Sign in to follow this  
Kamalu Diin

USC=====>ICU======>ODEYAASHA BEELAHA____

Recommended Posts

Hogaamiyaasha dhaqanka,siyaasadda ,diinta iyo ganacsigga beelaha ****** ayaa markii ugu horeeyay saxiixay qorshe cusub

Submitted by Azk.olad on Sat, 2007-03-24 22:34.

Hogaamiyaasha dhaqanka,siyaasadda ,diinta iyo ganacsigga beelaha ****** ayaa markii ugu horeeyay saxiixay qorshe cusub oo faraya in la toogto Askarigii lagu dhex arko xoogaga ****** isagoo wajiga u xiran yahay,waxayna isku raaceen beelweynta ****** in qofkii u diyaara inuu shacabkiisa difaaca uu dagaalka ka qaybgalo iyadoo wajigga u furan yahay.

Beelweynta ****** waxaa magacooda ku hadli kara Cabdilahi Sheekh Xasan iyo Axmed Diiriye xitaa Ugaasyadda waxba lagama waydiin karo”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ay soo saareen manta.

Korneyl Faarax Madoobe waa Abaanduulka cusub ee Xoogaga wax iska caabinta ******. waxaana amaradaan kulul la sheegayaa inay qayb ka yihiin siyaasad ay isaga fogeeynayaan in waxa dagaalada wada ay yihiin Shabaabkii Maxkamadaha ee laga awooda roonaaday.

Hogaamiyaasha ****** waxaa kale oo ay shaaca ka qaadeen in Xasan Dahir Aweys yahay nin u dhashay beesha ****** balse uusan matali Karin kacdoon beesha isaga qaadeeyso gumeeysiga ,maadama uusan wax xila ka heyn.

Dagaalyahanadda ****** waxay amar ku qabaan inay toogtaan ninkii wajiga soo xirto ee doonaya inuu naga dhinac dagaalamo ,waayoo ninka nuucaasa waxaan u qaadaneeynaa inuu u shaqeeynayo Cabdilahi Yusuf,waxaan ugu baaqayaa inuu gurigiisa iska joogo fulayga doonayo inuu wajiga xirto oo qorina qaato,waxaana leeyahay ninkii wax gala ee shacabkiisa difaacaya haka soo qaybgalo dagaalka isagoo saaxi ah oo indhaha u xirneeyn”sidaas waxaa yiri korneyl Faarax Madoobe oo la hadlayay Ciidamada jiidaha hore ee dagaalka ku jira.

Inkastoo ay Muqdisho ka jirto xabad joojin, oo mararka qaar la jebiyo hadana sida muuqato ,dagaal waa lama huraan ,waloow Madaxweyne Yusuf markii ugu horeeysay ergo Nabadeed u soo diray hogaamiyaasha dhaqanka ****** oo aan wali qaabilin ergadaas.

Share this post

Link to post
Share on other sites

WARQAD FURAN: BEELAHA ******

Cqaadir_Yacquub.jpg

In badan ayaan ka gaabsaday inaan wax ka qoro waxa dhacaayey tan iyo intii ay maxkamaduhu jabeen balse, xaaladda adag ee ay shacabka ****** ku sugan yihiin ayaa igu kalliftay inaan warqaddaan qoro iyadoo ay ujeeddadeeydu tahay inaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed dareensiiyo gaboodfalka dowladdii burburtay (21/03/07) ee Imbagaati, gaar ahaanna aan ugu digo beelaha ******, lana taliyo.

Haddaba, ugu horreyn, shacabka Soomaaliyeed waa ka dheregsan yahay dulmiga iyo gummaadka kooxda Imbagaati idinkula kacday tan iyo intii ay yimmaadeen magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, waxaana ay inbadani is weydiinaayeen dulqaadkiinna ay qaar moodeen nacasnimo. Waxaa la xaqiray saraakiishiinna, waxaa la duudsiiyey xaqii aqoonyahankiinna, waxaa la kufsaday gabdhihiinna iyadoo si aan xishood lahayn ay kuwa C/laahi keenay Xamar ku hantaataqeen inay gabadhu been sheegeyso!

