Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Nur Cade's failure 11 out of 15 ministers resign

Recommended Posts

Muqdisho: Toban Wasiir oo ka tirsan xukuumadda Nuur Cadde oo xilalkii ay hayeen iska casileen

2. August 2008

 

 

Muqdisho(AllPuntland)-Waxaa saakay xilalkii ay hayeen Toban Wasiir oo ka tirsan xukuumadda Ra'iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen kadib markii ay shir jaraa'id ay ku qabteen magaalada Muqdisho. Sababta Wasiiraddan ay isku casileen ayey ku sheegeen wax qabad la'aan iyo ku tumusho ay sheegeen in Nuur Cadde uu sharcigii iyo dastuurkii sidii la rabay ugu soo bixi waayey.

 

Wasiirada xilalkii iska casilay ayaa waxaa ka mid ah Muxudiin Maxamed Xaaji Ibraahim Wasiirka Gaashaandhiga, Cali Axmed Diiriye Wasiirka dib u, Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka ahna wasiirka Waxbarashada iyo hidaha, Saalim Caliyow Ibrow, Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha diinta, Cali Jaamac Jangali Wasiirka arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga, C/risaaq Ashkir Cabdi Wasiirka horumarinta iyo arrimaha federaalka, Cabdi Maxamed Tarax Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Khadiijo Maxamed Cosoble Wasiirka arrimaha haweenka iyo Qoyska.

 

Wax war ah oo ka soo baxay Ra'iisul Wasaaraha Dowladda KMG oo arintan ku aadan ma jirto, balse wararkeena danbe ayaad kala socon doontaan hadii alle idmo.

 

C.M.Cali

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Waa Maxay sababta ay isku casileen Toban Wasiir oo hayey xilal muhiim ah? Magacyada Wasiiraddaasi iyo xilalkii ay hayeen

2. August 2008

 

 

wasiiro tiradooda gaareyso Toban iyo hal wasiir ku xigeen ayaa maanta shir jaraa'id ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxay ku soo bandhigeen sababaha keenay in ay iska casilaan xilalki ay ka hayeen xukuumadda Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, waxayna sheegeen in ay isku casileen go'aanka uu Ra'iisul Wasaaraha ka qaatay xil ka qaadistii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere kaasoo ay ku sheegeen in uu ahaa mid kaliye talisnimo.

 

Wasiiradan ayaa waxay kaloo sheegeen in go'aankaasi uu ahaa mid aan waafaqsaneyn sharciga Dowladda sidaasi daraateedna uu Ra'iisul Wasaaraha ku tuntay dastuurka, sidoo kale sababaha ay ka cabanayaan wasiirada xilalka iska dhigay ayaa waxaa ka mid ah in Ra’iisul Wasaaruhu uusan wax miisaaniyad ah u sameeyn xukuumada isla markaana la lunsado hantidii Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed iyadoo ay jirto maamul xumo lagu sameeyay Daqligii soo galay dalka ee dhawaan baarlamaanka la hor keenay..

 

Qadiijo Max’ed Diirye oo aheeyd Wasiirada Horumarinta haweenka iyo Arimaha Qooyska ayaa warbaahinta ugu warbixisay sababaha keenay iscasilaada wasiirada xukuumadda uu hoggaamiyo Nuur Cadde iyadoo sheegtay in tirada Wasiiradaasi ay gaarayaan Toban Wasiir iyo hal Wasiir kuxigeen, kuwaasi oo ay sheegtay in ay ka careysan yihiin qaabka maamul ee Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde wax u wado, waxayna soo qaateen qodobo ay sheegeen in uu Nuur Cadde ku tuntay qodobada 49, 48, 53 iyo 52-aad kuwaasi oo dhamaantood ka hadlaya awooda iyo talada wasiiradda Dowladda KMG ee Soomaaliya.

 

29-kii bishii Oktoobar ee sanadkii 2007 ayaa jagada Ra'iisul Wasaarenimo ee Dowladda KMG uu ku dhawaaqay Cali Maxamed Geeddi inuu iska casilay xilkaasi, kadib markii sidan oo kale xukuumadii uu hoggaaminayey ay iska dhigeen xilalkii ay hayeen taasoo ka danbeysay khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana iminka muuqanaya khilaafka aan qarsooneyn ee u dhaxeeya Nuur Cadde iyo Cabdullaahi Yuusuf kaasoo aan la ogeyn halka uu ku biyo shuban doono.

