Sign in to follow this  
General Duke

Addis Ababa: AU broker agreement PM told who has constitutional power

Recommended Posts

Addis Ababa: Madaxda dawladda Soomaaliya oo gaaray heshiis kooban.

24. august 2008

 

 

Addis Ababa(AllPuntland)- Madaxda sarre ee dawladda faderaalka ee Soomaaliya ,gaar ahaana Madaxweyne Yusuf ,Wasiirka koowaad Nuur Cadde & ra'iisul baarlamaanka Sheekh Aaden Madoobe ayaa gaaray heshiis kooba oo is afgarad ah ,wax looga qabanayo waxyaabihii keenay khilaafkii Madaxweynaha & Raysalwasaaraha.

 

Kulankii ugu dambeeyey ee ay yeeshaan sadexda masuul ee ugu sareysa dawladda faderaalka ee Soomaaliya ayaa lugu gaaray is afgarad wanaagsan ,waxa ayna Madaxweyne Yuusuf & RW Nuur Cadde saxiixen heshiis kooban.

 

Qodobada la sheegay in lugu heshiiyey waxaa ka mid ahaa.

 

1. In xilka qaadistii Maxamed Dheerre loosaaro gudi Madax banaan oo soo baara waxyaabaha jira ,si deg degna loo soo dhiso Gole deegaan oo doorta gudoomiyaha gobalka Banaadir & duqa magaalada Muqdisho.

 

2. In Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya yahay Masuulka ugu sareeya dalka Soomaaliya dhinac walba awoodaha dawladda Soomaaliya.

 

3. In Raysalwasaare Nuur Cadde Miisaaniyada dawladda Soomaaliya baarlamanka ugu soo gudbiyo 15 maalmood gudahood ,waxaana lugu dhiirigaliyey raysalwasaare Nuur Cadde in uu deg deg ah qorshahaasi dadajiyo.

 

4. In lasoo celiyo Wasiiradii xilalka iska casiley markii uu Nuur Cadde xilka ka qaaday gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb.

 

5. In Raysalwasaaraha Soomaaliya yahay masuulka golaha wasiirada wixi wax ka badal & ku darid ah lagala tashan doono Madaxweynaha Soomaaliya.

 

6. In Golaha Xukuumada Soomaaliya tiradooda laga dhigo 23 xubnood ayadoo lugu sameyn doono isbadal deg deg ah.

 

Qodobadan oo si hoose loogu soo gudbiyey Warbaahinta AllPuntland ayaa la saxiixay xalay ,waxa ayna dawladda Itoobiya & Beesha Caalamka oo joogey shirkan ay soo dhaweeyeen saxiixa heshiiska ay iskood ugaareen Madaxda dawladda faderaalka ee Soomaaliya.

 

Qodobadan la gaaray lama garan karo sida looga ansixin doono baarlamaanka faderaalka ee Soomaaliya oo mar dhow bilaabay ka soo horjeeda heshiiskaasi iyo qaadida Olole lugu cambaareynayo Beesha Caalamka ee heshiiskaasi qeyb ka ahayd.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ahmed AbdiSalaan isolated and angry, as his hold over the PM weakens

 

Gen Gabre will be replaced as well, thus President Yusuf has gained what he wanted, the "international" community can do little to change the power structure of our government and Nur Cade has to play ball.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shan Qoddob Oo Muhiim Ah Oo Ay Ku Heshiiyeen Madaxda Sarre Ee Dalka Soomaaliya

 

23 August, 2008 By _Dowladnimo

Qilaafkii dastuuriga ahaa ee hareeyey madaxda sarre ee dowlada Somaliya ayaa lagu soo afjarey is fahan iyo wada shaqeyn ku saleysan shan qoddob oo muhiim ah oo ay labada Mas'uul ee sarre Madaxweynaha Dowalda Federalka Md. Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ay wada saxiixeyn, waxaana ka mid ah qodobadaas hor dhaciisa.