Waxay ahayd wax aad looga xummaado inaad idinkoo og marxaladda dalka iyo duniduba maraayaan aad la dagaallantaan hoggaamiyeyaashii muqdisho ee derbiga adag u ahaa waxa maanta idin haysta , oo aad taageertaan qolyo aan la’aqoon oo afka duubta, kuwaasoo daandaansi iyo weerarro ku qaaday gobollada iyo dalalka deriska nala ah, qof walbaa waa garanaayey inay dhaleeyso tan maanta shacabkiinna haysata.

Muuse Suudi, Qanyare, Maxammed Dheere iyo Qaybdiid la dagaal oo Aweys, Cayroow, Tootoow, Turki iyo Indhacadde soo dhoweeyso ayeey aheyd billowgii guusha C/llaahi Yuusuf, waana aad garan weyseen inaad u hiillisaan hoggamyeyaashaas hortaagnaa hororka u soo tafaxaytay haraggiinna weydda ah, sidii uu Qanyare horey u yiri.

Dhinaca kale wanaagga iyo garabka aad ka raadineysaan ONLF, OLF, Xasan Turki iwm, maad ka doontaan walaalihiinna aanad is hureyn; kolkay maxaakiimtu jabeen ma ********iya iyo ******teeniya ayaa looga bannaanbay hoggaamiyeyaashii maxkamadaha si loo badbaadiyo, mise kolkii la xiray Xaaji Abuukar Caddaani waxaa u istaagay sii deyntiisa qabiilka uu ka dhashay.

MAXKAMADAHU MA AHA ****** MANA WADIN DAN ******

Guuldarrada shacabkiinna waxaa ka mas’uul ah kooxdii la baxday maxkamadaha, waxaana wax lala yaabo ah in marxaladda adduunku maraayo aad ku sirantaan maxkamado iyo waxii la mid ah, oo kuwo aad saaxiib mooddaan ay cadaawad idiinkaga abuuraan gacalkiina iyo jaarkiinna.

Shacabka Soomaaliyeed waa mid isku diin ah kuna kala duwaneyn wax caaqiido ah, balse waxa laysku haysto waa qabiil, cadawgiinnu ma’aha Itoobiya, USA, Yurub iwm. Balse waa kan Soomaaliga ah ee hadduu fursad idiinka helo idiin gummaadaaya isagoo idiin adeegsanaaya kuwa aan kor ku soo sheegay. Sidaas awgeed ayeey lama huraan u tahay inaad xiriir fiican la yeelataan dalalka caalamka oo ka digtoonaataan kan diirka iyo afka idiinkaga eg.

Waxaa leydiinkaga fadhiyaa inaad marka u horreysa wiilashiinna wejiyada u furtaan kolkay dagaallamayaan, oo aad noqotaan ummad aan ka gabbaneyn dagaalka xaqa ah ee ay ku jiraan.

SHIRKA CABDULLAAHI

Waxaan ugu baaqaayaa siyaasiga weyn Madaxweyne Cali Mahdi Maxammed inuu caddeeyo mowqifkiisa iskana casilo xilkiis maqaarsaarka ah ee uu C/laahi u magacaabay, waayo magic iyo dhaqaale midna ugama baahna odayga reer Puntland ee ka doorbiday inuu madaxweyne noqdo inuu dagaallo sokeeye ka alooso dalka.

Mudane Cali Mahdi shirka kama keeni karo waxa ****** tabanaayo ama rabo oo u ah khad guduudan oo uusan ka gorgortamayn oo ay kamid yihiin: ****** 61 xubnood kuma filna inuu ka helo baarlammaanka 275ta ah, marka xiga Moobleen waa inuu degmo ka helaa ka madaxbannaan Balcad, waa in Lafoole noqotaa degmo ka madaxbannaan Afgooye, waa in Jawiil degmo noqotaa, waa in gobolka Hiiraan oo ah gobolka keliya ee 8ddii gobol ee ka hor Jaalle Siyaad aan gobol laga dhexsammeyn laga dhigaa labo gobol, oo Gaaljecel iyo Gugundhabe gobol helaan, waa in Beerxaani noqotaa degmo, waa in taliyayaasha Xoogga dalka ama Boliiska uu mid helaa ******, waa in ****** madaxweyne helaa, waa in Ceeldheer iyo Ceelbuur Gobol noqdaan ka madaxbannaan Galguduud. Sidaas awgeed baan ugu baaqayaa inuu Mudane Cali Mahdi faraha kala baxo xummaanta C/llaahi qooshay.

