Sign in to follow this  
me

Maxaakiimtii Oo Isku urur Sanaya Gobolka Hiiraan

Recommended Posts

me   

Maxaakiimtii Oo Isku urur Sanaya Gobolka Hiiraan

 

News(Balad-Weyne}24.11-7

Markii ugu horeysay ayaa waxaa Gobolka Hiiraan lagu arkay Dagaalyahano hubeysan oo la rumeysan yahay in ay ka mid yihiin Maxkamadihii Islaamiga ee dhamaadkii sanadkii hore laga itaalka roonaaday.

 

Dagaalyahanadan ayaa waxaa la arkay, iyagoo ku hubeysan qoryaha kala duwan, sida kuwa fud fudud iyo kuwa culusba sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

 

Dadka ku dhaqan Degmada Matabaan ayaa waxaa xaqiijiyeen in xalay Degmadaas ay gudaha usoo galeen boqolaal dagaalyahano oo hubeysan, kuwaasoo ay sheegeen in ay ka casheeyeen Magaalada, isla markaana ay dib uga laabteen.

 

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in ay la hadleen Dagaalyahanadaas oo ay u sheegeen in ay is dajiyaan, waxayna abaareen sida la ii sheegay dhanka iyo Buuraha Gobolka Hiiraan.

 

Sidoo kale Ciidamadaas ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday Kooxo Isbaaro u tiil duleedka Degmada Matabaan oo ay ka dhaawaceen hal ruux, qaar kalena ay ka carareen.

 

Dagaalyahanada ayaa la aaminsan yahay in ay kacdoon ka wadaan Gobolada Dhexe, gaar ahaan Hiiraan oo ay shalay gelinkii Ciidamo ka tirsan Maamulka Gobolkaas oo ku sugnaa Bar Koontarool canshuuro ku qaadayeen ay weerareen, iyagoona ka qaatay labo gaadhi iyo qoryo fud fudud.

 

Wariye ku sugan Magaalada Beled Weyn ayaa ii sheegay in si weyn looga dareemay Magaalada dhaq dhaqaaqyada Kooxaha Hubeysan ee la sheegay in ay ku sugan yihiin Deegaanada Keymaha ah ee Gobolkaas.

 

Deegaanka Jenta Kundisho ayaa ah fadhiisin weyn oo ay ku leeyihiin Ciidamada Ethiopia, waxaana jira cabsi dadka deeegaanka ka muujinayaan dagaalo dhex mara Ciidamada Dowlada somalia iyo dagaalyahanada hubeysan ee isku uruursanaya Gobolkaas

 

Widhwidh Online News Desk..Media center

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Kooxo hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamka oo xalay gudaha u galay Degmada Mataan

Sabti, November 24, 2007(HOL): Sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Mataan ee Gobalka Hiiraan C/laahi Warsame Daba-gooye waxaa habeenimadii xalay si lama filaan ah gudaha iyo daafaha degmada Matabaan soo galay Kooxo aad u hubeysan oo sida wararku sheegayaan loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamiga.

 

Ciidamada oo sida uu gudoomiyaha Degmada sheegay ku hubeysnaa hubka Fudud ayaa ku war galiyay dadka Rayidka ah in aysan wax cabsi ah muujin isla markaana ay doonayaan oo kaliya in ay ka iibsadaan Degmada wax-yaabo ay u baahan yihiin, lakiin waxaa ay markii danbe kooxahaasi weerar ku qaadeen barkoontarool oo sida la sheegay fariisin u aheyd kooxo maleesho ah kaasoo uu dhaawac ka soo gaaray mid ka mid ah maleeshiyadii joogtay Jid-gooyada ama Koontaroolka.

 

Ilaa hadda lama oga sababta keentay dhaq-dhaqaaqa kooxahani ka wadaan qeybo ka mid ah gobalada dhaxe gaar ahaan Gobalka Hiiraan oo isla maalintii shalay sidoo kale kooxo hubeysan ku weerareen Deegaanka Bacda ciidamo ka tirsanaa kuwa Maamulka Gobalka Hiiraan halkasoo oo logu dhaawacay labo ka tirsan Ciidamadii Maamulka.

 

Arimahan ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii aynu soo dhaafnay la hadal hayay wararka sheegaya in ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan kooxo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Maxkamadihii laga itaalka roonaaday, sidoo kale waxaa xusid mudan in uu jiro dhaq-dhaqaaq iyana ay wadaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan deegaanka Jane-guudisho kuwaasoo ku raad-jooga sidii ay xog-buuxda uga heli lahaayeen halka dhab ahaan fariisinka u ah kooxaha weeraray deegaanka Bacda.

 

C/raxmaan Diini, Hiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magacii ICU wuu qarxay, maxaakiimtiina sowta aay kala jajabeen oo ayagii qudhoodi magacyo kala gedisan la baxeen. Marka ma fahmin kuwa halkaa isku aruursanaya waa kuwee?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^Lol. Haa waa runtaa. Kala qaybsanaanta waa wax jira balse hadeer halgankii wuu balaartay, LLP. Waxay u badan tahay in is urursiga yahay ciidamo gumaysi-diid ah oo raba in ay dalkooda gaallo ka ritaan. Marka ICUda magaaceeda aan bal yara hakinno smile.gif .

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ haa saas dhahaya waa la fahmi karaa markaa Xubeerow, resistance-gu meel kasta wuu ka jiraa kana bilaabmayaa, balse magacan ICU-da meesha lagu magacaabay ayaan is iri how come illleen meeshii aay kukala qaybsameen baanu aragnaye ma anana arag meel aay kusoo wada noqdeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in ay la hadleen Dagaalyahanadaas oo ay u sheegeen in ay is dajiyaan

^ :D:D:D . Dad dhanoo duulaan ah sidee loo ira is daji?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

lolll I remember the story of the Somali Garaad who recited the 114(in tribute to the quran) verses poetry with his enemies at a bottom of a traditional tree, whilst his allies and troops were sorrounding the areas ready to invade. Of course the 114 was designed to decieve his enemies and bide time for his fighters to reach the destination....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this