 

1.In awooda Dowliga iyo Midka Dastuuriga Dalka Ugu Sareeya uu Leeyahay Madaxweynaha

 

2.In 15 Maalmood Gudahooda Lagu Soo Gudbiyo Qarash Sannadeedkii Dowlada Federalka Somaliya

 

3.In Gollaha Wasiirada Maamulkooda Ra'iisul Wasaaraha Leeyahay Balse Dhisidooda Iyo Ansixintooda Lagala Tashado Madaxweynaha

 

4.In Guddi Loo Xil Saaro Xil Ka Qaadistii Gudoomiya Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere Lagu Sameeyey.

 

5. In wasiirada laga dhigo 23 wasiir wasiiradii iscasileyna uu nuur cade dib u soo celiyo.

 

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cabdulahi Yusuf iyo Nuur Cadde oo heshiis KMG la dhex dhigay.

Kismaayo 24 August /2008 Waagacusub.com

 

 

Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa laga soo xigtay war hordhaca oo ay ku sheegtay in heshiis kumeel gaara la dhex dhigay Madaxweyne Cabdulahi Yusuf iyo Ra'isulwasaare Nuur Cadde.

 

Xukumadda Itoobiya ayaa ka gaabsatay inay faahfaahiso qodobada ay ku heshiiyeen labada korneyl ee hogaansha dowlada Federalka Soomaaliya hasse yeeshee diblomaasiyiinta ku sugan Addis Ababa ayaa Warbaahinta qaar ugu sir waramay in qodobada heshiiska oo ka kooban shan qodob ay ka mid yihiin.

 

1- In awooda dowliga iyo tan dastuuriga ee dowlada federalka uu leeyahay Madaxweyne Yusuf

 

2-In Maamulka Xukumadda loo madaxbaneeyo Raʼisulwasaarre Nuur Cadde uuna la tashiyo la sameeyo Madaxweyne Cabdulahi Yusuf

 

3-In la magacaabo guddi isku dhafa oo ugu badnaan bil gudaheed ku soo gudbiya qarash sanadeedka dowlada Federalka Soomaaliya

 

4-In guddi dhexdhexaada loo magaacabo xilka qaadistii Maxamed dheere si ay go-aan sharciyeed uga gaaraan,sidoo kalana in la dhiso golaha degaanka gobolka Banaadir si doorashada gudoomiyaha gobolka u dhacdo

 

5-In golaha Wasiiradda uu Nuur Cadde ka dhigo 23 Wasiir kuna sameeyo isku shaandheyn ,iyadoo Xukumadda laga mid dhigayo Wasiiradii is casilay.

 

Madaxweynaha iyo Ra'isulwasaaraha ayaa la xaqiijiyay inay is gacan qaadeen kadib saxiixooda qodobada laakiin dhinaca kale waxaa Baydhabo ka sii laba lixaadsaday ololahii isnaceybka ee u dhaxeeyay garabyada hogaamiyeyaasha dowlada,waxayna Xildhibaanada ku adkeeysanayaan hergelinta mooshinkii lagu wiiqayay Xukumadda Nuur Cadde.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ahmed AbdiSalaan isolated and alone, his effects on old man Nur are receding

 

Axmed Cabdisalaan Oo Ah Wasiirka Warfaafinta DFKGS Ayaa Loo Diiday In Uu Galo Magaalada Adis Ababa Ee Ay Ku Sugan Yihiin Madaxda Sarre Ee DFKGS.

 

Wasiirka Warfaafinta DFKGS isla markaana ah Ra'iisul Wasaare ku xigeenka seddexaad kana midka ahaa wafdigii DFKGS ooga qeyb galey shirkii dib u heshiinta lagu qabtey magaalada Jabuuti, ayaa waxay wararka ka imaanay Adis Ababa sheegayaan kolkii uu soo dhamaadey shirkii Jabuuti oo u soo ruqaansadey in uu yimaado magaalada Adis Ababa si uu ooga qeyb galo wada xaajoodka u dhaxeeyey madaxda sarre ee DFKGS ee ku saleysan ilaalinta iyo dhaqan gelinta dastuurka dalka Soomaaliya u yaala.