Waxaan ka dheregsannahay in gobolkii Bari iyo Nugaal ay maanta yihiin in kabadan 5 gobol, waxaa su’aal ah maxaa u diiday kuwan aan soo sheegay inay sidaas iyo sidii kale ee ay doonaan u maareeystaan gobolladooda iyo degmooyinkooda.

AQOONYAHANKA ******

Waxaan jeclaan lahaa inaan ugu baaqo aqoonyahanka ****** inay la yimaadaan qorshihii samata bixinta ummaddooda iskana illoobaan riyada dhalanteedka ah ee lagu dummiyey deegaankooda iyo dadkooda ( Waddaninimo aanan lagula qabin). Waa inay ku noqdaan dalkii oo hoggaanka iyo siyaasadda kala wareegaan oday dhaqameedyada ****** ee garab iyo hiillo la’aantu dishay, una sammeeyaan dadkooda siyaasad mideeysa oo ay u dagaallamaan, fuliyaanna siyaasadda aan kor ku xusay

Waxaa looga fadhiyaa aqoonyahanka ****** inay abuuraan heshiis wax ku ool ah oo dhex mara ****** iyo dalalka deriska la’ah iyagoo ka billaabaaya Somaliland, Itoobiya guud ahaan IGAD, EU iyo USA.

DAGAAL XAL MA NOQDAA

Dagaalku wuxuu ka mid yahay aaladaha loo adeegsado fulinta siyaasaddaada haddii waddo kale la waayo, mana aha mabnuuc haddii aad sii oddorosi karto maxsuulka dagaalkaas in lagu gaaraayo guulo siyaasadeed, sidaas awgeed waa inaad u dagaallantaan sidii aad ku gaari lahaydeen hadafkiinna kaasoo ah in la helo dowlad caddaalad ah cidii doonto ha xukuntee ama aad deegaankiinna u madaxbannaanaataan oo aad heeryada C/llaahi iska dul qaaddaan. Taas xaq baad u ledihiin cid idiinku qasbi karto dowlad aadan rabinna ma jirto [,b].

ETHIOPIA

Itoobiya waa dal aan deris nahay, waxaana cadaw gooni ah idiinkaga dhigay oo Xamar keenay Xasan Turki iyo jabhaddii ONLF iyo OLF ee aad xaruntiinna keenteen. Haddii aad qabiil tihiin ****** ah wax cadaawad ah oo ay idiin qabto ma laha oo idinka iyo Soomaalida kale idiinma kala jecla ee iska illooba waxa loogu yeero Maxkamadaha eek u wajaha siyaasadda dalka qaab qabiil.

Gebogeboda warqaddeydaanu waxay tahay, marka koowaad u mahadceliya shacabka iyo dowladda walaalihiin ah ee Somaliland sidii sharafta lahayd ee ay u soo dhoweeyeen dadkiinni u bara kacay, marka xigtana yaanan laydinku sirin mardambe maxkamado iwm, oo ku wada dedaalkiinna qaab beeleed, sida aad hadda ku socotaan, iskana illooba kuwa dibadaha baaqyada ka soo saara ee ku nool dhalanteedka (utopia), ahaadana kuwo waaqiciga iyo xaqaa’iqa ku nool (realists).

PhD Candidate, Politics

C/qaadir Yacquub Faarax

UK

Share this post

Link to post
Share on other sites

PhD Candidate, Politics

C/qaadir Yacquub Faarax

UK

Those are the countri's future aqoon yahans ,,,, look at da qabiil mentality and he is a PHD candidate even worse, the politics.

WAAR WADDANKII HA LAGA QUUSTO WALEE ,,,,,,,,,,,

Share this post

Link to post
Share on other sites
ansaar17   

Originally posted by Kamalu Diin:

Hogaamiyaasha dhaqanka,siyaasadda ,diinta iyo ganacsigga beelaha ****** ayaa markii ugu horeeyay saxiixay qorshe cusub

Submitted by Azk.olad on Sat, 2007-03-24 22:34.

Hogaamiyaasha dhaqanka,siyaasadda ,diinta iyo ganacsigga beelaha ****** ayaa markii ugu horeeyay saxiixay
qorshe cusub oo faraya in la toogto Askarigii lagu dhex arko xoogaga ****** isagoo wajiga u xiran yahay,waxayna isku raaceen beelweynta ****** in qofkii u diyaara inuu shacabkiisa difaaca uu dagaalka ka qaybgalo iyadoo wajigga u furan yahay.

