Sign in to follow this  
miles-militis

Take cover: Silaanyo on the attack

Recommended Posts

On the issue of democratic process and freedom of expression:

“....hadda dalku marayo heerkii qofka Siyaad Barre wax ka sheega la odhan jirey Qaranimaduu ka hor yimi. Waxa uu ka sheekeeyey marxaladdaas, isaga oo soo qaatay qiso ka dhacday Muqdisho waqtigaas oo ahayd “Islaan dawersanaysa oo Ceel-gaab dhex maraysey ayaa ilmo yar oo ay xambaarsanayd ku ooyey, dabadeedna waxay ku tidhi waar naga aamus wax yahayow afka weyn leh. Wax maqlay Guulwadayaashii iyo NSS-tii oo islaantii xidhay iyagoo leh waxaad u jeeddaa Madaxweynaha”.

 

This beautifully depicts the oligarchic nature of the pluralistic political idiosyncrasies practised by the godFather of Hargeisa – Mr Riyaale himself, and says it:

Waxana uu xusay oo uu dhacdadaas barbardhigay Xadhigga Boqor Cismaan Buurmadow oo maxkamadda lagu keenay eedaymo la xidhiidha in uu Madaxweynaha aflagaadeeyey ama wax ka sheegay.

 

Goes for the salacious succulent gut, and Riyaale’s association with the Berbera massacre in his days as the commander of the notorious NSS (Hangash):

“Waa la soo qaadayaa xasuuqii iyo ciddii xasuuq geysatey”. Isaga oo sheegay in dowladda ay ka buuxaan kuwaasi.

 

On the issue of crimes against humanity in the hands of the leadership of the ruling party:

“In alla inta maanta Madaxtooyada iyo agagaarkeeda wax ka ahi 90% waxay u badan tahay intii halganka ka soo horjeeddey, intii Faq******ta ahayd, intii xasuuqa ka qaybgashay intii hawlahaa ku jirtey,” ayuu yidhi.

 

Here, he lays into Awil (minister of Finance) and isma’il (Interior):

 

Waxana uu xusay in ninkii khiyaameeyey waqtigii ay jirtey Dowladdii Soomaaliya ee Midnimada Soomaaliya loo dagaalamayey ee sirta u gudbiyey Cadowga, markii dambe ee halganku bilaabmay ee Somaliland loo dagaalamayey-na dhinaca kale ka soo jeestay ay maanta halkan wax ka yihiin. “Anigu dalka Somaliland baan aaminsanahay, u soo dagaalamay, u soo halgamay, u joogaa oo aan digaacayaa” ayuu yidhi.

 

Here it is

Share this post


Link to post
Share on other sites

Siilanyo is right about the arrest of Boqor Buurmadow. There is no reason for his arrest absolutely what so ever. However, I believet it is not wise, or even factual to equate this particular situation to when people like Judge Nur who recently got deported from Sandeigo gave out sentences of either death or life imprisonment. At least the Boqor has a lawyer.

 

As for the war crimes against Dahi Riyale, they have been alleged before. Yet, I doubt he physically murdered any one. He was a junior officer in the dreaded NSS. Futhermore, he was stationed in LasAnod and Berbera and all we have of the allegations against him is the testimony of a 14 year old boy. His crime is he was present when that 14 year old father was taken away. Yet there are countless people who have said Dahir Riyale actually saved them.

 

 

The ministers in question however are scum of the earth and Siilaanyo hit the mark well. They are nothing but opportunistic hayenas.

 

All in all, Siilanyo can't keep trying to digg the past to get political support. He worked with Riyale, and reported to him as his Vice President when Siilanyo was Minister of Finance. If Riyale was good enough then, he is good enough now, and even more so because he was elected. Not to mention the fact that Siilanyo was among the people who made the Republic of Somaliland blossom because past crimes, and atrocities have been forgiven.

 

I believe, however this is good for the country. The more he puts Riyale under the hot seat the more he will try to be a better president.

