Sign in to follow this  
General Duke

MARKA: Clan Courts arrest elders? + charcoal trade .. the plight continues

Recommended Posts

MARKO: Odayaal ka codsaday Maxkamadahainay sii dayaan odayaal ku xirxiran Xabsiga Degmada Baraawe

Posted to the Web Nov 27, 12:24

 

 

Marko (PP) – Odayaal ka tirsan Dadka Deegaanka Gobolka Shabeellada Hoose oo haatan k sugan degmada Marka ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa waxay soo saareen maanta qoraal ay kaga codsanayaan Maxkamdaha inay sii dayaan xubno lagu haysto Degmada Baraawe.

 

Qoraalka oo ay ku saxiixnaayeen in ku dhow 10-odayaal oo isugu jira cuqaal iyo nabaddoonno ka soo jeeda beel ka mid ah beelaha ku dhaqan Shabeellada Hoose ayaa waxay qoraalkooda kaga codsanayaan Maxkamadaha in la sii daayo ku dhawaad 10-oday oo u xirxiran gacan ku dhiigle baxaday.

Sidoo kale qoraalka ayay ku sheegeen odayaashaas in raggaas loo xirxiray kaddib markii wiil gacan ku dhiigle ah oo ay isku hayb yihiin uu baxsaday markii uu dil ka geystay deegaan ku dhow Degmada Baraawe.

 

Odayaasha xirxiran ayaa la sheegay inay ku jiraan Xabsida Degmada Baraawe in ku dhow 10-casho, waxaana ay ka walaacsan yihiin sida ay qoraalkooda ku sheegeen odayaasha xaaladda caafimaad iyo midda nololeed ee odayaashaas ay ku sugan yihiin.

 

Caaqil Abuukar Sheekh Wacays oo ka mid ah cuqaasha ku saxiixan warqadda ay maanta soo saareen ayaa sheegay inay ka codsanayaan Maxkamadaha Mas’uuliyiintooda in ay wax ka qabtaan arrinta ay ka cabanayaan waxayna sheegeen in raggaas ay yihiin kuwo aan waxba galabsan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail:

LOL@puntlandpostmog@ hotmail.com. Yo, what herb are these clowns smokin'. Somebody introduce them to a domain name and address...Hotmail dot com aa ka dhacthay meesha :D

 

The story needs to be confirmed from a impartial source.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Man this discussion is tiresme,I think the audience of this political form would appriciate if you didn't post every lie that is out there.

 

One more thing,teh news is out on the front page of SOL,no need to repeat them here,we have already read the same things you are posting here..post articles or timely news,not every nonsene out there.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Tiresome he says, not tire some. These clans will relish the chance to see the clan courts mellitia gone for good.

 

I love the way you all get religious, then deny the rights of the people of these araes?

The justice you talk about will come to them.

 

 

Dhoofinta dhuxusha iyo Xaalufinta dhulka Koonfureed ee Soomaaliya oo weli si caadi ah u socoto

 

Buur Weyn Oo Dhuxul Laga Dhisey Oo Ku Taalla Xeebta Baraawe Oo Lala Sugaayo Maraakiib Dhoofissa. 11/26/06

DMC News Center - DMC

Howlo dhuxusha lagu dhoofinayo ayaa weli waxa ay ka socdaan qaar ka tirsan dekedaha macmalka ah ee ku yaala goobaha ay ka taliyaan maxkamadaha Islaamiga ah xilli maxkamaduhu ay sheegeen in la mamnuucay dhuxul dhoofinta, iyadoo maalintii shalayna marsada macmalka ah ee degmada Baraawe uu ka shiraacday Markab sida 20.000 kun oo kiish oo dhuxul ah, waxaana isla shalay ku soo xirtay markab kale oo isna halkaasi loogu diyaariyey dhuxul fara badan oo lagu wado maalmaha soo socda in lagu raro.