Beelweynta ****** waxaa magacooda ku hadli kara Cabdilahi Sheekh Xasan iyo Axmed Diiriye xitaa Ugaasyadda waxba lagama waydiin karo”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ay soo saareen manta.

Korneyl
Faarax Madoobe waa Abaanduulka cusub ee Xoogaga wax iska caabinta ******
. waxaana amaradaan kulul la sheegayaa inay qayb ka yihiin siyaasad ay
isaga fogeeynayaan in waxa dagaalada wada ay yihiin Shabaabkii Maxkamadaha ee laga awooda roonaaday.

Hogaamiyaasha ****** waxaa kale oo ay shaaca ka qaadeen in
Xasan Dahir Aweys
yahay nin u dhashay beesha ****** balse
uusan matali Karin kacdoon beesha isaga qaadeeyso gumeeysiga ,maadama uusan wax xila ka heyn
.

Dagaalyahanadda ****** waxay amar ku qabaan inay toogtaan ninkii wajiga soo xirto ee doonaya inuu naga dhinac dagaalamo
,waayoo ninka nuucaasa waxaan u qaadaneeynaa inuu u shaqeeynayo Cabdilahi Yusuf,waxaan ugu baaqayaa inuu gurigiisa iska joogo fulayga doonayo inuu wajiga xirto oo qorina qaato,waxaana leeyahay ninkii wax gala ee shacabkiisa difaacaya haka soo qaybgalo dagaalka isagoo saaxi ah oo indhaha u xirneeyn”sidaas waxaa yiri
korneyl Faarax Madoobe oo la hadlayay Ciidamada jiidaha hore ee dagaalka ku jira.

Inkastoo ay Muqdisho ka jirto xabad joojin, oo mararka qaar la jebiyo hadana sida muuqato ,dagaal waa lama huraan ,waloow Madaxweyne Yusuf markii ugu horeeysay ergo Nabadeed u soo diray hogaamiyaasha dhaqanka ****** oo aan wali qaabilin ergadaas.

Don't believe the lies spit by waagacusub.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Originally posted by Kamalu Diin:

Where are the Somalidoons such as Axmed_Gureey. Kuwan.

warya Garac yahow

Naceeb USC/ICU/H***YE

Laandheer kama digayo.

So come up with credible facts not posting articles from a nincompoop.

Share this post

Link to post
Share on other sites
RedSea   

This kamalu Diin dude is obsessed with USC, and the problem is he doesn't where they are?

Majority of former of USC members are now in the TFG which you support my dear friend, so do your homework.

Share this post

Link to post
Share on other sites

if we gave guns to the people that come to this website, they will kill each other in no time ?

for the love of God qabiilka is ka daaya. there is time to joke and then there is time to be serious.

Share this post

Link to post
Share on other sites

LABA SALAAD: Salaad Gabeyre iyo Salaad Cali xaggee iska shabbahaan.?

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Email: Ingiriis@yahoo.com

Salaad Gabeyre Kediye, waxa uu ahaa ninkii soo dhiraandhiriyey ee ka dhabeeyey afgambigii 1969-kii. Saddex sano kaddib afgambigaas, July 1972-kii, ayaa waxaa dil toogasho ah ku xukumay ninkii uu isagu Madaxweynaha ka dhigay oo ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Dadka Banaadiriga ah ayaa waxay leeyihiin maahmaah tiraahda, “Indhihiisa laga arke, ayaa ushiisa lagu tumaa.” Falsafadda Giriiguna, waxay tiraahdaa, ‘Taariikh kasta oo qoran gadaasheeda, waxaa taalla taariikh aan qornayn.”

Billowgii afgambiga

October 1969, markii Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharma’arke lagu dilay Laas Caanood ayaa waxaa shir isugu yimid Golaha Wasiirada oo uu madax u ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Si lama-filaan ah ayaa waxaa shirka u soo fariistay Maxamed Siyaad Barre oo ahaa Taliyaha Ciidammada.

Isla markiiba, Dr Ismaaciil Jimcaale Cosoble oo ahaa Wasiirka Warfaafinta ayaa ku yiri “Maxamed, ma Golaha Xukuumadda ayaad ku soo biirtay?” Dr Ismaaciil, wuxuu gacanta u taagay Cigaal, isagoo u tilmaamaya Maxamed Siyaad. Cigaal wuxuu amray in Maxamed Siyaad uu shirka Golaha Wasiirada bannaanka uga baxo.