Share this post


Link to post
Share on other sites
LANDER   

Samurai,

I see you still salivate any possible bad news coming out from Somaliland, but try to hold back your premature bloodlust. Mujahid Siilanyo wouldn’t take any drastic actions that would jeopardize the Republic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Siilaanyo Oo Sheegay Inaan Xamar Laga Xigin, Shirka Kenyana Sheegay Inuu

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Axmad Maxamuud Siilaanyo ayaa shaaciyay inuu meel fiican marayo shirka Soomaalida ee Kenya ka socda, isagoo carrabka ku dhiftay inaysan jirin cid Xamar ka xigta, xilligii uu doonana uu tegi karo.

 

Guddoomiyuhu waxa uu xusay in uu mar allaale iyo markii uu doono uu aadi karo magaalada Muqdisho, wax culays ahna uusan ka haysan, iyadoo warar ka imaanaya ilo ku sugan Hargaysa ay si hoose u sheegayaan in laga yaabo inuu shirka Kenya xaggiisa u ambo baxo waa haddii rajada laga qabi karo natiijo ka dhalata shirkaasi ay sii xoogaysate'e.

 

 

Dadka reer Muqdisho ayaa aad u soo dhaweeyay hadalkan ka soo yeeray Siilaanyo, iyagoo u arkayay arrin wanaagsan oo xoojinaysa rajada laga qabo in midnimada labada gobol shaki laga saaro taasoo sal u ahayd u amba qaadista dhinaca raadinta isu imaanshaha gobollada kala duwan ee Soomaalida.

 

 

 

 

 

C/llaahi Khadar, Goobjoog, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axmed Siilaanyo Oo Si Kulul Uga Jawaabey Eedo Loo Jeediyey; Xukuumaddana Ku Eedeeyey Inay Soo Abaabushey

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 28 February, 2004

--------------------------------------------------------------------------------

 

Hargeysa – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ku eedeeyey xukuumadda Somaliland in ay waddo olole ay isku deyeyso inay ku dhaawacdo ama ku waxyeelayso sumcaddiisa, sharaftiisa iyo shakhsiyaddiisa iyo tan xisbigiisa.

 

Axmed Siilaanyo oo shalay galabnimadii saxaafadda ugu warramay gurigiisa, magaalada Hargeysa waxa uu ka jawaabay hadal ay Telefishanka Hargeysa iyo wargeyska Haatuf ku baahiyeen laba nin oo sheegay inay ka baxeen Xisbiga KULMIYE, kuna biireen UDUB, kuwaas oo shir ay weriyayaasha ugu qabteen Wasaaradda Arrimaha Gudaha ku sheegay in ay ka tirsanaayeen Golaha Dhexe ee KULMIYE, isla markaana ay go’aansadeen inay ka baxaan oo ay ku biiraan UDUB, kadib markii sida ay sheegeen ay ka biyo-diideen xog-warran uu siiyey Axmed Siilaanyo xubnaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer oo uu kula shiray Burco markii uu dhowaan socdaalka ku tegay oo ay ka qaybgaleen.

 

Labadaa xubnood; Mustafe Maxamuud Cali iyo Saleebaan Ibraahim Maxamuud; waxay ku eedeeyeen Axmed Siilaanyo arrimo dhawr ah oo ay sheegeen in uu shirkaa kaga warramay, sida in uu beddelay mawqifkiisii gonni-isu-taagga Somaliland oo uu u socdo Soomaaliya iyo shirka lagu heshiisiinayo kooxaha ee Nayroobi, in uu ka soo horjeedo hawlgalka ciidan ee lagu sugayo xuduudka,in uu abaabulayo Salaaddiin tagta shirka Nayroobi iyo arrimo kale dowladda ka dhan ah.