 

Arintan ayaa u muuqata in Ganacsatada dhoofisa dhuxusha ay iska dhegatirayaan go'aankii ka soo baxay maxkamadaha islaamiga ah ee sheegayey in la joojiyey dhuxusha in loo dhoofiyo dalka dibediisa, iyadoo dhinaca kale maxaakiimtu ay iyana u muuqdaan kuwo aan dooneyn iney talaabo adag ka qaadaan ganacsatadan xaalufineysa dhirta oo mudadii labada bilood ah aheyd ee ay codsadeen in loo siiyo sidii ay u bixin lahaayeen dhuxul fara badan oo u tiilay ay horey u soo dhamaatay.

 

Ciidamada maxkamadaha islaamiga ah ee ku sugan degmada Baraawe ayaa iyagu iska daawanaya dhuxushan laga dhoofinayo dalka ee horey ay maxaakiimtu u mamcuuceen, iyadoo wararka qaarkoodna ay sheegayaan in ciidamada maxkamaduhu ay lacago canshuur ah ka qaadaan ganacsatada dhuxusha, taasoo dad badan ay rumeysan yihiin iney qeyb ka tahay iska warqab la'aan badan oo weli laga dareemayo maxkamadaha Islaamiga ah, isla markaana dhuxul dhoofinta aysan ula dagaalamin sida ay ula dagaaalameen Qaadka oo isna ka mid ahaa waxyaabaha ay maxkamaduhu mamnuucida ku soo rogeen.

 

Arintan ayaa ku soo beegantay xilli Madaxa warfaafinta iyo dacwada ee maxkamadaha islaamiga ah Sheekh C/raxiin Cali Muudey uu maalmihii la soo dhaafay kaa dhawaajiyey in mudadii labada bilood aheyd ee loo qabtay dhuxul dhoofinta ay ku ekeyd 21-kii bishan, isla markaana maxkamaduhu aysan aqbali doonin wixii maalintaas ka dambeeya in jawaan dhuxul ah laga dhoofiyo dekedaha ku yaala goobaha ay maxkamdahuhu ka taliyaan, isagoo ugu baaqay ciidamada maxkamadaha iney soo qabtaan cid kasta oo ku xad gudubta go'aankaas.Xigasho: Dayniile

 

* Filed Under: Top Headlines

* add new comment »

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kashafa   

no need to repeat them here,we have already read the same things you are posting here..post articles or timely news,not every nonsene out there

Again, Akh.. you gotsa understand the Dukestar's mind-set. Brotherman is grasping at straws. The Scary Trifecta of Indhacade, Lower Shabelle, and Al-Qaida is getting old. At this point, anything negative would help the TFG's front man on SOL, no matter how repetitive or how loud a fart it is. Not saying that this here incident didn't happen. But the Dukestar simply isn't one to be trusted. Surest way to ruin your credibility ? Blindly follow and report your clan's interests. Ignore everything else. Worship your leaders, even to the brink of hell-fire. Attaboy, Duke.

 

now you expect these people to fight for your clan

See, the thing is, they're not my clan.. but they're my brothers in faith. Hopefully, one day you'll be able to grasp this concept called Al-Xubu fil Laah wal Baghdu fil laah. "Love for Allah's sake and Dislike for Allah's Sake". Till then, baakat sigaar ka toor and mardoof isku dhacayso kalawaxay. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol. Brothers in faith sure, but why did Xasan Dahir, IndaCade and Abdiqasin forget this point when they started occupaying them more than a decade ago.

Now you face a life threatening problem you remember the faith? :D

 

I repeat again the people of Barava, Marka, Qoryoole, all the south will want to see the back of the USC=Clan Courts millitia....