Maxamed Siyaad shirka wuu ka baxay, kamana bixin. Wuxuu Sigaar la istaagay daaqadda xaruntii shirku ka socday, si uu u dhegeysto waxa ay ku wada-hadlayaan xubnaha Golaha Wasiirada. Dr Ismaaciil Jimcaale ayaa mar kale Cigaal u ilmeeray, una tilmaamay inuu Maxamed Siyaad taagan tahay daaqadda, laakiin Cigaal dan iyo heelo kama gelin.

Waxaa markaas socday olole siyaasadeed oo ku saabsan ninkii beddeli lahaa Madaxweynaha la dilay. Cigaal wuxuu aad u doonaayey inuu madax ka dhigo Muuse Boqor oo ay is xigeen Sharma’arke. Dr Ismaaciil ayaa ka istaagay shirka Golaha Wasiirada oo yiri, “dumaasha xaaska Cabdirashiid kuma haysanno Muuse Boqor, laakiin madaxtooyadu dumaal ma ahan.’

Shirku markuu ku dhammaaday is-afgarad la’aan, Cigaal wuxuu u magacaabay Maxamed Faarax Caydiid inuu madax ka noqdo ciidammada qaabilsan munaasabadda aaska Madaxweynaha geeriyooday (ceremonial funeral guards).

Iyadoo uu socdo laaluush sidii lagu dooran lahaa Madaxweyne cusub ayaa Maxamed Siyaad oo 1968-kii billaabay qorshaha ku saabsan sidii uu afgambi u sameyn lahaa, wuxuu isugu yeeray raggiisii (oo u badnaa laba xiddigleyaal). Waxaa ka mid ahaa; Salaad Gabeyre oo markaa ahaa Gaashaanle Dhexe, Cali Mataan Xaashi (Gaashaanle Dhexe), Maxamed Cali Shire (Gaashaanle), Maxamed Maxamuud Khawl (Laba xiddigle), Axmed Suleymaan Dafle (Laba xiddigle) iyo kuwo kale. Dhinaca siyaasadda waxaa gacan-ka-siinayey Dr Maxamed Aadan Sheekh.

Afgambigii Aafada

03:00 AM, 21 October, 1969, waxaa lagu guuleystay in la afgambiyo dowladdii distuuriga ahayd, waxaana la qabsaday caasimaddii oo ay qabteen ciidanka lugta oo ku hubeysan madaafiicda goobta. Waxaa hoggaaminayey Salaad Gabeyre, waxaana la xiray dhammaan siyaasiyiintii ku jirtay xukuumadihii rayidka ee kala dambeeyey.

Mucjisada dhacday ayaa ahayd in mudanayaasha la xiray uu ka mid ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya, Mudane Aaden Cabdulle Cusmaan-Daar – ninkii ugu horreeyey Qaaradda Africa ee xukunka ka dega isagoon isku dhejin. Ku darso, wuxuu ahaa Salaad Gabeyre soddogiis.

Saraakiishii afgambiga sameysay ayaa subaxnimadii isugu timid xaruntii ciidanka ee Afisyooni. Waxaa isagoon loo yeeran xarunta yimid Caydiid. Waxay iridda xerada isku arkeen Maxamed Cali Samatar oo ku yiri “Maxamed Siyaad ayaa afgambi sameeyey, bal aan ka faa’iideysanno afgambigan oo aan isku dayno inaan boosas ka helno. Haddii aanan sidaa yeelin, waa nala dhibaateyn doonaa.”

Waxaa goobta ku soo ururay saraakiil fara-badan, waxaana furmay shir ay isugu yimaaddeen 35 sarkaal oo isugu jiray kuwo wax-ka-og iyo kuwo aan wax ka ogeyn afgambiga. Ajandaha ugu horreeya ee laga hadlay wuxuu ahaa dhismaha xukuumadda.

Caydiid ayaa hadalka dafay oo yiri, “haddii ujeeddada afgambigu tahay in la horumariyo dalka, lana saxo qaladaadkii horey u dhacay, waa in xubnaha xukuumaddu ka koobnaataa dad mutacallimiin ah oo leh khibrad run ah.” Waxaa ku xigsaday Salaad Gabeyre, wuxuuna yiri, “maadaama dadka afgambiga sameeyey ay yihiin dad ciidan ah, waa in xubnaha xukuumadda laga dhex xulaa saraakiisha ciidammada.”

