Liibaan

Faisal Waraabe to Courts “Itoobiya ayaad sheegaysaaye anagaaba geli doona [Mogadish

Recommended Posts

Liibaan   

Faysal Cali Warabe's [in] famous saying: “a boy born in Hargeisa has more commonality with one born in Addis Ababa than one in Mogadishu.â€

 

"Inanka Xamar ku dhasha, Kan Addis Ababa ku dhasha ayaa iga xiga "

 

 

“haddii ay afkooda bedeli waayaan, Itoobiya ayaad sheegaysaaye anagaaba geli doona…Sidaa darteed, waxaanu mar labaad uga digaynaa in aanu Somaliland carabku kaga dhicin mar dambe. Haddii carabku idinkaga dhaco mar dambena, anagu wax wayn baanu idin yeeli karnaa … Laakiin haddii ONLF, Itaxaad iyo yam-yam iyo qadaad weyn ay isku soo tuuraan, iska daa Itoobiya’e adduunka oo dhanbaa idinla dagaalami doona. Markaa waxaan leeyahay talo xumaantii shalay aad is-daba wadeen oo cumaamadan, oo gadh la baxday uun ha samaysaninaâ€

 

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa waraysi dheer oo dhinacyo badan leh oo uu siiyay wargeyska Ogaal digniin ugu jeediyay Midawga Maxkamadaha Muqdisho, inay carabka ka dhigaan hadal-haynta midnimo Soomaaliyeed, taas oo uu ku tilmaamay inay furrin kale ku furayso. Isla markaana, wuxuu ugu baaqay beelihii ay xurguftu ku dhex martay degaanka Darroor ee Kililka shanaad, inay sidiisii u dabaqaan heshiiskii laga gaadhay wixii dhexdoda ka dhacay, wax kasta oo ay kala tabanayaanna ay ku dhameeyaan wada-hadal oo aanay marnaba xabbad isku adeegsan.

 

Waraysigaasi oo guddoomiyaha UCID wax lagaga waydiiyay, xaaladda siyaasadeed ee mandaqadda, sida uu u arko gelitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, taageerada ay siinayaan Cabdilaahi Yuusuf, mawqifka xukuumadda Somaliland ee ku wajahan arrintaas, dhaliilaha dhinaca dimuquraadiyadda ee Xisbiyada dhexdooda, iyo arrimo kale oo tiro badan, wuxuu u dhacay sidan;

 

S: waxa na soo gaadhay inaad u amba-baxayso aagga Darroor ee Kilalka Shanaad ee Itoobiya, si aad u sii xoojisaan heshiiskii nabadaynta ee beelaha walaalaha ah ee xurguftu deegaankaa ku dhexmartay, markaa maxaa ka jira arrintaa?

 

J: markii hore fidmadii dhulkaa ka dhacday, aad iyo aadbaa loogu soo gurmaday, oo niyad wanaagsanbay labada dhinacba is tuseen, in la qiimeeyayna way garteen, waxaanay arkeen inay yihiin dad lagu faano oo la tirsado. Imikana arrinta ka soo cusboonaatay waxay noqotay arrin aan la filayn. Anagoo filaynay in nabaddii la sii balaadhiyo oo dirnay niman kale oo hawshii sii wada, oo beelihii isu soo rara, oo wixii la go’aamiyay dhameeya, ayaa wax aanaan filaynini ka soo yeedheen. Markaa waxaanu leenahay, wax kasta oo la kala tabanayaba wada-hadalbaa lagu dhamayn karaa, oo xabaddu way reeban tahay waqtigan maanta ah. Waad aragtaan oo Soomaaliya ayaa xabaddii ka il-baxaysa, oo dagaal-oogayaashii iska eriday oo nabad qaadatay. Markaa inaga oo nabad ku caano maallay oo Geeska Afrika tusaale u ah, in maanta la yidhaahdo way isku bilaabeen waa mid aad iyo aad u foolxun. Wax kale maaha ee casabiyadda qabiilka ayaa inagu xoog wayn, markaa qofku haddii uu masuul yahay, Suldaan ha ahaado, Caaqil ha ahaado, ama siyaasi ha ahaadee, waa inuu ka sareeyaa qabyaaladda. Maaha ninku inuu reerkooda la soo safto ee waa inuu u caqli celiyaa. Markaa waxaan jecelahay in la soo af-jaro waxyaabahaas.