 

Axmed Siilaanyo oo hadalkiisu ka dhashay codsi weriyayaal ka socdey SLtv ay weydiisteen in uu arrintaa ka hadlo dhinaciisa, isla markaana ka afeeftay in aanu afka xisbiga ku hadlayn, waxa uu sheegay in labadaa nin ee hadlay uu ku arkay Burco, xisbigana ay ka tirsanaayeen, balse aanay ahayn sida ay sheegteen xubno miisaan leh oo ka tirsanaa Guddiga Fulinta iyo Golaha Dhexe ee xisbiga midna, wuxuuna beeniyey arrimaha ay ku eedeeyeen, isaga oo sheegay in waxyaabihii uu ka hadlayna ay badankooda si kale u marooriyeen.

 

Axmed Siilaanyo waxa uu ku tilmaamay hadalka nimankaas iyo ka bixistooda xisbigaba wax aan macno samaynayn, qof walibana uu arki karo in aanay macquul ahayn.

 

“Macne weyn may yeesheen” ayuu yidhi; “haddaanay arrintani ahayn shir laga qabanqaabiyey xafiiska Wasiirka Daakhiliga oo meeshiisana lagu qabtay (shirka jaraa’id)”.

 

“Sida wax u dhaceen iyo muddooyinka u dhexeeyey iyo qaabkay u dhaceen waxay muujinayaan in arrintani ay tahay olole ay waddo dowladda lafteedu, inay tahay olole ay dowladdu waddo ayaa meesha ka cad,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo. Wuxuuna intaa ku daray; “Hadday xubin xisbi ka baxday oo xisbi kale gashay tahay wax ceebaal ah oo ku jiraa ma jirto”.

 

Isaga oo sababaynaya in aanay arrintu ahayn inay iskood uga baxeen xisbiga-na waxa uu is-weydiiyey waxa ay shirkooda jaraa’id ugu qaban waayeen xafiiska xisbiga ay ku biireen ee UDUB ama meel kale oo madax bannaan.

 

Siilaanyo oo ka hadlaya shirkii uu xafiiska KULMIYE ee Burco ugu qabtay xubnaha xisbigaas iyo waraysigii uu ka siiyey xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxa uu sheegay in shirkaa uu kaga hadlay mawqifka xisbiga iyo aragtidiisa siyaasadeed ee marxaladda waqtigan dalku marayo sida ayuu yidhi aan meel kasta oo kaleba ugaga hadlo. Isaga oo sheegay in intii uu shirkaa kaga hadlay uu dadweynaha Burcona uga sheegay Khayriyada, mana jirto ayuu yidhi sabab aan si gaar ah ugula shiraa.

 

Waxa uu sheegay in uu ka hadlay arrimaha qaranka saameeya oo u baahan ayuu yidhi in meel looga soo wadajeesto oo aragti midaysan laga yeesho. Waxana uu soo qaaday arrinta dagaalka iyo sugidda xuduudaha dalka oo uu sheegay in uu ka hadlay, mawqifkiisana uu caddeeyey marar badan ilaa intii uu dibadda ka soo laabtay, isaga oo sheegay in uu dowladda uu ku taageeray hawlgalkeeda sugidda xuduudaha. Laakiin, taas macnaheedu maaha ayuu yidhi in dagaal keliya uu xal yahay ee haddii nabad lagu gaadhi karayo lagu tago iyada oo la kaashanayo Isimada iyo waxgaradka gobolka.

 

Axmed Siilaanyo isaga oo ka hadlaya sida dadku khaladka uga fahmaan mucaaridnimada ama loogu khaldi karo waxa uu yidhi;

 

“Dadka waxaad mooddaa in xisbinimadii weli wax uga dhimman yihiin. Xukuumaddu waa xukuumad oo xisbi baa haya oo xaq ama xaqdarro ha ku helee doorashadii ku qaatay oo taa dooddeedu maanta ma taagna… Waxaynu ka hadlaynaa dadku ama xisbiyada ha ku jireen ama yaanay ku jirine ma fahmeen waxa ay tahay shaqada mucaaridku”.

 

Waxana uu intaa ku daray in xisbi marka uu sharci ku dhisan yahay, dastuurkana ku jiro inuu yahay xisbi qaran, shaqadiisuna ay tahay in uu ilaaliyo oo tilmaamo dhalliilaha dowladda.