 

Magacyada Wasiirada xilka iska casilay

 

1.Cali Axmed Jaamac Jengeli,Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

 

2.Xuseen Ceelabe Faahiye,Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo waliba Dalxiiska

 

3.Saalim Caliyow Ibrow Ra’isal wasaare ku xigeenkii ahaana Wasiirka Garsoorka.

 

4- Caydiid C/llaahi Ilka Xanaf Ra’isal wasaare ku xigeenkii ahaana Wasiirka Waxbarasahada,hiddaha iyo dhaqanka

 

5.Muxiyidiin Maxamed Xaaji Ibraahim Wasiirka Gaashaandhiga.

 

6.Maxamed Cali Saalax Kaange,Wasiirka Macdanta iyo Tamarta.

 

7.C/risaaq Ashkir Cabdi,Wasiirka Dib u heshiisiinta, Horumarinta Gobollada iyo Arrimaha Fadaraaliga.

 

8.Cabdi Maxamed Tarrax,Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta

 

9.Khadiijo Maxamed Diiriye,Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

 

10.Carab Cali Diiriye,Wasiirka Dib u heshiisiinta, hormarinta Gobolada iyo Arrimaha Fadaaralka

 

Ugu danbeyntii Arintan ayaa waxaa fikrado kala duwan ka bixiyay dadka u dhuun daloola siyaasadda dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in hadii uusan Nuur Cadde keenin xal badbaado uu mari doono wadadii Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, balse Nuur Cadde ayaa galay jawi cusub oo uu ku doonayo inuu la soo baxo mowqif cad oo uu isku badbaadinayo ama ku cadeynayo inuu ku fashilmay siyaasadda xukuumadda.

 

C.M.Cali

AllPuntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiir kale oo kusoo biiray masuuliyiintii maanta is casilay.

 

Wasiirkii howlaha guud iyo Guryeynta ee dowladda federalka Soomaaliya Nuur Iidow Beyle ayaa kusoo biiray xubnihii saaka sheegay in ay iska casileen xilalkii wasaaradeed oo ay ka hayeen xukuumada Soomaaliya.

 

Wasiirkii howlaha guud iyo Guryeynta ee dowladda federalka Soomaaliya Nuur Iidow Beyle ayaa kusoo biiray xubnihii saaka sheegay in ay iska casileen xilalkii wasaaradeed oo ay ka hayeen xukuumada Soomaaliya.

 

Wasiirkii howlaha guud iyo Guryeynta oo aan ku jirin xubnihii maanta gelinkii hore is casilay ayaa sheegay in uu saaxiibadii la qabo fikirka is casilaada,maadama buu yidhi ay xukuumada Nuur Cadde ku sifowday waxyaabo badan oo dib u dhac uun ku saleysan laakin xaga hour marka ay ka gaabisay.

 

Waxaa laga casbi qabaa in xubnaha tirada yar ee wali ku harsan golaha xukuumadu ay saacadaha soo socda ku dhawaaqaan iyaguna in ay is casileen,sida ay sheegayaan warar iminka soo baxayaahi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

^My opinion is that this fellow has not matched the expectations placed on him.

And what was the expectation?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Juje, adigu you supported this guy, waxaan xasuustaa inaan mar kaaga digey ma aqaano inaad taladayda qaadatey smile.gif

 

 

Duke, adeer waxaan u maleenayaa markii horeba Nuur Cade waxba meesha kama uusan aheyn dhan kastaba, joogistiisa iyo ka tagistiisaba waa isku mid in my opinion!

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^You have a point the as we have come to understand is not competent for that position.

However I disagree with you the post of PM is vital for the republic.

 

As ever people get way to excited this is government is in flux, and the apparatus of the state is just coming into play.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Duke, good point, laakin waa inaan fahanaa sababta waxan dhan keenay, illeen horey looma mucaaradeenin Nuur Cade ama shaqadiisa waxba lagama sheegeenin oo lama oraneenin uma qalmo jagada uu haada hayo,

 

Ma markuu Maxamed dheere xilka ay wasiiradu ka xayuubiyeen baa la nacey Nuur Cade oo la yiri shaqadiisa si qumaati ah uma gudanayo.

