Sign in to follow this  
Mintid Farayar

Shir ay baajisay Somaliland - BBC

Recommended Posts

26 Janwari, 2010, 12:45 GMT; 15:45 SGA

 

Shir ay baajisay Somaliland

 

Guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayey oo ka socda Somaliland ay tageen tuulada Hol Hol ee gobolka Sool ayaa BBC u sheegay in shir ay tuulada ku yeelan lahayeen salaadiinta iyo cuuqasha gobolka Sool la joojiyey.

 

Wuxuu intaas ku daray in ilaa 12 garaad oo tagay Holhol si ay ugu shiraan ay ciidamada Somaliland ka hor istaageen, iyagoo fulinaya amarka Somaliland.

 

Wuxuu u sheegay weriyaha BBCda Xuseen aw-Jaamac Jibriil in ay isku afgarteen hogaamiyayaasha dhaqanka ee halkaa tagay in la fuliyo go'aanka dowladda Somaliland ee ahaa in aan shir lagu qaban karin shir.

 

Wuxuu intaa ku daray in aan wax shir ah ka qabsoomin HolHol, balse ay iyagu kulan la qaateen qaar ka mid ah hogaamiyayaasha dhaqanka oo ay kala hadleen "danaha reerka iyo nabadgalyada gobolka", kuwaas oo uu sheegay in ay isku afgarteen , kadibna saaka isimadii ay ka ambabaxeen HolHol, iyaguna ay ka soo tageen.

 

Wararka, ayaa sheegaya in hogaamiye dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka oo ka tagay Puntland iyo siyaasiyiin kale ay tageen HolHol si ay halkaas ugu yeeshaan shir u gaar ah beesha.

BBC Link

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this