Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Garaad Abdirashid and Peace Delegation Attacked in Buuhoodle

Recommended Posts

Hargeysa(HWN):-Ergo nabadeed isugu jira Cuqaal iyo Waxgaradka deegaanka Laascaanood oo uu hogaaminayey Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale ayaa la sheegay inay saaka ku waabaristeen Magaalada Buuhoodle,kadib markii ay martiqaad ka heleen Chief Caaqilka degmada Buhoodle Maxamuud Xaaji Cumar Camay iyo Nabbadoonada deegaanka Buhoodle.

 

Iyada oo ergada nabadeed ku-tala-galkoodu ahaa inay gacan ka geystaan waan-waanta nabadeed ee lagu dhex-dhexaadinayo labada beelood ee walaalaha ah ee dhawaan dirirta iyo qaldoofooyinku ku dhexmareen deegaanka Buuhoodle. Kadib markii ergada la soo dhaweeyey, lana dejiyey hudheelka loogu talagalay martida, waxaana isla markiiba weerar ku soo qaaday ciidmo ku hubeysan qoryaha boobayaasha iyo baabuurta tignikada ah, kuwaas oo uu hogaaminayey guddoomiye kuxigeenka Jabhada SSC Col. Cali Sabari, iyaga oo markiiba gacanta ku dhigay Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale iyo nabadoonadii uu hogaaminayey,Kadib markii ay dhicisowday magangelyadii ay milidayeen Chief Caaqil Maxamuud Xaaji Cumar Camay iyo cuqaasha kale.

 

Sida ay tibaxayaan warar xog-ogaal ah oo ay heshay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ayaa sheegaya in Garaadka iyo ergadii nabadoonka oo ka soo jeeday beesha Maxamuud Garaad ee deegaanka Laascaanood in loo taxaabay xerro ciidan oo ay ka arrimiyaan jabhada SSC.

 

Wararkii ugu danbeeyey ee na soo gaadhaya waxay tibaxayaan in Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale iyo ergadiidi nabadeed xoog iyo gacan-saar lagaga soo saaray deegaanka degmada Buuhoodle,iyada oo hab-qankoodi soo gaadhay Sool-joogto oo ah fadhiisin uu Ciidanka Somaliland ku leeyahay daafaha Magaalada Buhoodle.

 

Hadaba,arrintan foosha xun waxay meesha ka saaraysa waan-waantii iyo gurmadkii walaaleed ee ay ku baaqday xukuummada Somaliland, iyada oo madaxweyne Kuxigeenku Cabdiraxmaan Saylci uu hore u magacaabay ergo nabadeed oo ka koobnayd 40-xubnood oo isugu jira Golayaasha Qaranka, Xisbiyada Siyaasada, iyo hogaan dhaqameedka.

 

Sidoo kale, Waxa meesha ka baxday rajadii laga qabay hogaamiyo dhaqameedyada deegaanka Burco ee uu hogaaminayey Suldaan Cismaan, kuwaas oo iskood isku xilqaamay kuna baxay deegaanka shaqaaqooyinku ka dhaceen.

 

Hadaba, Sida muuqata falxumooyinka soo if-baxay waxay shaacinayaan dhibaatadii ka dhacday deegaanka Buuhoodle inay ka baxsan tahay awooda is-maan dhaafka labada beelood ee walaalaha ah.

 

Sidaa darteed, Waxa muuqata dilkii ka dhacay deegaanka inuu ahaa mid Siyaasadeysan oo ay soo abaabuleen kooxaha nabad-diidka ee SSC.kuwaas oo horena colaad u geliyey deegaanka Buuhoodle iyo dalka dariska ah ee Ethiopia, hadana u soo tafaxaytay inay dhaawacaan nabadgelyada iyo xasiloonida ay Somaliland ku naaloonayso, iyaga oo ka amar-qaadanayaa hogaamiyahooga Saleebaan Xagla-toosiye oo ku sugan Muqdisho.

 

Bulshadu waxay dhowraysa go’aan qaadashada ergada nabadeed ee uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami oo aaga colaadu ka dhacday ku sugan, Iyo Ergada Garaad Cabdirashiid Garaad Ismaaciil Ducaale oo afhayeenkoodu noocadeeyey inaanay u nuglaan doonin koox yar oo nabad-diid ah, iyaga oo ku hawlan inay dib ugu rogaal celin doonnaan Magaalada Buuhoodle,oo aanay halkaasi ka soo noqon doonin ilaa inta ay ka midho dhalinayaan nabada ay u soo guntadeen.