 

Kolleey minja-xaabin baan u arkaa iyo dhagar iska cad, iyo meesha anaa ku amar-taakleyn

Share this post


Link to post
Share on other sites

There is a political clock ticking away, and time for every move. There was a clear divide and diffrenec between the Presidnet and Nur Cade for a while. Nur Cade has proven to be confused and found the job at hand daunting.

 

Not a single ministers office was working, nothing has been achieved other than the talks in Djibouti which can be credited to the UN envoy.

 

On the security front he Nur Cade has given the insurgents many opening, were these intentional such as Jowhar & Beldweyne or not.

 

However the Mohamed Dheere incident and his softness on the Al Shabaab crimianals seems to have sunk the ship.

Share this post


Link to post
Share on other sites

In Badan Wasiirada Xukuumada Ra'isul Wasaare Nuur Cadde oo maanta is casilay

 

Source: Shebelle

 

August 2, 2008 Markacadeey

 

KMG Soomaaliya ee uu hor kacayay Ra'isul Wasaare Nuur Cadde ayaa maanta iska Casilay Xilkii ay hayeen.

 

Wasiiradani maanta iska casilay xilalkii ay ka hayeen Xukuumada uu hor kacayo Ra’isul wasaare Nuur Cadde ayaa ah kuwa gaaraya 10 wasiir iyo hal wasiir ku xigeen kuwaasi oo hayay xilaal gaarayay illaa iyo 13 wasaaradood oo dhamaanatooda ka wada tirsanaa xukuumadii dhawaan loo magacaabay in uu hor koco Ra’isul wasaare Nuur Xasan Xussen (Nuur Cadde).

 

Wasiiradani maanta xilkii ay hayeen iska casilay ayaa waxaa ay sheegeen in ay isaga casileen xilkoodii kadib markii ra’isul wasaare Nuur Cadde uu go’aan kali talisnimo ah ka qaatay Xil ka qaadisatii uu ku sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere Taasi oo ay sheegeen in aaney Waafaqsaneeyn sharciga Sida ay hadalka u dhigeen.

 

Waxaa ay sidoo kale sheegeen wasiiradaasi in ra’isul wasaaruhu uusan wax miisaaniyad ah u sameeyn xukuumada taasi oo sababtay in la lunsado hantidii Qaranka iyo Tan shacabka waxaana ay sidoo kale tilmaameen in maamulxumo lagu sameeyay Daqligii dalka ee baarlamaanka dhawaan la hor geeyay.

 

Qadiijo Max’ed Diirye oo aheeyd Wasiirada Horumarinta haweenka iyo Arimaha Qooyska ahna Sii hayaha Wasaarada Xanaada Xoolaha iyo Wasaarada Kaluumeeysiga iyo Bay’ada ayaa warbaahinta u sharaxday tirada iyo magacayada wasiirada iska Casilay Xukuumada Ra’isul wasaare Nuur Cadde waxaana ay sheegtay in ay gaarayaan 10 wasiir iyo Hal wasiir ku xigeen kuwaasi oo dhamantooda Ra’isul wasaare Nuur Cadde ku eedeeyay in uu ku takri farlay Awooda Xukuumada.

 

Magacyada Wasiirada Xilka Iska Casilay waxaa ay kala yihiin

 

1. Avv Caydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf Ra’isul Wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Waxbarashada iyo Hidaha.

 

2. Saalim Caliyoow Ibroow Ra’isul wasaare Ku xigeen ahna Wasiirka Arimaha Diinta iyo owqaafata.

 

3. Marwo Qadiisjo Max’ed Diiriye Wasiirada horu Marinta Amuuraha Qooyska.

 

4. Muxudiin Max’ed Xaaji Ibraahin Wasiirka Gaashaan dhiga.

 

5. Max’uud Cali Saalax Wasiirka Macdanta iyo Tamarta.

 

6. Cali Jaamca Jangali Wasiirka Arimaha Dibada.

 

7. C/risaaq Ashkar Cabdi Wasiirka dib u heshiisiinta iyo horumarinta Gobolada.

 

8. Cabdi Max’ed Tarax Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.

 

9. Xuseen Ceelaabe Faahiye Wasiirka Ganacsiga.

 

10. Carab Cali Diiriye Wasiir ku xigeenka dib u heshiiniinta iyo Horu marinta Gobolada.

 

Wasiradani ayaa sidoo kale dhamaantooda sheegay in Ra’isul wasaare Nuur Cadde uu ku tuntay qodobada 48,49,52 iyo 53aad ee dastuurka KMG oo dhaantooda ka hadalay awooda iyo Talada Wasiirada Xukuumada KMG Soomaaliya.

