Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Forces Advance to Tukoraq

Recommended Posts

Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa saaka aroortii hore dhaafay tuulada ganbadhe oo 30km bari ka xigta xarunta gobolka Sool ee Laascaanood ,Sida uu hada noogu soo waramayo wariye Axmed Cabdi Laahi oo ku sugan magaalada laascaanood .............

 

 

Ciidamada Somaliland ayaa gaadhay tuulada ganbadhe ka dib markii ay haleen war sheegaya in ciidamo Puntland ah ay soo gaadheen xalay goor danbe deegaankaasi sida uu u xaqiijiyey Afnugaal abaanduulaha guud ee ciidamada Somaliland Col: Ibraahin Caydiid oo hada ku sugan Airportka diyaaradaha laascaanood .

 

 

 

Ciidamada Somaliland ayaan wax iska caabin ah kala kulmin tuulada ganbadhe , iyadoo ay ciidamadii Puntlandna dib uga gurteen tuulada buura-wadal oo 90km dhanka garoowe xigta magaalada laascaanood, wararka iyana ka imaanaya tuulada tukaraq ayaa sheegaya in ay iyana isaga baxeen halkaasi maleeshiyo beeleedyo ku sugnaa tan iyo intii maamulka Puntland laga saaray magaalada laascaanood ..

 

 

 

Mar aanu talafonka gacanta ku la xidhiidhnay abaanduulaha ciidamada Somaliland Col: ibraahin Caydiid ayuu ka gaabsaday in uu faahfaahin ka baxsho sababaha ay u tageen tuulada ganbadhe, isagoona intaasi ku daray in ciidamadiisu ay hada ku sugan yihiin inta udhaxaysa tukaraq iyo tuulada ganbadhe

 

 

 

Axmed cabdi Laahi

 

Afnugaal.com

 

Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada qaranka Somaliland oo la wareegay dhamaanba Tukoraq iyo nawaaxigeedaba: Warsaxaafadeed uu wasiirka warfaafintu soo saaray

 

AhmedDaahir.jpg

 

 

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Qaranka Somaliland Mudane Axmed X.Dahir Cilmi oo loo qaybiyay saxaafda isla markaasna uu nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay shabakada wararka ee qarannews ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadda Qaranka J.S.L oo kaashanaya shacbiga ku nool Gobolka Sool gaar ahaan jiida Tuko-Raq ay maanta oo sabti ah gaadheen Tuuladda Tuko-Raq oo ka mid ah tuulooyinka dacalka u saaran xadka J.S.L ee dhinaca Garoowe.

 

Guushan ayaa ka danbaysay ka dib markii dhawaan Badhasaabka Gobolka Sool Cali Sandulle uu kormeer ku tagay isaga iyo odayaal kale Tuuladda Gamballa oo hore nin ka mida Ilaaladdii Badhasaabka loogu dilay, taasi ayaa keentay ayuu Warsaxaafadeedku yidhi in odayaasha iyo dadweynaha ku dhaqan jiidaasi kala doortaan Nabad iyo Dagaal, waxayna jawaabtii noqotay in ay doortaan Nabad, sidaasi ayuu ciidankii Qaranku iyo shacbiga jiidaasiba ay ku gaadheen si Nabad gelyo ah Ilaa Tuuladda Tuko-Raq.

 

Waxa isla maanta Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo waftigii uu hogaaminaayey waxay kulamo kula yeesheen Tuuladda Tuko-Raq Salaadiin, Cuqaal iyo Waxgaradka Jiidaas.

 

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta waxa uu Hambalyo u dirayaa dhamaanba shacbiga reer Somaliland gude iyo debedba gaar ahaana shacbiga ku dhaqan Gobolka Sool guusha nabada leh ee ay ku gaadheen jiida hore ee xadka Somaliland.

 

 

 

 

Allaa Mahad Leh

 

 

Axmed X. Dahir Cilmi

 

Wasiirka W/Warfaafinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa saaka ay ciidamada maamulka Somaliland gaadheen tuulada Gambadhe iyagoo waliba horay halkaasi u dhaafay gaadhayna duleedka magalaada Tukaraq oo ay wax yar ujirsadeen ciidamada iyo masuuliyiin la socotay oo ay kamid ahaayeen wasiiro..........

 

 

Ciidamadan saaka gaadhay halkaasi ayaan horay loo ogayn iyagoo saaka mar qudha ay tuulada Gambadhe ku waa bariisteen ciidamo boqolaal kor udhaafaya oo wata baabuurta dagaalka kuna wajahan dhinaca tukaraq ay ku dhex arkeen shacabku tuulada Gambadhe iyaga oo dhex lugaynaya.

 

 

 

Ciidamadii saaka halkaa tagay oo ay la socdeen masuuliyiin kamid ah Golaha wasiira ayaa waxa ay u khudbadeeyeen tuulada sidoo kalena waxa ay gaar ula shireen Odayaasha dhaqanka ee tuuladaas si ay ugala hadlaan xaalada magaalada iyo amnigeeda iyo sidii magalaada loo soo gaadhsiin lahaa hurumarkeeda iyadoo shirar kaasi ay ku dhamaadeen isfaham.

