Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Fist fight erupts in the TFG Somalia parliament

Recommended Posts

Xildhibaanada Barlamanka oo maanta Gacanta iskulatagay

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya oo maanta ku kulmay Muqdisho islamarkaana la horgeeyay Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa gacmaha iskula tagay kadib markii ay isku mari waayeen qaabka kalsoonida loo siinayo Xukuumada KMG Soomaaliya.

 

Kulankaani oo maanta Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ay isugu Tageen 348 xildhibaan oo ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa waxaa ugu horeyn furay gudoomiyaha Barlamanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana ajandaha maanta laga doodayay uu ahaa kalsooni siinta Xukuumada cusub ee dhawaan uu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Farmaajo.

 

Ugu horeyn ayaa fadhiga barlamanka waxaa la aqriyay labo mooshin oo iska soo horjeeday kuwaasi oo uu sheegay gudoomiyaha Barlamanka inay ka kala yimaadeen xildhibaanada Barlamanka, waxaana mooshinadaasi ay kala ahaayeen in hab qarsoodi ah codka loogu qaado Xukuumada iyo in gacan taag loogu cadeeyo waxaana mooshinka koowaad oo ahaa in codka si qarsoodi ah loogu qaado xukuumada halaasi ka aqriyay xildhibaan C/raxmaan Afrax.

 

Mooshinkaasi mid ka soo horjeeda oo ahaa in codka si gacan taag ah loo qaado kalsooni siinta Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa waxaa halkaasi ka soo jeediyay xildhibaan Bashiir Cadow Calasow,

 

Intaasi kadib ayaa gudoomiyaha Barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa uu sheegay isagoo cuskanaya xeer hoosaadka Barlamanka in codka xukuumada loogu qaado si qarsoodi ah, iyadoo xiligaasi kadibna mudanayaasha Barlamnku ay hoolka ka dhex bilaabeen buuq iyo sawan xoogan.

 

Buuqaasi markii uu in mudo ah socday ayaa waxaa uu sababay in ay gacmaha iskula tagaan xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya kuwaasi oo isku dhex qabsaday fadhiga Mudanayaasha Barlamanka.

 

Markii ay sii kordheen buuqa iyo gacan ka hadalka u dhaxeeya Mudanayaasha Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa gudoomiyaha Barlamanka waxaa uu go’aamiyay in shirku uu xiranyahay hase ahaatee waxaa go’aankaasi ka soo horjeestay mudanayaasha Barlamanka oo sheegay inay maanta dhinac u ridayaan arinta ku saabsan xukuumada KMG Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha Barlamanka ayaa dantu waxa ay ku qasabtay in uu ka laabto go’aankiisii ahaa in uu xiranyahay shirka Barlamanka, waxaana uu amar ku bixiyay in la keeno sanaadiiqda codadka si codka hab qorsoodi ah loogu qaado, waxaana markasta uu gudoomiyaha Barlamanku hadlo ka soo horjeesanayay xildhibaano ka tirsan Barlamanka.

 

Markii mudanayaasha Barlamanka ay isku mari waayeen habka codka loo siinayo Xukuumada Cusub ayaa gudoomiyaha Barlamanka waxaa uu mar kale qaatay go’aan ah inuu xiranyahay fadhiga Barlamanka iyadoo xiligaasi kadibna ay kala dareereen mudanayaashii Barlamanka iyagoo wax natiijo ah ka gaarin kulankii maanta, gacantana iskula tagay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by *ANWAR*:

big lie from Xaji_Xunjuf agin

Not really. As reported by couple of Somali websites there has been a fight and the session had to end before expected.

 

We are waiting for the pictures if there is any! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this