Share this post


Link to post
Share on other sites

source

 

27 - 11 - 2006 - Wararka Caalamka iyo Soomaaliya

 

CAMBAAREYN FAL XUMDA LOO GEYSTEY ODEY DHAQAMEYDYO

 

 

27/11/2006

 

sII DEGDEG AH WAA IN LOO SOO DAAYA ODEY DHAQAMEEDKA LAGU XIDHXIDHEY MAGAALADA BARAAWA

 

waxaaa shabakada lasoo xadhiidhey duqey, dhallinyero ka tirsan beesha...... oo ku kala nool yurub iyo bariga dhexe, ayaga oo doonaaya inay halkaan usoo mariyaan cambaareyn kuwa ku dhaqaaqey xadhigga foosha xun ee loo geystey odeyaal naboddoonno ah magaalada Baraawe.

 

waxay ku tilmaameen arrintaani inay tahay mid curato ah waayo waa wax aan horey u dhicin, saa darteed ayay yidhaahdeen, waa in arrintaani aysan ka aamusin siyaasiyiinta iyo odey dhaqameedyada beelaha Soomaaliyeed waayo waxay tahay mid billow ah, oo haddii aan laga hadlin dhiirri gelindoonto kuwa seef la boodka ah.

 

odeyda ayuu hadalkooda ku adkeeyey inay arrintaan , ay billow u tahay ******** cusub oo u gaar noqoneysa , dhibaato kastaa ee dhacdaayi inaan la dhex gelin, oo sida alagu waayo odey xaajo falo."

 

dhammaan odeydaa iyo dhallinyeradaa ayaa waxay soo jeediyeen , in ay arrintaani aysan u kala hadhin odey dhaqameed , inidheer garad , siyaasiyiin, culumaauddin, waayo waa billow cusub oo aah horey loo maqal, in odeyaal xaajo falid beeleed ka shaqeynaayo in la xidhxidho, in ka badan 3 maalmoodna ay xidhnaadaan, oo aysan jirin wax ka hadley ilaa iyo haddana waa wax cusub. :eek:

 

waxay dhaliil xoog leh usoo jeediyeen idaacadda BBCda oo aan marna soo qaadin, ayada oo maalmahaan la ogyahay inay buun u tahay maxaakiimta ayaana marna soo qaadin, inkastoo aya yiraahdeen rag ka mid ah ay la xariireen wariyayaalkooda qaar, oo ay ilaa haddase aysan war kasoo saarin.

 

waxaana u aragnaa ayay yiraahdeen BBCdu inay tahay idaacad gaar ah sida kuwa ka dhisan xamar, oo keli u durbaan tuma beelo gaar , oo marna aan kasoo hadlin dhibaatooyinka haysta beelaha ku dhibaateysan gobollada qaar, sida shabeellada hoose oo maanta ay dhibaatada ay ka taagan tahay.

 

Duqayda, dhallinyerada beesha...... ee Yurub & bariga dhexe

xariir

xafiiska Sh.jammaame

 

 

xafiiska sh.jammaame:U.K.

 

 

Xafiiska Jammaame

jammaame@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

B... RESISTANCE MOVEMENT ( BIREM - U.K.)

 

 

26/11/2006

 

Cambaareyn falka lagula dhaqaaqey odey dhaqameed ka dhacay gobolka sh.hoose.

 

anigoo ku hadlaaya af dhaqdhaqaaq BIREM waxan digniin cad u jeedinayaa, maamul ku sheegga ka jira gobolka shabeellada hoose gaar ahaan qeybtiisa magaalada baraawe, falka falka ay kula kaceen odey dhaqameedka, u tegey magaaladaa inay xalliyaan dhibaatadii halkaa ka dhaqcdey, oo ay ayagu xaleen waayeen, waa meel ka dhac lagu sameeynaayo , hiddaha iyo dhaqnka ay Soomaalidu leedahay.

 

waxaan halkaan ka caddeynayaa falka xadhiggaa odeydaa , ay tahay mid loogu tala galey hurin deb, iyo inay tahay fal isku dirid beelo woda degganaa, kana dhaxeeyo xeerar soo jireen ah, waxaase meesha aanan ku jirin in odey dhaqameed isu xilsaarey inuu dhibaato baajiya in xadhig loo taxaabo, waxaana hubaal ah kuwa falkaasi ku dhaqaaqey inay yihiin , kuwa uu dalka ka degi la'yahay, aana marna ka shaqeyn danaha dalka iyo umaddaba.

