Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Added to The Tourism Sites in Africa

Recommended Posts

Mr Adrew Gibson oo ah Agaasimaha xarunta caanka ah ee la talinta iyo guryaha dalxiska oo magaceeda la yidhaahdo Direct Holiday Brookygs, Internetka dhexdiisa ah ayaa Warsaxaafadeed ay soo saartay shalay waxa uu baaqday dalxiisayaasha caalamka in ay wakhtiyada fasaxooda ku qaataan dalka Somaliland.

 

Warsaxaafadeedkan ayaa Agaasimaha xaruntan caalamiga ah ee la talinta dalxiisayaasha Caalamka Mr Gibson waxa uu yidhi ‘’Somaliland waa dal African ah oo ku yaal Geeska Afrika , dalkan o ah maxmiyadii hore ingiriiska ayaa ku fadhiya dhul cabirkiisu dhan yahay 68,000 Laba Jibaaran Miles , waxaanu xad la wadaagaa dhinaca koonfureed iyo galbeed dalka Itoobiya, Dhinaca Woqooyi galbeedna dalka Jabuuti , dhinaca Barina waxa uu xad la wadaagaa Soomaaliya , iyadoo dhinaca woqooyina uu ku kulaalayo badda cas iyo gacanta cadmeed.

Dalkani waxa uu leeyahay gobo ku haboon dalxiiska iyo meelo kale oo soo jiidanaya booqashooyinka dalxiisayaasha , caasimada dalkani waa Hargeysa , guud ahaan Somaliland waa dhul nabad gelyo ah oo bartilmaameed u noqonaya dalxiisayasha , waxaanu dalkani ku yaal madaxafiyo ay ka buuxaan dahqanka hodanka ah ee dalka Somaliland, dalxiisayaasha waxa kale oo ay xiiseeyaan ugaadh noocyo tiro badan ka kooban o laga helo Somaliland.

 

Sidoo kale waxa ay Somaliland leedahay gobo badan oo taariikh ah lagana raad raaci karo aqoonta ilbaxnimooyinkii hore ee caalamka waxaan goobahaasi ka mid ah Laas geel oo ay ku yaalaan godad ay ku xardhan yihiin dhaqamadii iyo xadaaradihii hore ee casrigii Neobithice.

Waxa ku yaala Somaliland gagooyin diyaaradeed oo acaalami ah , gaar ahaan Hargeysa iyo Berbera , sidaa darteed dalxiisayaasha caalamka ayaa lagu dhiiri gelinayaa in ay yimaadaan dalka curdinka ah ee Somaliland’’.

 

 

 

Source Jamhuriya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this