabo ka goojinayaan oo aniga laftaydu aanan uba haysan inuu sidan u buuran yahay ayaa la sheegay inuu yahay safiir uray oo Atoobiya u soo diratay Shankaroonta isagoo bedelay yarkii Isaxaaqa u ekaa ee Abdeeto la odhan jirey.

 

Sidoo kale, xafiiskan Atoobiya oo aan moodayay waredhe yar ayaa lay sheegay inuu koray oo uu noqday safaarad kibirtay oo dal dawlad sare ka jirto nooca laga furto, iyada oo shankaroonta iyo Atoobiya seban horeba saaxiibnimada saxeexdeen, ayaa beri dhexe waxa dhacday in maamulka Itoobiya maniwalka ku dhaqaaqo oo uu C/laahi Yuusuf ugu sheekeeyo inuu yahay ninka Somaliya fasaxaya oo uu Itoobiyana calaashaan jaarnimada qiimo jaban kaga iibin doono. Xilligaas oo lacag carbuun ah Nayroobi kaga qaaday wakhtigaas oo uu doorashada ku jiray. Balse markii uu kursiga fuulay ee uu ku dhawaaqay ciidamo shisheeye in loo baahan yahay ayaa lagu gartay oo lagu yidhi, wadamada jaarku kuma jiraan, isaga oo islahaa Itoobiyana ka iibi, adiguna hafuu qabtaane hayso, markay u tixgelin weyday Baydhabo iska dhiibay Atoobiya oo is-lahayd dawladuba waa canjeeradii aad soo duubatay ayaa in dhoweydba i-lahayd yaa harageedii kaaga celiya. Waxaanay iskaga soo noqotay shankaroontii jaadka ka iibsan jirtay. Inkasta oo aanay aqoonsiga ku dhawaaqin, hadana waxaa la sheegayaa inay Itoobiya ay dhowaan shankaroonta la qaldayo oo intay dhegta afka u saartay ay hoo ugu tidhi yaan la ina maqline, waanu idin aqoosanay. Waxa kale oon maqlay in Ingiriisku baraarugay oo uu dalalka Afrika ka raadinayo dal uu u duceeyo oo shankaroonta aqoonsada. Waxaana lay sheegay in dalka Afrika Oogo ogolaaday inuu aqoonsi shankaroonta ku dhawaaqo dhowaan.

 

Ducadii Daar;

Madaxyuubka Shankaroonta ayaa mid wasiiradiisa ka mid ah xilka ka fara-maroojiyey, waxaana la sheegay inuu ku yidhi, markaan arkay waxaad samaysay iyo sidaad xilka u gabtay, insha allaahu waxaan gartay inaan kaa qaado xilkii, intaan cid u soo helayo iigu sii dhiib ku xigeenka. Madaxyuubka oo beryahanba la lahaa wax buu isku walaaqayaa iyo qaar buu duco la damacsan yahay, ayaa hadana midkaa kaliya mooyee lama arag duco kale oo daarta ka soo luudaysa. Waxa la sheegayaa oo ilaa xalay lala dhuslaynayay in dhowr nin oo tay iyo suudh aroor gashani madaxtooyada gel-gelayeen, kuwaas oo madaxyuubku kula balamay in dawlada meel ka gelin doono. Waxaana igu maqaalo ah, madaxyuub wasiirada ku lahaa ‘wasaaradee baan kuu wareejiyaa’, kuwaas oo qaarkood ku yidhaahdeen, waar wareejin lahaan dalka waynu wada qabsanaye ma wada haysanaa? Iyagiyo allahoodee, waxaan maqlay wasiirka warfaafinta ayuu maaliyada geynayaa, kii maaliyadana arrimaha dibada ayuu ku sii wadaa, kii dibadana caafimaadka ayuu la damcay, kii caafimadkana hawlaha guud ayaa lagu sheegay, balse lama oga wuxu yeeli doono.

 

Gabay

 

Laxooxdii itoobiya ee

Imbagaati lagu dubay

Imkay urteedii iyo agagaskeedii

Hagaag loo ogaadoo

Idaacaduhu sheegeen.

 

Iyadoo afaafkiyo

Albaabkeedu xidhayay

Amaanadaha halaysay

Asqa guur bilowdoo

Afka waxay ku taagtaa

Abid dadaanay gaadhani.

 

Dagaal oogayaashii

Igad soo shir-shirisee

Ergo dawlo laga dhigey

Arrintii qarbooshnayd

Ilduufkiyo habowgii

Odaygii maqiiqnaa

Imbigaati kala yimi

Afartaba dab laga saar

Awr dhalyo xumaantiyo

Uus buurnideedoo

Hadba oodo Jiidkoo

Ka arkaa Jeclaayaa.

 

Ibtilada dambeysee

Asqo soo wad-wadataan

Waa amuuraheedii

Iyadoon itaal hayn

Dhul ku edeb ******kii

IToobiya dacweyntii

Malleeshiyo alooskii

Ammoonkooda lumidii

Abudkoodba lama arag

Walla-weyn isbuurtoo

Axdi dawlo fulisoo

Kaligeed istaagtee

Muxuu uunku hadimiyo

Asqanimo rumaystaa

Maafiyada ururtiyo

EU habowsani

Maxaa eel ku soo bixi

Arintii la madowsaday

Shankaronta uubtiyo

Eelka loo qodayee

Islahaa halagu rido

Akademigu ma og yahay

Aqoonsiga la sheegiyo

Sida layga Aaminay

Ka adkaysin badanahay

Akadamigu ma og yahay

Ii yuu in ay tahay

Ajinabi qariiboo

Itaaliyaa hageysoo

Ogolayn waxanoo

Ingiriis horjoogoo

Afrikaan ogaadoo

Ololaha dhawaan jira

Ansaxyahay aqoonsigu

Akademiga ma ogtahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this