 

Waxaan usoo jeedinayaa in si degdeg ah loo sii daayo odey dhaqmeedka lagu xidhey magaalada barawe, shuruud la'aan , isla markaana waa in la siiyaa abaalmarinta ay mudanyihiin,una dhiganta meel ka dhaca lagu sameeyey.

 

waxaan dad weynahay Soomaaliyeed la socodsiinayaa , in dhibaatada ka taagaan gobolka sh.hoose , waa mid ay ku hayaan ********tii dalka burburiyey , taasi waxaa kasii xunn dhibaatada maanta lagu haayo oo gaadhey in odey dhaqameydkii loo taxaabo xabsiga ayada oo ay ka dhigantahay , "weesha gowrac dibiga ha ku quus qaatee", taasi waa mid ka baxsan diinta islaamaka iyo banii;aaddannimada, waa mid aan raad ku leheen taariikhda dunida in la xidho odey dhaqameed u socod nabad gelyo dhalin, waa arrin curato ku ah umadda Islaamka guud ahaan, iyo umadda Soomaaliyeed gaar ahaan, dhaqan iyo diin midna.

 

Maamulka maxaakiimta Islaamiga sida la sheegey ayaa waxuu noqdey mid sare u qaata ********ta iyo kuwa aan diinta aqoon u leheyn , asaga oo sii adkeynaaya xididdadana u aasaaya dulmiga ka jira gobolka , ayaa mar walbo uu shaadh diimeed usoo gashanayaa, taasi Dhaqdhaqaaqa waxuu u arkaa inuu yahay mid aan sal iyo raad ku leeheen diinta islaamka , mar haddii ay raalli ka noqdeen in dulmiga lagu haayo umad muslin ah, isla markaana dhibaatooyinka dabiiciga ah , sida daadadka aanan marna laga gargaarin, sida aan warka ku haayno.

 

dhibaatooyinka daadadka ayaa ah mid keli ay maxaakiimtu gargaar u fidiso dadka ku abtirsada beelaha qaar, oo ay macuunada u qeybiyaan m********tooda , gargaarka kasoo gaara umadda Soomaaliyeed ayaa noqdey mid keli lagu gargaaro beelo gaar ah, oo la doonaayo in lagu beero deegaannada qaar, sida sh.hoose, taasina waa iniay ka waantoobaan, amase aysan been oogu sheegin umadda.

 

oogu dambeentii waxaan ku soo koobayaa: waa in odeyda loo xidhey xal raadinta, dhibaato beeleed, waan in sid degdeg ah loo sii deeyaa, lana mariyaa abaalka ay mudanyihiin, tan xigtaa gargaarka la siinaaya dadka daadadka ku waxyeelloobey waa inay ahaataa mid caddaalad ay ku dhisan tahay, oo aan loo dhiibin ******** u qeybinaaya dad gara ah oo ku abtirsada beelaha la doonaaya in gobollada qaar lagu beedho.

 

waxaana usoo jeedinayaa, salaadiinta , Ugaasyada, Garaadyada , Milaaqyada , Culumaa'uddinka inay arrintaani ka woda hadlaan, waayo ayaga ayay u taalla berri ka maalin, haddiise sida tana looga amusana waxay noqoneysaa in ay u woda bannaantahay beel walbo inay sida tan ku dhaqaaqaan, teeda kale ,beelaha ay ka dhasheen ********taan ku dhaqaaqdey falkaan foosha xun waa inay tillaaba ka qaadaan, sidii loo illaaliyo hiddaha iyodhaqanka umadda Soomaaliyeed

 

Xafiiska B I R E M - U.K.

Maxamed Cismaan "Yaraas"

Af-hayeenka BIERM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this