Sign in to follow this  
guraad

They said ( Thank you Puntland people )

Recommended Posts

guraad   

Wafdigii hub ka dhigista Soomaaliya oo ammaaney shacabka Puntland

 

 

- Saturday, July 26, 2003 at 19:33

 

Gaalkacyo, (AllPuntland) - Wafdigii ka socday gudiga hub ka dhigista ee baryahaanba ku sugnaa magaalooyinka Gaalkacyo Garoowe iyo Boosaaso ayaa maanta ka ambo baxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo si ay u sii wataan socodaal ay ka tagayaan magaalooyinka ay ka mid yihiin Baladwayne, Luuq, Baydhabo iyo Muqdisho.

 

 

Col. C/xamiid Khaliifa oo wafdigaas hogaaminayay ayaa saaka intii aysan ka amba bixin Gaalkacyo saxaafadda u sheegay inay gobolada koonfureed u tagi doonaan sidii ay madaxdooda ugala wada hadli lahaayeen sidii hubka looga qaadi lahaa shacabka ay u taliyaan.

 

 

Wuxuu kaloo Mr Khaliifa sheegay in xarunta looga tali doono ciidamada hubka dhigista Soomaaliya ay noqon doonto magaalada Gaalkacyo halkaasi oo durba maamulka gobolku uu xafiis ka siiyay. Col. Khaliifa wuxuu ammaan u soo jeediyay madaxwaynaha Puntland C/laahi Yuusuf Axmed iyo shacabka Puntland oo uu sheegay inay u soo dhaweeyeen si hagar la'aan ah.

 

 

 

Wafdigu waxay maanta isku mareen magaalooyinka Baladweyne iyo Baydhabo halkaasi oo aan aan si aad ah loogu soo dhawayn maadaama masuuliyiinta qaarkood asyan ka warqabin in wafdigu soo fool leeyahay, halka qaar kalana la rumeysan yahay ineysan raaliba ka ahayn hawsha ay guddigaani u socdaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
guraad   

Sabti, 26.07.2003 - 16:32 Wakhtiga London

 

Gudigii sahanka oo gaarey gobolka Hiiraan

 

Xassan Bariise - BBCSomali.com

 

 

Guddigii Sahanka ee hubka dhigista Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalooyinka Beledweyne iyo Baydhabo ee gobollada Hiiraan iyo Bay.

 

Qeyb ka mid ah guddigan loogu yeeray guddiga sahanka hub ka dhigista Soomaaliya oo ka kooban lix xubnood ayaa gelinkii hore ee maanta ka soo degay garoonka dayuuradaha ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Garoonka oo magaalada u jira fogaansho ilaa toddoba kiiloomitir ah ayaanan cidi ku qaabilin wafdigaasi sida uu ii xaqiijiyey taliyaha ciidanka ilaaliya garoonkaasi oo la yiraahdo Yuusuf Axmed Xalane oo loo yaqaanno Berga Herti.

 

Berga Herti waxa uu sheegay in wafdiga oo ay ka mid ahaayeen labo nin oo Soomaali ah iyo nin ka socday jaamacadda carabta oo isagana Af-Soomaali ku hadlayey ay weydiiyeen masuuliyiintii magaalada, waxana uu u sheegay in aanan imaanshiyahooda cidi ka war qabin, sidaasi darteedna aanay jirin cid gaadiid ama soo dhoweyn ugu talogashay.

 

Berga Herti waxa uu intaasi ku daray in xubnaha wafdigu ay u sheegeen isaga in ay haystaan hal saac oo keliya oo ay doonayeen in ay ku arkaan masuuliyiinta gobolka, iyagoo u sheegay taliyaha ciidanka in ay habeenkii xalay ahaa la soo hadleen qaar ka mid ah masuuliyiinta oo aanan la magacaabin isla markaana loo soo sheegay in ay yimaadaan maanta lana soo dhoweyn doono, taasoo aanan dhicin.

 

Si kastaba ha ahaatee, ninka isagu sheegta in uu yahay ku simaha guddoomiyaha gobolka Xasan Hilowle Cismaan oo loo yaqaanno Xasan Kacaan oo aan isagana khadka talefoonka magaalada Beledweyne kula hadlay ayaa sheegay in ay ugu talogaleen in ay ceyriyaan wafdigaasi oo uu ku eedeeyey in wado hawl lagu debin-daabyeynayo sida uu hadalka u dhigay beelweynta degta min Gaalkacyo ilaa Kismaayo.

 

Xasan Kacaan waxa uu intaasi ku daray in beeshaasi uu sheegay aanay marna aqbali doonin in hubka ka dhigis loogu sameeyo nin aanay doonaynin, waxana uu intaasi ku daray in ay wafdiga sir ka soo fakatay markii ay yiraahdeen buu yiri waxaa xarun ciidanka hub ka dhigista looga dhigayaa magaalada Gaalkacyo, taasoo sida uu sheegay uu ka sii sarriftay in dowladda la dhisi doonana ay xarun u noqon doonto magaaladaasi, taasina ay tahay buu yiri khiyaamo qaran.

 

Si kastaba ha ahaatee, markii xubnaha wafdigu ay in cabbaar ah jees-jeesteen garoonka Beledweyne dhexdiisa ayey dayuuraddoodii dib ugu noqdeen oo ay ka duuleen halkaasi, waxayna u kicitimeen magaalada Baydhabo oo aan iyadana laga sugaynin. Sida uu ii xaqiijiyey ku simaha guddoomiyaha RRA-da, Aadan Maxamed Nuur Sooransoor inkastoo aanan wafdigaasi lagu talo gelin in haddana la soo dhoweeyey isla markaana ay soo mar-mareen qeybo ka mid ah magaalada oo uu ku jiro saldhigga booliska magaalada, isla markaana ay shir la yeesheen masuuliyiinta iyo saraakiisha RRA-da ee ay isaga iyo Abshir Xasan Cali ka mid ahaayeen. Sida ay warbixinta ku hayeen ururka RRA-da waxaa wafdigani magaalada Baydhabo laga sugayey 30-ka bishan.

 

Wafdigani waxay hore u soo mareen gobollada Puntland iyagoo daraasad ku samaynaya meelaha suurtogalka ah ee ciidamo Afrikaan ah la dejin karo dadaal la doonayo in marka hore lagula socdo ilaalinta xabbad-joojintii lagu soo heshiiyey dalka Kenya dabayaaqadii sannadkii hore, kaddibna la eegayo sida ay suurtogal ku tahay hub ka dhigis lagu sameeyo kooxaha Soomaalida, si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo shaqeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this