Sign in to follow this  
Suldaanka

Somalilanders from East to West came out to show their support

Recommended Posts

Who are you fooling?

 

 

Mudaharaad Lagu diidan yahay Somaliland oo ka dhacay laascaanood , Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay

Warkii 17-Jan-2008 iyo Qormadii: afnugaal

 

Waxyar ka dib markii uu dhamaaday mudaharaad ay soo abaabuleen Maamulka Somaliland ee hada gacanta ku haya magaalada laascaanood ayaa waxaa bilaabmay mudaharaadkale oo lagaga soo horjeeda gooni isu taaga Maamulka lamagac baxay Somaliland kaas oo markii danbe isu rogay rabsho ay dadku dhaawacmeen ...

 

Mudaharaadkan lagaga soo horjeedo waxa loogu yeedhi madaxbanaanida Somaliland ayaa waxaa soo abaabulay sida ay saaka noo xaqiijiyeen dad masuuliyiin ah oo ku sugan magaalada gudaheeda Maamul Goboleedka Puntland oo isago mudo sadex bilood laga joodo ciidamadiisa kala baxay magaalada laascaanood..

 

Dadwaynaha mudaharaadayey ayaa ku dhawaaqayey ereyo lidi ku ah xukuumada Madaxwayne Daahir Riyaale iyo Mowqifkiisa ah in madaxbanaani ay ka qaataan Jamhuuriyada Somalia , waxayna gubayeen calanka Somaliland halka ay kor uqaadayeen calanka Somalia ..

 

Dadwaynaha ka soo horjeeday Madaxbanaanida Somaliland ayaa markii ay gaadheen Maasjid Jaamaca magaalada laascaanood oo ay aad ugu dhoowyihiin Inta badan xarumaha dowlada ayaa waxaa raasaas ooda kaga qaaday Ciidamo uu watey taliye Mahdi Canbaashe oo ka tirsan Militiryga Somaliland kana soo jeeda gobolka Sool halkaas oo ay ku dhaawacmeen 2 qof halka uu naftiisa ku waayey alla ha unaxariistee Shaafici Maxamed Ismaaciil..

 

Ciidamada Somaliland ayaa dadkaasi ka soo horjeeday Somaliland ka ururiyey dhamaanba Calamadii Somalia ee ay wateen iyagoo diidanaa in saxaafadu sawirto maadaama mudaharaadkii lagu taageerayey Somaliland ee kan ka horeeyey saxaafadu goob joog ahayd sawirona laga qaaday , shabakada warbaahinta Afnugaal.com oo isku dayday inay sawiro ka qaado mudaharaadkaasi lagu diidanaa Somaliland ayaa waxaa taasi is hortaagay ciidamada Booliska Somaliland ..

 

Xafiiska wararka Afnugaal.com

 

afnugaal01@gmail.com

 

 

 

Laascaanood

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Been ku waynin badnidaa ninyahow, pro SL demo in LA kulahaa, and who caused the violent death of Shaafici Maxamed Ismaciil...

 

Shaafici Maxamed Ismaciil Oo Ku Geeriyooday Rasaas Ay Fureen Malayshiyo Uu Watay Ninka Lagu Baddelay Xuseen Taarwale.

 

 

Jan 17, 2008 By:

Laascaanood (Jidbaale.com):- Waxaa ku geeriyoodey Muddaharaadkii saaka ka dhacay magaalada Laascaanood Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Shaafici Maxamed Ismaciil, ka dib markii ay toogteen Malayshiyo uu watay Ninka lagu badelay Xuseen Taarwale ee İsaaq, kaas oo rasaas ku faray shacabka . Waxa kale oo ku dhaawacantay qof Haween ah.

 

 

Run ahaantiina wuxuu Mudaaharaadkaasi ahaa mid ku salaysan sida shacabka xalaasha ah ee reer Laascaanood ay uga soo horjeedaan qaddiyada madax martay shacabka iyo maamulka Dirta Waqooyi, oo ilaa haatan aysan waxba uga suura galin fikraddan gurracan ee ay u soo bandhigeen waddamo badan oo caalamka ah.

 

Muddaaharaadkan lagaga horjeeday maamulka midnimo-diidka iyo kooxaha u adeegaya ee deegaanka u dhashay, run ahaantii wuxuu ku noqday mid argagax leh, waxaanay xaqiiqsadeen in aanu marna shacabka reer Laascaanood aqbali doonin fikirkaasi ay beesha ***** wadato, doonaysana inay Soomaali kagaga go'do.

 

Waxaana nasiib daro ah kooxaha yar yar ee iyagu deegaanka u dhashay, balse ay khaldeen kuwa u adeegaya maamulka Soomaalidiidka, oo iyagu doonaya inay danahooda ku fushadaan, hase ahaate waxay taariikhdan ka geli doonaan meel madow, Laascaanoodna shacabkeedu wuxuu mar walba u taagnaan doonaa midnimada Soomaaliya...

 

Haddaba wixii warar ah ee ka soo kordha shabakada Jidbaale.com kala socda..

Share this post


Link to post
Share on other sites

WHO ARE WE LYING TO THE ONES THAT ARE DYING IN MUGDISHO TODAY DON'T COUNT BUT THE ONCE THAT ARE DYING IN LA DO. HMMM SOMALIA SOMALI BAA ISKA LEH EE QABIILKA ISKA DAAYA/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this