 

 

 

Kadib shirkaasi ayaa waxa ay ciidamada maamulka Somaliland usii gudbeen dhinaca Tukaraq oo ay ku maqnaayeen saacado waxaana ay markii danbe ciidamada maamulka Somaliland iyo masuuliyiintii la socotay oo ahaa kuwo kasoo jeeda Gobolada Sool,sanaag iyo cayn ay dib ugu soo laabteen dhanka magaalada Laascaanood iyo halkii ay horay udaganaayeen.

 

 

 

Mar aan wax ka waydiiyay qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee Tuulada Gambadhe sida ay u arkayeen ciidamada maamulka Somaliland ee saaka yimi Tuulada Gambadhe ayaa waxa ii sheegeen in saaka ay yimaadeen ciidamo fara badan ayna wax dhibaato ah ugaysanin halkan una sheegeen inaysan jirin ciidamada ka socda Puntland oo halka ku sugnaa wararkaasina ay ahaayeen been abuur.

 

 

 

Sidoo kale waxaan iyana si goona ah saaka ula kulmay markii aan gaadhay tuulada ganbadhe dhalinyaro ka mid ahaan jirtay ciidamadii daraawiishta Puntland kuwaas oo ii sheegay inay iska dhigeen tuutihii ciidamada sababa ugaara iyaga ,

 

 

 

Ciidamada maamulka Somaliland ee saaka gaadhay aagaasi ayaa waxaa hogaaminayay abaanduulaha ciidaamada maamulka Somaliland Coll:Ibraahim Caydiid Dhadhable waxaana markii uu kusoo laabtay tuulada ganbadhe oo aan kaga hadhay waydiiyey waxa ay ka dooneen tuulada tukaraq isagoona sheegay inay soo eegayeen in hadhaagii Puntland jooga halkaasi iyo inkale waa sida uu hadalka udhigaye , waxuuna intaasi ku daray in tukaraq ay hada joogaan ciidamada beeleedyo ka amar qaata isaga ..

 

 

 

Hadaba waa markii ugu horaysay ee ciidamada maamulka Somaliland ay gaadhaan agaasi tan iyo intii ay dagaalka siyaasadeed ku la wareegeen gacan ku haynta magaalada Laascaanood kalana wareegeen maamulka Puntland ,ciidamada Somaliland ayaa fadhiisinkooda ugu horeeya uu yahay halka lagu magacaabo maraaga oo ah duleedka magaalada.

 

 

 

 

 

Axmed C/laahi

 

Afnugaal.com Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2007-11-17 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md.Axmed Xaaji Daahir Cilmi ayaa maanta Daboolka ka qaaday inay Ciidamada Somaliland ee jiida hore Gobolka Sool oo kaashaanayaa Shacbiga Ku nool Magaalada Laas-caaood ay gaadheen Magaalada Tuuladda Tuko-Raq oo ka mid ah tuulooyinka dacalka u saran Xadka Jamhuuriyada Somaliland ee dhinaca Garoowe.

 

Sida waxa lagu sheegay Warsaxafadeed uu ku Saxeexan yahay Wasiirka Warfaafinta oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com ee Magaalada hargeysa.

 

Guushan ayaa ka danbaysay ka dib markii dhawaan Badhasaabka Gobolka Sool Cali Sandulle uu kormeer ku tagay isaga iyo odayaal kale Tuuladda Gamballa oo hore nin ka mida Ilaaladdii Badhasaabka loogu dilay, taasi ayaa keentay ayuu Warsaxaafadeedku yidhi in odayaasha iyo dadweynaha ku dhaqan jiidaasi kala doortaan Nabad iyo Dagaal, waxayna jawaabtii noqotay in ay doortaan Nabad, sidaasi ayuu ciidankii Qaranku iyo shacbiga jiidaasiba ay ku gaadheen si Nabad gelyo ah Ilaa Tuuladda Tuko-Raq.

 

Sidoo kale waxa War-saxafadeedka lagu sheegay inay isla maanta Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo weftigii uu hogaaminaayey ay gaadheen Tuulada Tuko-Raq oo ay halkaasi kulamo kula yeesheen Salaadiinta, Cuqaal iyo Wax-garadka Jiidaas.

 

“Waxaan uu Hambalyo u dirayaa dhamaanba shacbiga reer Somaliland gudo iyo dibedba, gaar ahaana shacbiga ku dhaqan Gobolka Sool guusha nabada leh ee ay ku gaadheen jiida hore ee xadka Somaliland” ayuu Wasiirka Warfaafintu ku soo Geba-gabeeyey Warsaxafadeedkiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

adeer SL army is the most battle-hardened army in the horn region, second only to Ethiopia :D ! if they want, they can conquer the rest of somalai!

 

maanta waa tuka raq berri waa garoowe!

 

^^that should be your signature...

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Originally posted by SheekhaJacaylka:

meleteri4ar8.jpg

Khutbadii jimcadaa loo fadhiyaa miyaa?

 

On a serious note, SL needs to throw caution to the wind.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this