 

Wararku waxay sheegayaan, in Wasiirka kolkii uu ka soo degay garoonka diyaarada ee magaalada Adis Ababa ay hor istaageen in uu gudaha magaalada soo galo xubno ka kala socday Wasaarada Arrimaha Dibada iyo kooxda sir doonka dalka Ethiopia.

 

Taasoo lagu amrey in uu sida oogu dhaqsaha badan dalka Ethiopia ooga baxo, isla markaasna aysan boos ooga banaaneyn in laga faa'ideysto is qab-qabsiga dastuuriga ahi ee hareereeyey DFKGS.

 

Axmed Cabdisalaan ayaa arrintani waxay ku noqotay waji gabax hor leh oo soo wajahay, ka dib markii uu isu mooday xubin muhiim ah oo aan laga maarmin isla markaana xirriir dhow la leh dowlada Ethiopia.

 

Wasiirka Warfaafinta ee DFKGS Axmed Cabdisalaan ayaa waxa uu ahaa shaqsiga sida aadka ah oogu dhow Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, isla markaana lagu tuhunsanaa in uu yahay ninka tallada guracan ee qar iska tuurka ahi siiyo Ra'iisul Wasaaraha.

 

Wasiirka ayaa durbadiiba bilaabey in uu warar dacaayado xambaarsan ka sii daayo raadiyaha sida goonida uu isagu mulkiilaha ka yahay iyo boggooda Internetka warar sheegay in dowlada Ethiopia ay ku eedeysay in Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf uu yahay shaqsiga diidan in ay DFKGS hir gasho.

 

Tasoo runtii fajiciso ku noqotay halka warkaas gafka xambaarsan uu ka keenay Wasiirku.

Waxaase dhowaantan lagu wadaa in uu Wasiirku Axmed Cabdisalaan dalka dibadiisa isaga soo baxo, ka dib markii hanjabaado tiroo badan ay ooga yimaadeen xoogaga Al Shabaab oo ay isagu is xigaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shan Qoddob Oo Muhiim Ah Oo Ay Ku Heshiiyeen Madaxda Sarre Ee Dalka Soomaaliya [/n]

 

waxaa la daabacay Sun 24 Aug 2008 03: 06: 55

Addisababa CMC-Qilaafkii dastuuriga ahaa ee hareeyey madaxda sarre ee dowlada Somaliya ayaa lagu soo afjarey is fahan iyo wada shaqeyn ku saleysan shan qoddob oo muhiim ah oo ay labada Mas'uul ee sare,

Madaxweynaha Dowalda Federalka Cabdullahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ay wada saxiixey, waxaana ka mid ah qodobadaas.

 

1) In awooda Dowliga iyo Midka Dastuuriga Dalka Ugu Sareeya uu Leeyahay Madaxweynaha.

2) In 15 Maalmood Gudahooda Lagu Soo Gudbiyo Qarash Sannadeedkii Dowlada Federalka Somaliya.

3) In Gollaha Wasiirada Maamulkooda Ra'iisul Wasaaraha Leeyahay Balse Dhisidooda Iyo Ansixintooda Lagala Tashado Madaxweynaha.

4) In Guddi Loo Xil Saaro Xil Ka Qaadistii Gudoomiya Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Loo saaro Guddi.

5) In wasiirada laga dhigo 23 wasiir wasiiradii iscasileyna uu nuur cade dib u soo celiyo

 

 

Qodobadan oo warbaahintu si hoose u heshey ayaa la sheegey inay madaxdu shaacin doonaan marka ay yimaadaan gudaha dalka Soomaaliya waxaana la filaayaa inay dhowaan soo gaaraan dalka.

 

 

CMC

 

 

Maamulka Webka kala Soo Xiriir

 

 

Ceelwaaqnews@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

Horn Afrik, Ahmed AbdiSalaan's site also adds its two cents.

Why is it different than the rubbish you are writing here in which you copy and paste P/land version of the story.

