Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: TFG capture more weapons and trouble makesr...

Recommended Posts

Muqdisho: Dawladda federaalka oo maanta soo bandhigtay hubkii lagu weerarayay maalmihii tagay xarumaha dawladda.

Arboco, February 07, 2007

Muqdisho(AllPuntland)- Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay soo bandhigtay hub iyo rasaas ay sheegtay in ay ahayd kuwii lagu soo weerarayay maalmihii ina dhaafay.

Wasiir kuxigeenka gaashaandhigga dawladda Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa Iskuul Bolisiya kusoo bandhigay hub u badnaa rasaasta hoobiyaha , waxyaabaha qarxa iyo qalabka loo adeegsado qarxinta intaba.

Masuuliyiin dawladda ah , iyo saxaafadda ayaana si rasmi ah loo tusay, ayadoo wasiir kuxigeenka gaashaan dhigga Soomaaliya uu bixiyay warbixin faah faahsan oo arimahaasi kusaabsan.

Salaad Cali Jeelle wuxu sheegay in hubkan iyo rasaastan laga soo qabtay xaafadda Dayniile, halkaasi oo kooxaha qaraxyada fuliya ay xarumo ku lahaayeen.

Md: Jeelle wuxuu sheegay in dawladdu soo qab qabatay qaar kamid ah raggii hawshaasi qaraxyada gacanta kula jiray , balse ma uusan sheegin cadadka ay yihiin .

Salaad Cali Jeelle wuxuu sheegay inay ka war heleen xarumo kale oo saldhigyada dawladda iyo goobaha bulshada weerar looga soo qaadi jiray, dawladdana ay u qorshaysan tahay inay gacanta kusoo dhigto ragga hawlahaasi ku jiray.

Waa markii ugu horaysay oo dawladda federaalku soo bandhigto hub iyo rasaastii lagu soo weerarayay, waxayna umuuqataa inay horumar ka samaynayaan arimaha nabad galyada.

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post

Link to post
Share on other sites
Taliban   

Maxamed Qanyare oo wax lagu yaabo ku tilmaamay Hubka uu sheegay Jeelle in uu ka qabsaday Muqaawamada

Muqdisho,07,February-07 ( Qaadisiya.com) Maxamed Qanyare Afrax oo kamid ahaa Hoggaamiyeyaashii aasaasay Isbaheysigii Sheydaanka ee horey Muqdisho ay Maxakamadaha uga ceyriyeen ayaa jawaab kulul ka bixiyay Maanta hadal kasoo yeeray Salaad Cali Jeelle oo kamid ah Shaqaalaha Tikreega.

Qanyare ayaa waxa uu sheegay in ay nasiib xumo tahay in Salaad uu sheegto war ku aadan in uu qolo wax qarxineysay oo hub ka qabsaday beentaasina uu shacabka kumarin habaabiyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay qanyare in hubka uu saxaafadda tusiyay uu yahay kuwa hadda kahor ay meesha uga tageen Maxkamadaha xilligii isbaheysiga Sharta ay la dagaalamayeen iyagoo goobta iskuul shanaad ee uu sheegtay Jeelle ay u aheyd Maxkamadaha goob ay hoobiyeyaasha ka tuuraan.

“Waxa uu qaatay oo idil oo hub ah ma ahan hub sax ah ee waa kuwa Dheemish ah oo dhacay isla markaana aan wax tareynin ee miyuu jiraa in madaafiicda xabadahooda meel banaan la iska soo dhigayo, kolleey salaad hadduu u yaqaano waxaasi hub oo aqoontiisa hubka ay halkaasi gaarsiisan tahay run ahaantii waa wax si aad ah loolayaabo”. Ayuu yiri Qanyare.

Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay in dayniile hubka uu sheegtay in uu kasoo qabtay Jeelle uu yahay mid aanu waxba kajirin isla markaana ay jirto siyaasad kale oo ka dambeysa Arrimahaasi, wuxuuna uga digay qanyare Ninkaasi Jeelle la yiraahdo in uu ka waantoobo waxyaabaha uu kudhaqaaqayo haddii mar dambe uu kusoo laabto goobtii uu Maanta aadayna uu isagu leeyahay Mas’uuliyadda waxa uu halkaasi kala kulmo ayuu sii raaciyay qanyare.

Waa Markii ugu horeysay oo Salaad Cali Jeelle uu sheego been xad dhaaf ah isla markaana beentiisa uu ku beeniyo nin sida isaga oo kale ah maadaama ay is ogyihiin gaalo raacyadu.

Wareysiga Qanyare oo aad u dheeraa qeybo kale oo dheer Beri ayaanu idinkugu soo gudbin doonaa Wararkeena Inshaa Allaah.

http://www.qaadisiya.com/view_contents.php?articleid=353

^^^Mohamed Qaynyare is being quoted in Qadsiye, now thats priceless.

Anyhow these desperate acts will not derail the TFG, its better they stop killing the civilians of the city...

Share this post

Link to post
Share on other sites

salaad_Cali_jeele111.jpg

Salaad Cali Jeele oo soo bandhigay Hub ay qabteen iyo weeraro horleh

Last Updated::2007-02-07 18:29:25

Muqdisho:- Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay hub laga soo qabtay xaafadaha magaalada.

