Sign in to follow this  
Member-sol-

Maraykanka oo faangraynaya ciidanka wada jirka

Recommended Posts

Dowladda Mareykanka ayaa talooyin muhiim ah usoo gudbisay Dowladda KMG iyo Isbaheysiga Garabka Sheekh Shariif, iyadoona malaayihiin doolar ku yaboohday sidii dhinaca ammaanka wax loogu qaban lahaa, taas oo ku wajahan qorshaha isku dhafida Ciidamada Dowladda iyo kuwa Isbaheysiga.

 

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibeda Mareykanka ayaa lagu soo dhoweeyay tallaabada uu isku casilay Madaxweynihii Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana sidoo kale ay ku tilmaantay is casilaadaas mid baal cusub oo nabadeed u fureysa Umada Soomaaliyed.

 

Sidoo kale qoraalka ayaa loogu baaqay Afhayeenka Baarlamaanka oo hada sii haaya Xilka Madaxweynenimada in Baarlamaanku muddo 30 cisho ku soo magacaabo Madaxweyne, sida uu qabo axdiga KMG farqadiisa 45aad.

 

Waxaa kaloo loogu baaqay Dowladda KMG iyo Mucaaradka Sheekh Shariif garab ka mid ah uu hogaamiyo inay Dowlad wadaag oo midnimo qaran dhistaan, iyadoona Mareykanka uu gacan ka geysanayo dhaqaalaha la siinayo.

 

Labada Dhinac ee Heshiiska ku kala saxiixday Dalka Jabuuti ayaa lagu taliyay sida Afhayeenka Baarlamaanka Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde iyo Sheekh Shariif inay xoojiyaan dadaalada la doonayo in lagu soo dhiso Dowlad Midnimo qaran.

 

Mareykanka ayaa ugu yaboohay in 5milyan oo Doolar ku bixinayo qorshaha la isugu dhafayo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Isbaheysiga si ay ammaanka u sugaan, waxaana qorshahaas lagu qeexay mid wax ka taraya dhanka Amaan soo celinta.

 

Ugu dambeyn hadalka ka soo baxay Dowladda Mareykanka gaar ahaan wasaaradeeda Arrimaha Dibeda ayaa lagu sheegay inay ka faa'ideystaan fursaddan ay Mareykanka ku balaarinayaan taageeradooda ku aadan xoojinta hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo in si deg deg ah ciidamo ka socda Qaramada Midoobay loo keeno Soomaaliya.

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.com

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this