By the end of the day both you and them admit that there was a clash amid the PM and the President and that it was arbitrated by the Xabashi (and not the AU) - thus what makes you proud in here saxiib - the whole scenario merits nothing but a vomit cause it is lack of integrity - but then again did Yeey and you lot ever know what the word itself means or its value? NO!

And before I go tell me - was Nuur Caade sacked or Yeey could not come around to that bend at this time? So much for shouting that Caade will be sacked and yet have the audacity to come around here boasting that the AU ( while it was the Xabashi) have brokered a deal.

Shame on you...oops that is another thing you know not of.

And one more thing sxb Axmed Cabdi Salaan is light years ahead of you and the parasites you worship.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer Juje, what are you angry about, every site has reported there was an agreement except for Horn Afrik?

 

Anyhow the President has been asked to forgive Nur Cade an old man who was being brainwashed by a few clanist clowns. Now why sack him if he will repent?

 

The AU, Ethiopian governemnt and the UN rep played their role, Nur Cade came back to relity either he left office or worked under the clear guidlines of the constitution.

 

The PM has chosen to do the later, and will be given a temporary chance, though no gaurantee the parliment will give him the confidence vote on his new cabinet[which he will have to name with the Presidnet or it wont pass[

 

All in all this is vintage Yey, he keeps overcoming roadblocks while his detractors are upset and send confused signals through their mouth pieces like Jumatutu or Horn Afrik.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

Anyhow the President has been asked to forgive Nur Cade an old man who was being brainwashed by a few clanist clowns. Now why sack him if he will repent?

No one can ever come up with such utter rubbish other than the clannish supporters of Yeey - it doesn't take much to convince yourself does it - bloody retards.

 

Nuur Caade is still there..oh yeah ..so is Axmed Cabdi-Salaan ....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Adeer

In Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya yahay Masuulka ugu sareeya dalka Soomaaliya dhinac walba awoodaha dawladda Soomaaliya.

Adeer Juje, was this not the point you wanted to contradict?

 

Was your praise of Ahmed Abdisalaan and others not to show the weakening of the Presidents position?

 

My friend Nur Cade has repented and the deal is good for the pro law and order groups.

 

The confused will still talk as thats all they are good for lately.

 

We have got to know the nature of Nur Cade, now he will not be given any more chances.

As for Ahmed AbdiSalaan, his position can be summed up by the reaction of Horn Afrik.

 

Yusuf has outplayed all of you again That was expected.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

To: duke and Juje

 

Niman Tigrey caabudo oon khilaafkooda xallin karin oo dullinimo waxey ka gaareen looga yeerayo Addis Ababa si loo kala maslaxo ayaad labadiinaba kala difaaceesaan.

 

Isla yaaba nimanyahow, Yeey ayaa sidan ah, Nuur Cade ayaa saan ah maa ku jireesaan oo dood idiin noqotey, subxaanallaah, waligey waxan oo kale maan arkin!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Nuune adeer kindly stop it and comment on Riyaale and your secessionists folks.

 

This is a good step in the right direction the governemnt needs to complete its year by strengthening its position and that of the people.

 

Another obsticle is overcome and Nur Cade is no Trojan Horse.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Originally posted by General Duke:

^^^Nuune adeer kindly stop it and comment on Riyaale and your secessionists folks.

:D:D saa u socoteyna ma waxaad tiri Nuune aa secessionist ah :D:D I will bookmark this smile.gif

 

 

My good old Duke, micnahayga wali maadan fahmin, waxbaba ma arkhrineesid akhii, sababta nimankan loogu dhaxdhaxaadinayo Addis Ababa ayaanba ka soo horjeedaa, mee geed hoostiisa intey darin dhigtaan khilaafkooda ku xalliyaan ceebtooduna ku asturaan.

 

ii jawaab saaxiib, ama Riyaale iigu wac, ama dowlad diid idheh, qodobkaas aan xusey iiga jawaab, maxey ka dooneen Addis Ababa, Tigreey khilaafkaga ha xalliyo miyaa noqotey xal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this