Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Amnesty International ku amertay Somaliland inay sii daayaan dibadbaxeyaal ku xiran H

Recommended Posts

Amnesty International ku amertay Somaliland inay sii daayaan dibadbaxeyaal ku xiran hargeysa

 

Amiin, Shabelle Correspondent In Mog.

 

 

25, May 2005

 

Hargeysa( Sh.M.Network) Hay’adda caalamiga ee u ololeysa xaquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday mas’uuliyiinta jamhuuriyadda is magacowday ee Somaliland in ay sii daayaan 100 qof oo ka tirsan mid ka mid ah qabaa’iladda laga tiro badanyahay oo la dhigay jeelka horraantii Bishan mar ay dadkaasi ka dibed baxayeen dilka bileyska Somali land uu u geystay xubin ka tirsan beeshaasi.

 

Amnesty international ayaa hadal ay maanta soo saartay waxa ay ku sheegtay in dadkani xiran lagu hayo goob aan la garaneynin oo ka tirsan Magaaladda Hargeysa iyadoona loo oggoleyn wax xiriir ah in ay sammeeyaan ama lala sammeeyo.

 

Tiro badan oo ah kooxdan xiran ah ayaa banaanbaxyo nabadeed ka dhigay qeybo kala gedisan marka ay taariikhdu aheed 13-ka Maajo , 2005ta xilligaasi oo ay ka dibed baxayeen dil sarkaal bileyska Somali land uu u geystay nin qolodan ka tirsanaa oo la oran jiray Khadar Osman Dhabar.

 

Falka uu u geeriyooday Khadar Cismaan Dhabar oo ay da’diisu aheed ayaa waxa uu ka dhacay degmadda Hawl wadag, waxuuna markii dambe dhaawaca rasaasta lagu dhuftay.

 

Faahfaahinta ku saabsan dhacdadaasi oo ku beegneyd 11-kii bishan aynu ku jirnao ee Maajo ayaan weli kala caddeyn hadalo is khilaafaya oo ka soo yeeraya dhanka mas’uuliyiinta Somali land iyo dhinaca qoyska iyo asxaabtii Khadar.

 

Amnesty,ayaa hadal ay soo saartay 18-kii bishan , waxa ay ku tiri : "waxaan u aragnaa banaanbaxayaasha xiran iyo kuwa kale ee la xiray toddobaadyadii ka dambeeyay banaanbaxa in loo xiray fekerkooda ku saleysan nabadda iyo iyaga oo daafacanayay xaquuqdooda.

 

Wasiirka arrimaha dibedda ee Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa isagana si kulul gaashaanka ugu dhuftay eedeymaha ka soo yeeray hay’adda Amnesty International.

 

Isaga oo la hadlayay saxaafadda ayaa mudane Ismaaciil aadan Cismaan waxa uu ku eedeeyay 100 ka mid ah dadkan laga tiro badan yahay in ay dhigeen dibed bax rabshad ah.

 

Waxa wasiirka ku eedeeyay in kooxdan falal qarbudaad ah oo isugu jiray, taayaro gubis, waddo xirid dhagax tuuris iyo in ay waxyeelo burburin u geysteen goobo ganacsi iyo shirkad tilifoon oo ku taala bartamaha Hargeysa.

 

Waxuuna wasiirka arrimaha gudaha Somaliland uu intaasi raaciyay ka dib rabshadaha marka ay dhaceen in bileyska loo yeeray si ay u soo celiyaan kala dambeynta.

 

Waxuuna yiri bileyska waxaa qasab laga dhigay in rasaas ay circa u ridaan soona xir xiraan qaar ka mid ah dadka banaanbaxayay.

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this