 

“Marka aan dowladda wax ka sheego yaan loo arkin in aan qaranka ka hor imi ama duminayo,” ayuu yidhi. Waxana uu si kulul u dhaleeceeyey xukuumadda oo uu sheegay in uu hadda dalku marayo heerkii qofka Siyaad Barre wax ka sheega la odhan jirey Qaranimaduu ka hor yimi. Waxa uu ka sheekeeyey marxaladdaas, isaga oo soo qaatay qiso ka dhacday Muqdisho waqtigaas oo ahayd “Islaan dawersanaysa oo Ceel-gaab dhex maraysey ayaa ilmo yar oo ay xambaarsanayd ku ooyey, dabadeedna waxay ku tidhi waar naga aamus wax yahayow afka weyn leh. Wax maqlay Guulwadayaashii iyo NSS-tii oo islaantii xidhay iyagoo leh waxaad u jeeddaa Madaxweynaha”.

 

Waxana uu xusay oo uu dhacdadaas barbardhigay Xadhigga Boqor Cismaan Buurmadow oo maxkamadda lagu keenay eedaymo la xidhiidha in uu Madaxweynaha aflagaadeeyey ama wax ka sheegay.

 

Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in haddii wax laga sheego biyo- la’aanta Hargeysa, taya-xumada waxbarashada, ganacsiga iwm aanay ahayn qaran-dumisnimo.

Isaga oo ka jawaabaya eedaynta ay xubnahaasi u jeediyeen ee ah in uu beddelay mawqifkiisii goonni-isu-taagga Somaliland, Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay in koonfur ay ugu dambeysey horraantii 1982-kii markii uu ka tegey dowladdii Siyaad Barre ee uu ku biiray ururkii SNM, dibna aanu u tegin.

 

Wa ayo cidda iga horjoogsan kartaa haddii aan doono in aan tago” ayuu yidhi Axmed.

Waxana uu sheegay in dowladda ay ku kala duwan yihiin; iyadoo ciddii ka timaadda Xamar ay ku biirto UDUB, si fiicanna loo soo dhoweeyo oo weliba manaasiib la siiyo. Yaa soo sheegi kara ayuu yidhi qof Xamar ka yimi oo KULMIYE soo galay?. Waxa uu sheegay in dowladdu sheegtay in aan la soo qaadi Karin xasuuq iyo cid Xamar tegaysa, waxana uu yidhi; “Waa la soo qaadayaa xasuuqii iyo ciddii xasuuq geysatey”. Isaga oo sheegay in dowladda ay ka buuxaan kuwaasi.

 

“In alla inta maanta Madaxtooyada iyo agagaarkeeda wax ka ahi 90% waxay u badan tahay intii halganka ka soo horjeeddey, intii ******ta ahayd, intii xasuuqa ka qaybgashay intii hawlahaa ku jirtey,” ayuu yidhi.

Waxana uu xusay in ninkii khiyaameeyey waqtigii ay jirtey Dowladdii Soomaaliya ee Midnimada Soomaaliya loo dagaalamayey ee sirta u gudbiyey Cadowga, markii dambe ee halganku bilaabmay ee Somaliland loo dagaalamayey-na dhinaca kale ka soo jeestay ay maanta halkan wax ka yihiin.

 

“Anigu dalka Somaliland baan aaminsanahay, u soo dagaalamay, u soo halgamay, u joogaa oo aan digaacayaa” ayuu yidhi.

 

Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lander – it is prudent to stick with the reference notes, and leave matters beyond one’s comprehension fathomable by way of hard knuckles to others, all right mate?

 

Silanyo could hardly be expected to disappoint and disturb the civility, for if he were susceptible to resorting to such acts, and such were the nature of the man, anyone would have hardly bothered observing his views on the political narratives of the region. Perhaps a few scores of years down the scorching course, you will have gained deeper conception of the prevalent settings in the Horn, and then you will have realised the reason for sharing these perspectives. Until then, cheerio!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this