 

Sidoo kale waxa uu afhayeenku aad u soo dhaweeyey ergooyinka nabadeed ee ka soo gurmaday gobolada dalka Somaliland, isaga oo ku booriyey in aanay u liicin isku dayga kooxda nabad diidka ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jidbaale version ,, :D

 

Buuhoodle(Jidbaale):- Waxaa galabta goor gaaban magaalada Buuhoodle laga musaafuriyey xubno uu ka mid ahaa Abdirashiid Garaad Ismaaciil oo maanta halkaas soo gaadhay. Xubnahan oo si dhuumasho ah magaalada ku soo galay, ayaa waxaa la sheegay in lagu qabtay ka dib markii C/Rashiid Garaad Ismaaciil sheegtay Mansab uusan lahayn Amarka lagu musaafuriyey xubnahan Ayaa waxaa baxshay Col.Cali Sabarey Oo Talada Hogaanka gacanta ku haya.

 

 

 

Waxaana arintaas soo ogaysiisyey ciidanka Amaanka ee SSC qaar ka tirsan dadkii uu la kulmay Abdi Garaad Ismaaciil, waxaana arintaas ka hortagay ciidanka SSC. Ka dib markii jeelka loo taxaabay isla markaana su'aalo ku aadan socdaalkiisa iyo inuu sheegto mansab uusan lahayn, ayaa waxaa ugu danbeyntii la saaray gaadhi nooca 3Fka ah , kaasoo ay sii raaceen cutub ka tirsan ciidanka SSC, waxaana la sheegay in xuduuda gobolada Cayn iyo Tog dheer lagaga soo noqday.

 

Arintan ay ciidamada SSC sameeyeen maanta ayaa ah mid muujinaysa, sida Hogaanka SSC u ilaalinayo midnimda umadda SSC ee ay mas'uulka ka yihiin, isla markaana ay ka hortageen shirqool la sheegay in laga soo Abaabuley magaalada la haysto ee Laascaanood, taasoo la sheegay inay ka dabeeyeen maamulka Jabhada SNM ee magaaladaas jooga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Mr. Somalia: Speaking on behalf of SSC we neither intend drinking our brethren's blood nor wish and, if history has any relevance we wanted/want all along that every Somali’s dignity be protected and his/her inalienable human rights be safeguarded..... The latter may be achieved through violence sometimes but personally, I am for more talk less violence if at all possible. However, any means necessary should be on the table. Isku soofaynta dadka ehelka ee qowmiyadu ka dhexayso faa’iidada laga helayo ma garan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hales   

Youll never get capture Buhoodle; the way you did Widh widh simply because the entire populace despises your precense in the region.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Originally posted by Jacaylbaro:

Few nabadiids cannot stop on Somaliland's way. I know those SSC junta are fueling clan wars but it aint happening .....

Darwiishes were not only using the word Gaalo refering anybody with colinal side including supporters but believed. "Janaa dagatey'

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Originally posted by Jacaylbaro:

Few nabadiids cannot stop on Somaliland's way. I know those SSC junta are fueling clan wars but it aint happening .....

somalidiid are the nabaddiid and the jaar-wanaagdiid. Somalidiid clan militia cannot force SSC People and cannot stop the SSC-Somalia's way

 

 

The reality is it is Somalidiid clan Militia that is fueling all kinds of wars including tribal wars in North Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Originally posted by Taleexi:

Mr. Somalia: Speaking on behalf of SSC we neither intend drinking our brethren's blood nor wish and, if history has any relevance we wanted/want all along that every Somali’s dignity be protected and his/her inalienable human rights be safeguarded..... The latter may be achieved through violence sometimes but personally, I am for more talk less violence if at all possible. However, any means necessary should be on the table. Isku soofaynta dadka ehelka ee qowmiyadu ka dhexayso faa’iidada laga helayo ma garan.

Taleexi Well said, hadalkaaga xikmad badan baa ku jirta, ninkii caqli leh oo nabad raba uun baa fahmaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

It seems you are scared sh!tless, JB! :D

 

Taleexi, peace is always optimal but I believe the time has come to remind the habro their position in reference to the Darawiish. I believe it will be painful, which is why they cry out loud about all this talk about "nabadiiids". :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by Jacaylbaro:

Few nabadiids cannot stop on Somaliland's way. I know those SSC junta are fueling clan wars but it aint happening .....

Iska hadle ina JB...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this