Sign in to follow this  
General Duke

Gen Cade has a huge welcome at Badhan Sanaag Puntland..

Recommended Posts

Wefti Ballaadhan oo uu horkacayo Jeneral Cadde Muuse oo si weyn loogu soo dhoweeyey Magaalada Badhan

 

Badhan(Radiolascaanod.com) Thurs 16.12.2004 Saaka subaxnimadii ayaa wefti ballaadhan oo isugu jira Cuqaal iyo waxgaradka gobolka Bari , oo uu hoggaaminayo Gen.Cadde Muuse Xirsi booqasho hal maalin ah ku yimaadeen degmada Badhan ee gobolka Sanaag / Puntland.

 

 

Jeneraalka iyo weftigiisa waxa meel u dhaxaysa Xubeera iyo Badhan kusoo dhoweeyey Suldaan Siciid Suldaan , Cuqaal, Waxgarad, Taliyaha ciidamada aagga Sanaag Col.Cashuur, weriyeyaal ka socda idaacadda SBC, idaacadda quraanka kariimka ah ee magaalada Badhan , wargeyska Calmadow, website-yada kala ah Laasqoray.net , Horseednet iyo dadweyne fara badan, oo si diirran ugu soo dhoweeyey magaalada Badhan .

 

1078suldaan1.jpg

 

 

Kulankii uu Jeneral Cadde Muuse ku la yeeshay magaalada Badhan suldaanka iyo cuqaasha magaalada Badhan ayaa waxa furay sidii dhaqanku ahaa Suldaan Siciid Suldaan oo weftiga uga mahad celiyey booqashadooda, kadibna wuxu hadalkii kusoo dhoweeyey Jeneral cadde Muuse oo weftiga hoggaaminayey.

 

1079suldaan2.jpg

 

Jeneraalku wuxu si weyn uga mahadceliyey sidii diirranayd ee gacaltooyada lahayd ee isaga iyo weftigiisa loogu soo dhoweeyey magaaladan Badhan.

 

Jeneraalku wuxu intaasi ku sii daray inuu imaatinkiisii Puntland uu ka lahaa labo ujeeddo, oo kala ahaa :

 

 

 

1. nabadaynta iyo badbaadinta Puntland ,

 

2. dibu heshiisiinta iyo dib u soo celinta qaranimadii iyo dawladdii Soomaaliyeed.

 

 

Jananku wuxu sheegay in rabbi ku guuleeyey gaadhitaankii labadii ujeedaba , iyadoo ku guulaysiga ujeedadda hore uu gacan weyn ku lahaa Suldaan Siciid Suldaan .

 

 

Isagoo hadalkiisii sii wata ayuu yidhi ( Haddii hawlahaasi dhamaadeen dadweynaha reer Puntland gudo iyo dibadba waxay iga codsadeen inaan hoggaanka Puntland u qabto , aniguna waan aqbalay.

 

1080suldaanka4.jpg

 

Mar haddaan musharax ahay , oo aan rabo inaan soo booqdo gobolada Puntland , waxaan doortay inaan booqashadayda ka bilaabo gobolka derisnimo iyo wada dhaqan iigu dhow oo ah gobolka Sanaag Bari. Waxanna kalsooni iyo rajo weyn ku qabaa taageeradiina iyo ayidaadiinna ).

 

 

Intaasi kadib waxa halkaa ka halay Suldaan Siciid Suldaan , wuxuna suldaanku isagoo ku hadlaya magaca beesha sheegay inuu taageersan yahay musharaxnimada Jeneral Cadde Muuse Xirsi , uuna soo dhoweynayo .

 

Waxa isna kulankaas ka hadlay Md.Axmed Ismaaciil Suldaan oo xoojiyey hadalka suldaanka, iyadoo nabadoonada kala ah : Nabadoon Maxamuud Cabdalle Dabshid iyo Nabadoon Maxamuud Xasanna ay hadallo ay kuxoojinayaan ayidaada suldaanka ay halkaa ka jeediyeen.

 

 

 

Ugu dambayntiina waxa isna kelmado kooban oo soo dhoweyn ah halkaa ka jeediyey duqa degmada Badhan Md. Maxamed Axmed Cismaan.Isku soo wada duuboo waxa kulankii maanta ka muuqdey taageerada buuxda ee guddoonka iyo dadweynaha gobolka Sanaag Bari u hayaan Musharaxa jagada madaxweynenimo ee Puntland Gen.Cadde Muuse.

 

 

Badhan Gobolka Sanaag

 

Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya

 

Radiolascaanod.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

This race seems likely to be very close. I think the current presidents needs to get out 'pound the pavement' as it were. Here are the efforts of another candidate:

 

small_abshir.jpg

Musharaxa Madaxweynanimada Puntland - Eng. Abshir Muuse Siciid

 

 

Eng. Abshir Muuse Siciid oo Maanta Shir Jaraa'id ku Qabtay Xarunta Gobolka Nugaal

 

http://www.puntlandpost.com/puntland_election/abshir/

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is indeed going to be a close race lads. The candidates till now:

 

1- President Muhammad Abdi Hashi [sool]

2- Eng. Abshir Muse Said [bari]

3- Gen. Mahamud Muse Hirsi [Karkaar]

4- Dr. Abdirahman Muhammad Farole [Nugaal]

5- Drs. Asha Gelle Dirie [Mudugh]

 

Somalitalk coverage of candidate's campaigns:

Abshir Muse's campaign

Abdirahman Farole's campaign

 

 

This will be a tight race, because the candidates are all of high quality. They have karti and love for Pland. I honestly believe that Pland has a promising future.

 

martisharaf1.jpg

 

Lol at the SSDF flag. They put something on our Somali flag, but nobody is to touch the Woqooyi-Bari Soomaaliya flag. What in the world..

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

To answer your question...

Bari was split into, Karkar with Qardo as capitla and Benerqasim with Bossaso as capital..

 

Puntland is made up of the following administrative districts.

 

Karkar- Qardo

Benderqasim- Bossaso

Nugal- Garowe

Mudug-Galkacyu

Sool-Las Ano

Highlan[sanaag]- Badhan

Cayn- Buhudle

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this