Sign in to follow this  
rudy-Diiriye

tfg spilt!!! funny one read....

Recommended Posts

Maxamed Dheere "Mineey saan wax ku sii wadaaan nimankaaan Malabsahaayo maagaa loo kala baxaa maheey ka yimaadeeneeyna aadaayaaan"

Mogadishu 09, August 2007 ( Hillaac.net) Mujrim Maxamed Dheere oo looga bartay in uu Qabiil ku beer laxawsado marka waxa uu doonayo laga hor istaago ayaa maanta mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho oo ka wareysatay Safarka Cadde Muuse uu Muqdisho ku yimid ku yiri " Aniga war uma haaynin muggoow imaahaayey, mana leeygu soo wargelin usugoo joogaan arkay, waxeeyna aheed haddii ilaaheey ku roonyahay in Gobolkaan maadaama aan aniga Guddoomiye ka ahay leeygu soo wargeliyo cidda imaahee iyo muggeey imaahee."

 

Maxamed dheere oo sidoo kale laga wareystay arrin maalmahan la hadal hayey oo ahayd in uu Maxamed Dheere doonayo inuu Maamul goboleed u sameeyo Gobolka Banaadir iyo Gobolka Shabeelada dhexe oo laysku daro ayuu wuxuu ku jawaabay.

 

" Arrinkaas waa ku guda jirnaa gebogeboowna noo maroowhaayaa haddii ilaaheey yiraahana sida ugu dhaqsiyaha badan aan ugu dhawaaqeeynaaa Maamul Goboleedkaas, laakiin hadda inaan ka hor dhaco ma rabo oo xilligeeda aan kuu sheego."

 

Waxaa kaloo la weeydiiyey Maxamed Dheere in ay run tahay in Cabdullaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse ay arrinkaas ka soo horjeesteen isla markaasna ay yiraahdeen Maamul Goboleed aan Puntland ahayn lama oggola, Wuxuuna Maxamed Dheere oo xanaaqsan arrinkaas kaga jawaabay, " Nimankaan Malabsahaayo Mineey saan wax ku sii wadaan Maagaa loo kala baxaa Maheey ka yimaadeeneeyna aadaayaan, Gobolkaan Minii Maamul laga sameeyhaa iyo minii kale uyuka shaqo kuma leh unukeey noo taallaa."

 

Maxamed Dheere ayaa sida la rumeysan yahay wuxuu kalsooni ka haystaa Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan, iyadoo sida la maleynayana arrinkan Maamul Goboleedka ah ee uu Maxamed Dheere doonayo inuu Banaadir iyo Shabeellada dhexe ka sameeyana ay tahay mid Itoobiya ay ka dambeeyso, kuna dooneyso ineey Soomaaliya u qeybiso Maamullo yar yar oo iyada hoos yimaada Maamul walbana ay u dhiibato Nin iyada si toos ah Amarka uga qaadanaya, taasoo markaas Itoobiya ay uga dan leedahay in aanan weligeed la helin Soomaali isku duuban oo Dalkooda Dowlad u sameysta, Gumeysiga Itoobiyana uu sidaas ugu hirgalo waa sida ay ku hamineyso Itoobiyee

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this