Maxamed Siyaad ayaa hadlay oo yiri, “aan u codeyno labadaas ra’yi kii aan qaadan lahayn.” 26 sarkaal waxay u codeysay ra’yigii Caydiid, 8 waxay u codeysay ra’yigii Salaad. Kaddib Salaad Gabeyre iyo Dafle ayaa kula taliyey Maxamed Siyaad in shirka meeshiisa lagu joojiyo oo aan la dhaqan-gelin ra’yiga loo codeeyey.

Markii shirkaasi ku dhammaaday natiijo la’aan, wuxuu Maxamed Siyaad u yeertay raggii afgambiga la sameeyey. Salaad Gabeyre, Ismaaciil Cali Obokor, Dafle, Khawl iyo rag kale ayaa ku taliyey in haddii aan shirka laga ceyrin Caydiid, Maxamed Nuur Baarqab iyo rag kale oo la socday inay iyagu miraha afgambiga la wareegi doonaan.

Isku-dhicii Salaad Gabeyre iyo Siyaad Barre

Maxamed Siyaad iyo Salaad Gabeyre waxay isku dheceen maalin kaddib afgamiga. Isku dhacoodu wuxuu billowday markii maalintii labaad ee afgambiga ay shir isugu yimaaddeen 25 nin oo isku magacaabay ‘Golaha Sare ee Kacaanka’ si ay u doortaan ninkii madaxda u noqon lahaa. Waxaa shirka guddoominayey Maxamed Siyaad oo si ku meel gaar ah loogu dhiibay ‘maadaama uu isagu u da’weynaa raggii meesha ku shiraayey.’

Shir-guddoomiyuhu, Maxamed Siyaad wuxuu soo jeediyey inuu gacanta taago qofka doonaya inuu madax u noqdo shan iyo labaatankooda. Ninkii ugu horreeyey ee gacanta taaga wuxuu ahaa Salaad Gabeyre. Waxaa ku xigay oo gacanta taagay Maxamed Siyaad. Waxaa ku sii xigay Ismaaciil Cali Obokor. Maxamed Siyaad markii uu arkay in labadaas nin ay gacanta u taageen si ay madax u noqdaan ayuu isla markiiba wuxuu soo xiray shirkii socday, isagoo yiri “berri ayaan shiri doonaa oo aan go’aan gaari doonnaa.”

Maxamed Siyaad wuxuu isla habeennimadii billaabay inuu sameeyo olole uu xubnaha Golaha Sare ugu ballan-qaadayo xilal haddii ay isaga doortaan. Ugu yaraan intooda badan wuu ku qanciyey ololihiisa. Subaxnimadii 22 October 1969, ayaa shir waxaa isugu yimid 25-kii Golaha Sare. Waxaa la qabtay doorasho, waxaana tartamay saddexdoodii; Maxamed Siyaad, Salaad Gabeyre iyo Ismaaciil Cali Obokor.

Markii la codeeyey, Maxamed Siyaad wuxuu helay 16 cod. Salaad Gabeyre wuxuu helay 4 cod, halka Ismaaciil isaguna uu ka helay 4 cod. Hal sarkaal ayaa diiday inuu codeeyo, wuxuuna ahaa Gen Maxamed Caynaanshe Guuleed oo ka mid ahaa labadii nin ee lala dilay Salaad Gabeyre. Gen Caynaanshe, wuxuu ahaa nin qab leh oo shaqsiyan isu arka ‘nin sare,’ wuxuuna ka soo horjeeday in Maxamed Siyaad uu madax u noqdo 25-ka Golaha Sare.

Maxamed Siyaad wuxuu durba go’aansaday inuu cashar siiyo Caynaanshe, Salaad iyo Ismaaciil, laakiin uusan degdegin. Hal bil kaddib, wuxuu magacaabay Safiirka Soomaaliya ee West Germany oo uu ka dhigay Gen Maxamed Ibraahin Liiqliiqato iyo Safiirka Soomaaliya ee Masar oo uu ka dhigay Gen Maxamed Hoolif.

Barxadda Afisyooni waxaa ku soo ururay Soomaali u riyaaqsan is-beddelka ka dhacay dalka. Dadweynihii u soo baxay farxadda iyo damaashaadka afgambiga ayaa markey ka warheleen in Maxamed Siyaad loo doortay Guddoomiyaha Golaha Sare waxay billaabeen inay damaashaadkooda u beddeleen dibad-bax ay kaga soo horjeedaan arrintaas. Waxaase dhacday in police-ka amar lagu siiyey inay dadka soo xirxiraan.

