Sign in to follow this  
Rokko

Hadraawi oo maalinta Berri ah imaanaya Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Rokko   

Maxamed Ibraahim Hadraawi oo maalinta Berri ah imaanaya Magaalada Muqdisho

 

 

Muqdisho, 05/07/03

 

 

(Cadaado.net) -- Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi oo ka mid ah Abwaannada waaweyn ee Soomaaliyeed ayaa la filayaa inuu maalinta berri ah uu soo gaaro Magaalada Muqdisho isagoo ka imaanaya dalka Jabuuti oo uu kaga qaybgalay Aqoon-isweydaarsigii Somali Speaking Pen iyo hal abuurayaasha socdayna 24-kii Juun illaa iyo 2-bishii July, waxaana haatan magaalada Muqdisho ka socda soo dhaweyn loogu jiro Abwaankaas oo ah hal abuure caan ka ah guud ahaan Dalka Soomaaliya.

 

Hadraawi oo aan wax ka weydiiyey mar aan kula kulmay dalka Jabuuti inuu safarku ku egyahay Muqdisho iyo in kale waxa uu iigu jawaab celiyey: "Muqdisho keliya tagi maaye ee waxaan tagi doonaa dhammaan gobollada Dalka oo dhan, waxaanan safarkayga ku soo gabogabeyn doon Magaalada Burco ee gobolka Tog-dheer". Wuxuuna intaa sii raaciyey "Waxaan jecelahay in aan shacabka Soomaaliyeed tusiyo inuu dalkoodu yahay lama huraan, loona baahan yahay inay ka shaqeeyaan dib u dhiska dalkooda iyo nabad-gelyadiisa".

 

Waxaan kaloo weydiiyay goorma ayaad Soomaaliya ku soo laabatay wuxuuna iigu jawaabay "Waxaan ku soo laabtay dalka 97-kii, waxaanan wixii waqtigaas ka horreeyay ku sugnaa dalka Ingiriiska, waxaana dhacday in maalin maalmaha ka mid ah anigoo maraya waddo ka mid ah waddooyinka dalka Ingiriiska, ayaa waxaan waayay wax ii istaaga oo horey ii qaada, waxaan kaloo waayay Dad Soomaali ah, waxaanan maalinkaas go'aasaday in aan ku laabto dalkeyga, waayo waxaan ogaday inaysan jirin meel ii dhaanta".

 

Abwaan hadraawi waxa uu ka mid ahaa dadkii hal-abuurkooda uu gayeysiiyay in la dhigo xabsiga waqtigii ay jirtay Dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii Soomaalida la isugu keeni lahaa inta uu joogo dalka.

 

W/DIyaaryey:- Amiin Yuusuf Khasaaro

 

E-mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this