Sign in to follow this  
MoonLight1

In Somalia even if your dead, you will not have peace.

Recommended Posts

Qabuuro ku yaala Baardheere oo ay maanta burburiyeen maamulka Islaamiga.

 

22 May, 2009 04:57:00

 

Maamulka Islaamiga ah ee gacanta ku haya degmada Baardheere ayaa maanta bilaabay inay burburiyaan qabuuro ku yaala degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

 

Ciidamada maamulka Islaamiga ah ee magaalada Baardheere ayaa la sheegay inay fal burburin ah kula dhaqaaqeen qabuurayaal ku yaala gudaha degmada Baardheere.

 

Maamulka ayaa sheegay in falka lagu burburinayo qabuuraha ay ka dambaysay kadib markii ay soo bexeen dad caabuda qabuuraha sida ay maamulku ku andacoodeen.

 

Sargaalka katirsan maamulka oo lagu magacaabo C/qaadir Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka uu burburinayo qabuuraha, isagoona sheegay inay ugu wacan tahay ka hortago xaalado uu ku sheegay inay halis yihiin sida uu hadalka u dhigay.

 

Mas'uulkaan ayaa si aan gambasho laheyn u sheegay inay jiraan dad caabuda qabuuraha oo ku sugan magaalada Baardheere sidaas darteeda ay go'aansadeen inay ka hortagaan.

 

Horey qabuuro burburinta waxa ay uga jirtay gobolka J/hoose oo ay ka taliyaan islaamiyiin hubaysan kuwaas oo ku tilmaamay qabuurahaas kuwa la caabudo oo shirki ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this