 

S: ma wax dambe ayaa dhacay?

 

J: haa way dhaceen, oo ninbaa la dilay, baabuurna waa la rasaaseeyay oo dadbaa ku dhaawacmay. Markaa Ilaahay intaa ha inagaga ekaysiiyo, arrintaasina siday markii hore inooga dhamaatay ha inooga dhamaato. Qoladan BBC-da aadbaan ugu mahad-naqayaa, oo markii hore Somaliland qaybta ay leedahay aan siin jirin, oo aad moodaysay in meeshu ay noqotay meel reer iska leeyahay. Laakiin, haddana xalay waxay ahayd arrin degdeg ah, oo kumaanaan talo-gelin aniga iyo Guddoomiyaha Wakiilladuba, qaylo-doon ayuunbaa noo nimi, oo waxa na lagu yidhi, waa la isu hub urursanayaa oo in dagaal dhaco ayaa laga yaabaa, ee BBC-day dadku aad u dhagaystaane kala hadla. Taasaa nagu kaliftay inaanu baaqa ka sheegno oo aanu canaan u muujino Salaadiinta meeshaa joogta. Waayo, Suldaan meel uu joogo haddii ay xabadi ka dhacdo qiimihiisu wuu ku dhacayaa. Suldaanka waxa lagu yaqaanaa nabad iyo dadka oo uu isu soo jiido, markaa Salaadiinta waxaan leeyahay wixii xumaan iyo samaan halkaa ka dhaca iyagaa ka masuul ah. Haddii khayr ka yimaadana iyagay magac u noqonaysaa. Imikana, nabadgelyo ayay ku dhamaatay shalay, wax dagaal ahi muu dhicin, Insha-Allahu dibna u dhici maayo.

 

S: dhinac kale haddii aynu eegno, Soomaaliya waxa ka aloosan xaalad colaadeed, ciidamada Itoobiyana waa taa la sheegayo inay gudaha Soomaaliya galeen, markaa haddii dagaal halkaa ka qarxo, ma u malaynaysaa ama ma qiimayn kartaa in uu saamayn ku yeelan karo Somaliland.?

 

J: Saamayn wuu inagu yeelanayaa, oo waad aragtaayoo Itoobiyadaa dalka la aqoonsan yahay ah baaba tidhi waan iska moosayaa, oo soo tallowday. Markaa wuu inagu yeelanayaa. Nimankan Maxaakiimta qaarkood siday u hadlayaan ee ay u leeyihiin shantii Soomaaliyeed oo dhan ayaanu gaadhaynaa. Anagu horena talo ayaanu ugu jeedinay oo waxaanu ku nidhi dalkiina hoog ha u horseedina, dunidanna mujtamac kasta oo dhibaato haysato, waxa u soo jiida Madax xun, hogaan xunna dhibaatadiisa lagama baxo. Markaa waxaad moodaa inay ku jiraan qaar Somaliland ku hadraya, oo Somaliland-ba u haysta gaalnimo, oo ka hadlaya midnimo iyo waxaan loo fadhiyin, shakhsiyaadna halkan way ku leeyihiin. Laakiin, waxaanu u sheegaynaa anagu, Somaliland in aan Imbghati lagu soo samayn, ee toban sano loo soo dagaalamayay, dhiig loo qubay, dadkuna ay samaysteen Somaliland, oo kala soo noqdeen Soomaaliya. Markaa kuwa sidaa u hadlayaa haddii ay afkooda bedeli waayaan, Itoobiya ayaad sheegaysaaye anagaaba geli doona. Haddii aydaan na soo daandaansan, in dhulkaa nabadi ka dhacdo, wanaag ka dhaco, oo aynu walaalo noqono waanu ogolnahay, laakiin, dalkii Soomaaliya la odhan jiray inta leh waa la yaqaanaa, markaa dadka lehi waa inay ka taliyaan. Laakiin haddii ONLF, Itaxaad iyo yam-yam iyo qadaad weyn ay isku soo tuuraan, iska daa Itoobiya’e adduunka oo dhanbaa idinla dagaalami doona. Markaa waxaan leeyahay talo xumaantii shalay aad is-daba wadeen oo cumaamadan, oo gadh la baxday uun ha samaysanina.