Hubkan ayaa u badnaa rasaasta iyo qoryaha hoobiya oo 27 xabo lasoo qabtay, sidoo kale miinooyin iyo qalab kale oo qarxa ayuu Wasiir kuxigeenku saxaafada usoo bandhigay.

Salaad Cali Jeele ayaa sheegay in ay sidoo kale gacanta kusoo dhigeen 3 ruux oo la sheegay in ay kamid ahaayeen kooxaha soo abaabulo weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Wasiir kuxigeenka Gaashaandhig DFKMG ayaa sheegay in ay wadaan hawlo badan oo lagu adkeenayo amniga magaalada Muqdisho, oo maalmihii lasoo dhaafay kasoo darayeen weerarada kala gedisan ee lagu qaadayo xarumaha Dowlada iyo shacabka.

Maanta oo Arbaco ah ayey magaalada Muqdisho siyaabo kala gedisan loogu dilay illaa iyo 4 ruux.

Sidoo kale madaafiic ayaa lala beegsaday goobo magaalada kamid ah oo ay ku jirto Xarunta Madaxtooyada, iskuulka Allah iyo saldhiga Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Goobahaasi ayaa weeraradii lagu qaaday aysan cidina wax ku noqon, balse hal qof ayaa ku dhaawacmay weerar ay maleeshiyo ku qaadeen saldhiga Booliiska ee degmada Waaberi.

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post

Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by General Duke:

Mohamed Qaynyare is being quoted in Qadsiye, now thats priceless.

You have to admit Qaadisiya.com is more trusted and credible than the sites you trust that reported the outright lies about Sheikh Sharif being already in Yemen.

Share this post

Link to post
Share on other sites

^^^Qadsiye is fake clan based website that lies at every turn and incite hatreds between Somali's. It has a religious facade much like Yusuf Siyad IndaCade, its clan garbage and most people know this. So I sugest you try to get the news from else where dear lad.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Maybe we should read what pro-mbagathi mafia group websites write. icon_razz.gif

Diyaaradaha Milateriga Mareykanka oo kordhiyay ilaalada ay ku hayaan Muqdisho iyo cabsi soo food saartay dableyda qaraxyada geysata ;)

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 07/02/07

Saddexdii habeen ee ugu dambeysay waxaa hawada magaalada Muqdisho dul heehaabayay Diyaaradaha Milateriga Mareykanka, waxaana diyaaradahan oo la sheegay inay gaarayaan ilaa saddex diyaaradood ay marba mid duulimaad ku sameyneysay hawada magaalada Muqdisho.

Diyaaradahan oo ah nooca dhulka wax ka sawira sida ay Shabakaddan u sheegen khubaro Milateri ayaa waxay hawada Muqdisho ku sameynayaan baaritaano la xiriira macluumaad ku saabsan jawiga guud ee magaalada Muqdisho, tan iyo markii ay gacanta ku dhigtay dalka intiisa badan Dowladda Federaalka.

Heeso Somalia ahHeeso Somalia ahHeeso Somalia ah

Dhaqdhaqaaqa diyaaradahan oo kordhiyay 60-saacadood ee aynu ka soo gudubnay ayay sheegeen qaar ka mid ah aqoonyahanada dhinaca Milateriga inay la xiriirto sidii ay wax uga ogaan lahaayeen isla markaana ay ula socon lahaayeen dhaqdhaqaaqyada kooxaha maleeshiyooyinka ku sugan Muqdisho ee maalmahan dambe falalka nabadgelyo xumo ka wada gobolka Banaadir.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in diyaaradaha Mareykanka oo horeba duulimaadyo aan sidaasi u badneyn ku sameyn jiray hawada Soomaaliya, laga cabsi qabo in diyaaradahaasi ay jawaab ka bixiyaan isla markaana ay gantaalo ku ridaan barta ay ku sugan yihiin dableyda qaraxyada adeegsata. ;)

Diyaaradahan Milateri oo ah saddex nooc oo siyaabo kala duwan ay u adeegsadaan Ciidamada Mareykanka ayaa waxaa dhacda mararka qaarkood inay daqiiqado kooban hawada ka baxaan, markaasoo inta badan ay dhacaan kooxaha dableyda ahi inay duqeyn u geystaan xarumaha Dowladda iyo goobaha ay degan yihiin dadka rayidka ah.

Jabriil Maxamuud Nuur

jabriil@journalist.com

Share this post

Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

The militia from Buntland are called “the government” forces but those from Mogadishu are terrorist. How ****** does that statement sound? Yey and his groupies such as Duke boy believe just that. That is very disrespectful statement and very insulting concept of belief.

Dawlad aan reer mugadisho diyaar u ahany koonfur kama dhismayso.. Believe that.

Share this post

Link to post
Share on other sites

^ The mgovernment forces are from all over somalia. Many native mogadishuans. You are trying to pit Clan A vs Clan B, but nobody is having it.

It the past couple of weeks 1000+ militias from the former warlords were brought for rehabilitation just from Xamar.

Many militia are being trained from Hiiraan to Bay Bakool etc.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

You must ate a lot of Oodkac this morning because your statement is full of "IT".

Every one and their momma know the dynamics of these TFG militia.

Let me ask you this. How large is 1000 men?

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this