Laba sano kaddib, markii Salaad Gabeyre ay u caddaatay inuu sameeyey qalad weyn oo uusan sixi karin, oo ahaa inuusan xubnaha Golaha Sare ee Kacaanka ku soo darsan dad isaga raacsan ayuu billaabay inuu ka hor yimaado Maxamed Siyaad. Wuxuu isla markiiba diyaariyey afgambi cusub oo uu xukunka kaga tuurayo Maxamed Siyaad.

Salaad Gabeyre, wuxuu la xiriiray rag saraakiil ah oo ay isku reer ahaayeen, waxaana uu ku dhirrigeliyey inay kala qayb qaataan afgambi cusub. Qaladka uu sameeyey ayaa wuxuu ahaa in xubno ka tirsan Golaha Sare oo ay saaxiibbo ahaayeen uu wargeliyey inuu afgambi sameynayo, kuwaas oo warka u sii tebiyey Maxamed Siyaad. Sida la sheego, waxaa xubnahan ka mid ahaa Cabdalla Maxamed Faadil.

Maxamed Siyaad, wuxuu u baahday ninkii soo qaban lahaa Salaad Gabeyre. Waxaa warar sirdoonkii hore ee milateriga Soomaaliya aan ka helay ay ii sheegeen inay qaab qiyaamo ah ku qabteen Maxamed Cali Samatar iyo Cabdalla Faadil oo ay isku kulliyad iskala soo bexeen. Salaad Gabeyre, waa is difaacay, gacan ayaana laga jebiyey isagoo isku dayaaya inuu la soo baxo bistoolad. Waxaa kaddib la soo saaray maxkamad, halkaas oo ay ku marqaati-keceen niman ka mid ahaa Golaha Sare ee Kacaanka iyo kuwa kale oo dhashoodii ay maanta horboodayso siyaasadda Soomaaliya. Waxaa kaddib Salaad Gabeyre lagu xukumay xukun dil ah.

Dilkii Salaad Gabeyre

Markii loo sii waday tiirka toogashada ee Dugsigii Sare ee Police-ka ayaa Qareenkiisii Dr Cabdullaahi Macallin Cabdulle, waxa uu weydiiyey Salaad hal su’aal oo ahayd, "Maxaan kaa gaarsiiyaa dadweynaha Soomaaliyeed?" Salaad oo ahaa geesi aan soo marin taariikhda Soomaalida, waxa uu ku jawaabay, "Waxaad iga gaarsiisaa inay i cafiyaan, waayo anigaa u shirqoolay oo u gacan qabtay Maxamed Siyaad."

Salaad Cali Jeelle, ma filayo inuu leeyahay garashadii iyo geesinimadii uu sidan ku oran lahaa isagoo tiir-toogasho gardaduub ugu xiran. Salaad Gabeyre waa ninka loogu heesay, "Samadiidoow Dabin baa kuu dhigan lagugu dili doono."

Ayeeyadeey, oo ay si uun isu xigeen Salaad Gabeyre, ayaa waxa ay ka mid ahayd dadkii barxadda Scola Polizia ka daawanayey daldalaaddiisa. Waxa ay hadda ka hor ii sheegtay, "Xabadihii ugu horreeyey markey qabsadeen ayuu Salaad Gabeyre madaxa ruxay oo uu gacanta ka hadlay oo yiri “igu wada (xabadda).”

Haddaba, su’aasha dalbanaysa jawaabta waafiga ah ayaa waxay tahay; maxay ku dambeyn doonaan ragga ku socda dariiqii Salaad Gabeyre sida Salaad Cali Jeelle?

Tixraac (Refenrences)

1. Whatever Happened to Somalia by John Drysdale.

2. Soomaaliya: Shalay, Maanta, Berri by Faarax Weheliye Caddow (Sendiko)

3. Somalia: From Dawn to Civilization to Modern Times by Mohamed Farah Aidid and Dr Satya Pal Ruhela.

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Email: Ingiriis@yahoo.com

Share this post

Link to post
Share on other sites

ABA SALAAD: Salaad Gabeyre iyo Salaad Cali xaggee iska shabbahaan.?

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this