 

S: oo imika qaabka isbedelada Maxaakiimtu ay horkacayaan uu u socdaa, siduu kuugu muuqdaa?.

 

J: ilaa hadda siday u socdaan gees way ka fiican yihiin, laakiin waxa la rabaa inay muuqaal la akhriyi karo yeeshaan, imika la akhriyi kari maayee. Isla markaana inay siyaasad yeeshaan, oo ay calool adaygaan, horena waxaan u idhi, waar Imbgathi dawlad maaha ee idinku intaad jewi nabadeed Xamar ka samaysaan, shir dib-u-heshiisiin ah oo wanaagsan oo sax ah, oo aanay ONLF-na idinku jirin, reerkiiniina idinku jirin sameeya, oo isbasriya oo dhulkiina ku ekaada. Laakiin, is-balaadhis, Maraykanbaa is-balaadhin kari la’. Sidaa darteed, waxaanu mar labaad uga digaynaa in aanu Somaliland carabku kaga dhicin mar dambe. Haddii carabku idinkaga dhaco mar dambena, anagu wax wayn baanu idin yeeli karnaa, dhawr furimood inaad isku furtaanna idinkay idiin xun tahay. Markaa, adduunkana waa inay shakiga ka saaraan, si aanay Muqdisho u noqon sidii Kaabuul (Afgaanistaan), lab-la-kac aan meel gaadhsiisnayna waa in la iska daayaa.

 

S: xukuumadda Somaliland iyo Itoobiya waxa ka dhaxeeya xidhiidh fiican, isla markaana Itoobiya waxay hadda u hiilinaysaa maamulka Cabdilaahi Yuusuf. Markaa haddii sidaa dagaal ku qarxo, siday saamaynta arrintaasi ku noqonaysaa Somaliland?

 

J: horta barigii hore Itoobiya waxa lagala dagaalami jiray Somaliland, dagaalkana waxa hor dareemi jiray Somaliland. markay Itoobiya iyo Soomaaliya dhibaato ka dhex dhacdo, Somaliland ayaa forontka ahaan jirtay, Hargeysa ayaa la duqayn jiray, ee Muqdisho lama duqayn jirin. Markaa, hadda forontku wuu inaga fogaanayaa, oo waxa lagu dagaalamayaa Doollow, Gedo iyo Baay. Laakiin, kollay Islaam-nimadaaba xataa ka soo sokaysa Soomaali-nimada, kolay dad damqanaya oo reer Somaliland ah oo shacbi ah, oo intay halkan ka baxaan xagaa u taga inay daafacaan Muqdisho way jiri karaan. Hase yeeshee, taa macnaheedu maaha kaalay Muqdishooy I xukun isku dal baynu nahaye, ee waa si la mid ah sidii ka Soomaaliyeedba u tagi jiray Afgaanistaan. Laakiin, sidan Galaal sheegayo oo kale noqon mayso. Galaal waxaan leeyahay wax waddaniyad Soomaaliyeed la yidhaahdaa ma jirto, oo idinkaa baabi’iyay, soona noqon mayso. Soomaali waxa u dan ah in dhinac kastaaba dalkiisa hagaajisto. Laakiin, Galaal oo Jannan ahaa, oo 15 sano Muqdisho maamul ka samayn kari waayay, inuu shan Soomaaliyeed oo aan jirin ku riyoodo maaha. Inuu iska daayo weeye, waayo ninkii gurigiisa hagaajiyay ayaa guri kalena hagaajin kara. Runtuna waxa weeye in Soomaalidu ay shan meelood tahay, markaa mid kastaba meesheed Ilaahay khayr ha ku siiyo.