 

Xil iska Casilida Wasiiradani ayaa waxaa ay imaaneeysaa xili qilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Ra'isul wasaare Nuur Cadde iyo Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

 

Horay ayaa sidan oo kale qilaaf soo kala dhex galay Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Max’ed Geedi iyo Cabdulaahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ay sidan oo kale ah isku casileen Wasiiradii xiligaasi kuwaasi oo u muuqday in ay la kala safnaayeen madaxweynaha iyo Ra’isul wasaarihii xiligaaasi ee Cali Geedi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by nuune:

Juje
, adigu you supported this guy, waxaan xasuustaa inaan mar kaaga digey ma aqaano inaad taladayda qaadatey
smile.gif

I still do support him sxb.

 

Generale those who resigned will be replaced with new ones..

do you have anything else against Nuur Caade apart that he has a different interest to that of Yeey?

Nuur Caade has the calibre of the International community behind him - plus the fact that he has made inroads into the resistance and managed to woo some.

He will sack Maxamed Dhere, Qeybdiid, Darwish and the lot who are not even competent to manage a Bibito let alone an institution and if that irks Yeey tough luck.

The notion that Yeey will mobilize his supporters in the cabinet and the parliament to wage war against the right track will not be accepted at all sxb.

The steering wheel of the TFG is held beyond the corridors of Addis and its vicinity currently and in them Nuur Caade has more support than Yeey.

Wake up and smell the coffee.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by nuune:

Duke, good point, laakin waa inaan fahanaa sababta waxan dhan keenay, illeen horey looma mucaaradeenin Nuur Cade ama shaqadiisa waxba lagama sheegeenin oo lama oraneenin uma qalmo jagada uu haada hayo,

 

Ma markuu
Maxamed dheere
xilka ay wasiiradu ka xayuubiyeen baa la nacey Nuur Cade oo la yiri shaqadiisa si qumaati ah uma gudanayo.

 

Kolleey minja-xaabin baan u arkaa iyo dhagar iska cad, iyo meesha anaa ku amar-taakleyn

Walaale aan kaa dhexgalo,

 

Saaxiib nuune,

 

Personally, I don't know if it is true or not but I have been told that waxa kaliya ee ku haystaan Prime Minister Xusseen Cade, is that he did not follow the rules enshrined in the TFG constitution. :confused:

 

And if that is correct, that a prime minister cannot fire an individual that works for him without having a vote to do so with his other ministers - then I think, that is laughable and very preposterous .

 

"No one can serve two masters; for either he will hate the one and love the other, or he will be devoted to one and despise the other."

 

This explains the impunity with which M.Dheere chose to ignore the prime minister's orders and his claim that only the president's office can fire him.

 

Until this pretense that the prime ministerial post is independent and can direct/ appoint whomever he wishes is sorted out...the TFG will keep replacing prime ministers like females replace their sanitary pads.

 

I think the TFG should stop wasting time and scrap the prime ministership, altogether. The president should elect the remaining cabinet officers directly and actively run the affairs of state himself.

 

So next time a government blunder occurs, we will hold the president accountable and he won't have a weak prime minister to use for a scapegoat.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Juje, adeer I love the point you made about Nur Cade having the support of the "international community" same things were said about Geedi and his "Ethiopian connection".

 

Nur cade has not even been able to present a budget, thus what has his cabinbet done?

 

Nur Cade term has made the security situation even worse. This is a fact.

 

Nur Cade sacking of the Mayor of Mogadishu was against the same constitutional rules which gave him his powers. Why did he not read it?

 

Nur Cade has today lost the confidance of 11 out of 15 of the cabinet he created on his own and which even you lauded was anti Yey and so on.

 

Thus the old man seems to be incompetent and does not have even the skills Geedi had which is not saying much.

 

Any how lets watch the game to the end.

 

Its a step forward for Somalia that we can get rid of individuals and appoint new ones without blood shed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this