Sign in to follow this  
Kamaavi

Sidee looga dareemay Magaalada Jigjiga Itixaadka isu dhiibay Guumaysiga.

Recommended Posts

Kamaavi   

Sida aan wada ogsoonahay waxaa bishan bilowgeedii isu soo dhiibay Guumaysiga kuwa sheegta Al Itixaad ee ku hoos gabanaya magaca Islaamka. iyagoo sheegtay inay heshiis la saxiixdeen Guumaysiga balse uu beeniyay warkaasi Guumaysigu sheegayna inay qolyahan Al Itixaadku isa soo dhiibeen oo ay hubkoodii dhigeen.

 

Haddaba guud ahaan Dhulka Ogadeeniya ee laguumaysto ayaa siyaabo kala duwan looga dareemay Is dhiibista Itixaadka iyagoo inta badan aan laga soo dhawayn qaabka ay isu dhiibeen Itixaadku, oo run ahaantii dulli ka muuqday. haddii aynu ku horeyno Magaalada Jigjiga, dadku waxay ilaa iyo xad la yaabeen sida aan raalliga laga ahayn ee ay isu dhiibeen Itixaadku, iyadoo meel walba lagaga sheekaysanayo " Qolyihii Itixaadka sheeganayay ma maqasheen waxay sameeyeen !! way isa soo dhiibeen".

 

Dadka ree Jigjiga waxay aad uga xumaadeen is dhiibista iyo isu dulaynta ay Itixaadku hoos isugu dhigeen Guumaysiga, Itixaadka oo markii horeba Shacabku ka biyo diidsanaa halgankay sheeganayeen inay wadeen ayaa haddana ay middani dhibaato kale noqotay, waxayna Shacabku hadda is weydiinayaan tolow maxay tahay tallaabada xigta ee ay qaadi karaan Itixaadku.

 

Dadka qaar ayaa is dhiibista Itixaadka ku tilmaamay Jaasuus cusub oo kusoo biiray jawaasiista u adeegga Guumaysiga iyo maamul ku sheegga ka jira Ogadeeniya, iyagoo sheegay in qolyahan is dhiibay noqonayaan kuwo dadka dhexdiisa ku dhex jooga magaca Soomaalinimo iyo Islaamnimo balse ay hoosta kuwataan shaqadoodii jaasuusnimo taasina ay noqonayso dhibaato kale oo usoo hoyatay Shacabka Ogadeeniya ee laguumaysto.

 

Si kastaba ha ahaatee Is dhiibista qolyaha sheeganaya Itixaad ay isu dhiibeen Guumaysiga ayaa noqonayso mid aysan cidna ku farxin oo qof walba oo u dhashay Ogadeeniya uu aad uga xumaado. waxaa kale oo meesha ka baxaysa soo dhawaynta ah in si diiran loogu soo dhaweeyay Ogadeeniya, taas oo Shacabku uusan waxba ka ogayn inay yimaaddeen magaalada iyo in kale, inta yar ee ogaatayna ay leeyihiin maxaa faa'iido ah oo ay isu soo dhiibeen koley wax ay ku soo kordhinayaan Degaanka oo aan dhibaato ahayn ma jirtee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this