 

S: bayaankii wada jirka ahaa ee hore ee aad kaga hadasheen xayiraad-ka-qaadista hubka, waxaad ku sheegteen in Somaliland ay iska caabbin galayso. Maxaad uga jeedeen taa?.

 

J: Cabdilaahi Yuusuf waa ninka qudha ee Soomaaliyeed ee intuu istaagay yidhi waxaan samaysanayaa dawlad-goboleed qabiil ku dhisan. cid kale oo ay ka suuro gali karto inay yidhaahdaan reerkayaga ayaanu maamul gaar ah u samaynaynaa ma jirto. Haddana, waa ninka isaga oo sidaas ah yidhi Soomaali baan xukumayaa, ee Madaxnimo soo doontay. Laakiin, waxa nasiib darro ah ninkii sidaa lahaa kuwa doortay. Kuwaasi habeen may jirin.

Cabdilaahi Yuusuf ilaa maalintii la doortay ilaa maanta hub urursi buu ku jiraa. Yemen hubkuu ka helay, inkastoo aanay dawladdeenu ka hadal, hubkiina reerkooduu siiyay. Imikana waxa uu doonayaa Cabdilaahi Yuusuf in xabashiyi timaado, oo in Koonfur uun loo qabto maahee ilaa Somaliland loo qabto ayuu doonayaa, oo inta dadka loo garba-duubo hubka looga dhigo oo uu mamlakad ka samaysto ayuu doonayaa.

 

Anigu caqligaasi meel ay kala yimaadeen garan maayee, waxay ku sheekaystaan nimankaa reer barigu Soomaali anagaa xukumi jirnay. Meel ay wax ku xukumi jireen iyo dad ay addoonsan jireen anagu garan maynee, laba dawladood oo isku darsaday baanu ahayn, oo iyaga oo maynoorati ah ayaa Ra’iisal Wasaare Soomaalinimo loo siiyay, tii waxay u qaateen oo 15 jirkoodu uu ku odhanayaa Soomaali anagaa xukumi jirnay. Laakiin, waxaanu u sheegaynaa waxba inaanay xukumi jirin, ee Soomaaliyi wax isku darsatay, dimuquraadiyadna lagu doortay Cabdirisaaq, Cabdirashiid iyo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Sidaa aawadeed, hubka la siinayo Cabdilaahi Yuusuf anagu indhaha ka qarsan mayno.

 

Rayaale-na waa la doortay laakiin haddii uu dalka daafici waayo, anagaa daafacayna, isagana amar uga qaadan maynee way joogaan jabhaddii iyo shacbigii Afweyne ka xoreeyay. Markaa haddii ay Rayaale isku arkeen Sanca iyo Itoobiya oo uu been u sheegay, Rayaale wuu iska tegi doonaa, dalkana anagaa daafici doona.

 

Rayaale farbaa ku godan ilaa intuu tagay Yemen, intuu tagay Itoobiya, labada jeerba iyo xataa Kenya way isku arkeen Cabdilaahi Yuusuf. Markaa, arrimahaa waa inuu shacbiga u soo bandhigaa, balse waxba ina yeeli mayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Walaahay baan ku dhaartaye “In ayna Wadaadada gadhka dhaadheer ee Xamar joogaa a

 

Hargaysa Imanayne Idinkaa u tagi†Faysal Cali waraabe.

 

{Hargeysa}28-07-06waxaa lagu soo gebogabeeyay magaalo madaxda gobolka waqooyi galbeed ee Hargaysa shir balaadhan oo ay isugu yimaadeen Xisbiga lagu magacabo UCID oo uu hogaamiyo ninka lagu magacaabo Faysal Cali waraabe.

