Sign in to follow this  
Koora-Tuunshe

Boat carrying 1700 boxes of counterfeit money from Pakistan docked in Bosaso port.

Recommended Posts

Dooni sida ilaa 1700 oo Kartoonada laga sameeyo Lacagta Faalisadah ayaa ku xaniban Dekeda Magaalada Bosaaso

2935.jpg

 

Bosaaos:- Dooni la sheegay inay ka soo baqooshay Dalka Pakistaan ayaa ku soo xidhatay Dekeda Magaalada Bosaaso taasi oo siday in kabadan 1700- oo kartoonada Laga sameeyo Lacagta Faalisadah Doonidaasi ayaa waxa la cadeeyay inay soo rarateen ganacsatada iska leh Warshada Daabacada Lacagta Faalisadaha ee ku taala gudaha Magaalada Bosaaso,Maamulka Puntland ayaa Arinkaasi is hor taagay.

 

 

Doonidaasi ayaa waxa lagu Magcaabaa Nuur Al- Xijaas taasi oo ka diiwaan Gashan Dalka Pakitaan waxay sidaa Doonidaasi waraaqaha laga sameeyo Lacagta iyo qalab kale oo aad u fara badan iyada oo qalabkaasi u siday warshada ku taalada gudaha Magaalada Bosaaso.

 

 

Arrinkan oo iminka soo shaac baxaya ayaa cirka ku sii shareeray isfaham waa hore oo u dhexeeyay Dowlada Puntland oo doonaysay inay xanibto dhaqdhaqaaqa Makiinada iyo Hantiilayaasha iska leh makiinada, ka dib markii Madaxwayne Cade Muuse oo faray ciidanka Booliska inay xidhaan warshadaasi aayna qaadaan agabka dhex yaal si loo dhigo Bangiga magaalada Bosaaso.

 

 

Hadalkaasi ka soo yeedhay Xukuumada Maamulka Puntland ayaa waxa uu cadho xoogan ku Abuuray Ganacsatada iska leh warshadaasi iyaga oo Maamulka Puntland uga digay inay lugta kala baxaan arinkaasi.

 

 

Falalkan ayaa noqonaya falal iska soo horjeeda oo u dhaxeeya Ganacsatada iyo maamulka puntland oo horay heshiis ugu ahaa inay wada-daabacaan lacagta faalsada ah ayaa hada u muuqda kuwa is fahan xumo u dhaxeeya, iyada oo ay Ganacsatadu ku andacoonayaan in Maamulka Puntland uu la soo dego diyaaradu Lacag ah oo diba lagu soo sameeyay isla markaana aanay dhici karayn in la xidho tan Ganacsadatu leedahay.

 

 

Jaamac Ayaanle Feyte

 

LaasqorayNet- Minitoring

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this