 

Sida ay shaacisay saxaafada Hargaysa muhiimada loo qabtay shirka waxay ahayd in la doorto madax cusub shanta sano ee soo socota sida gudoomiyeyaal iyo gudiga fulintaba.

 

Waxaase cayaartii shirku isbedeshay markii la waayey nin la tartama Faysal Cali oo aad loogu yaqaan inuu iska hadlo welibana si maangaabnimo ku jirto. Ka dib markii shirkii uu gebo gaboobay ayaa Faysal halkaa hadal ka jeediyay isagoo aad u weeraray Culimo,udiinta gobolada hargaysa iyo Burco kuna si feeyay niman gacaltooyo u qabo walaalahooda Soomaaliyeed ee Xamar jooga.

 

Mudo laga joogo dhowr sanadood ayuu faysal wuxuu BBCda Soomaliga ka sheegay in wiilka Addis Ababa ku dhashay ee Axmaarka ah uu ka xigo wiilka Soomaliga ah ee Koonfurta Soomaliya Ku nool.

 

Ugu danbayn isagoo Faysal sii wata hadalkiisa ayuu yidhi Walaahay baan ku dhaartaye “In ayna Wadaadada gadhka dhaadheer ee Xamr joogaa ayna Hargaysa Imanayne Idinkaa u tagi.

 

Waxaa lala yaaba noqotay in dadka ku dhaqan gobolada Hargaysa iyo Burco ay dhegaystaan una riyaaqaan qof uu aad u hooseeyo fahamkiisa waxbarasho mid Islaam iyo mid maadi ahba una doortaan gudoomiye Xisbi.

 

C/rahman jama-Hargaysa Somalia Widh Widh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

To be honest, mouthy Waraabe with his incoherent facist rethoric (incitating tribal paranoia) doesn't represents more than few disconnected hardcore opposants to Riyaale's administration other than those pro-Kulmiye (there's a wide mentality's gap between it's westernized leadership and the lay people).

 

Of course, tribal motivations are one of the main factors at play here and the secular, power-hungry politician (born in the Hawd) is deeply deluded for the overwhelming residents of Hargeysa (as well as other parts of the country) are pro-ICU.

 

How a heathen who was "enjoying" life as a diaspora's refugee and moreover utterly incoherent (basically, he does acknowledges that we share both religion and ethnicity as Somalis and that Addis is the occupying enemy as well) dare to speak for a whole clan?

 

In other words, doesn't this constitutes a recognition that his main purpose is to advocate clanic hegemony as a "tribal leader" in this part of the country?

 

As for his support base, his social werfare-orientated program seems to appeal and it may be quite possible that Riyaale's failure to deliver combined with the lack of serious alternative is the major unifiying force here.

 

Im actually starting to wonder which philosophy, other than tribal paranoia and narrow-minded clanic hegemony, immoral Warabe seeks to promote.

 

In fact, though I've witnessed this blind, irrational support of secessionism in my own entourage, yet noone was theorically opposed against a united Islamic State, which is favored by the majority as the ideal scenario (the reluctance to unite with a warolords-led administration seems comprehensible).

 

Last but not least, the "secular solidarity", albeit transcending fundamental points of divergence like the issue of unity's imperative, is particularly noteworthy (it seems that those, most ignorant of islamic values, are solely united in their fear of becoming soon irrelevant).

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

I belong to his sub clan, I denounce everything he uttered there. He is pure ***** , how does that sound?

 

Garaad Canood, I think I overheard you saying few unpleasant things about the courts, correct?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

like i said before i love this young somaliland politician of mr waraabe, he maybe a bit over the clouds but he atleast talks from his heart.

 

i know for sure this guy is future somaliland leader withough question.

 

he hounds and redicules those enemies of somaliland, and defends our name with iron will.

 

if the enemies of somaliland hate him for that then they can hate all they like :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.