Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ethiopia's New Ambassador to Somaliland

Recommended Posts

Waaheen (Hargaysa);-Wasiirka Wasarada arimaha Dibada Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale ayaa manta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiir cusub oo ay dawlada Ethiopia u soo magacawday Somaliland,iyo xubno kale oo ka tirsan ama shaqaale ka ah safaaradaasi iyo wasaarada arimaha dibada ee dalka itoobiya.

 

Wasiirka wasaarada arimaha dibada somlialnd C/laahi Maxamed Ducaale oo ka warbixiyay safiirkan cusub ee ay dawlada itoobiya u soo magacawday jamhuuriyada s/land ayaa sheegay in ay hore dawlada itoobiya xafiis ugu la hayd s/land kaasi oo ahaa xafiis ganacsi,balse waxa uu wasiirku xusay in ay haatan dawlada itoobiya somalialnd ka furatay safaarad rasmi ah,qunsulna loo soo magcaabay.

 

Wasiirka Wasarada arimaha dibada s/land oo arintaasi sharaxaad ka bixinayana waxa uu yidhi “ waxaa manta halkan inala fadhiya Mr dirhe Tasfay oo ah qunsulka Ethiopia u fadhiyi doona s/land iyo hawl wadeeno kale oo ka socda xafiiskaasi iyo wasarada arimaha dibada ee dalka itoobiya,mr tasfay waxa uu yimid dalka shalay waana aynu sugaynay,waan ka war qabnaa waa tii la bedelay wakiilkii hare,saakana waa uu nagala qayb galay xafladii aynu ku xusaynay 29-ka October ee madaxtooyada,waxa uu inoogu yimidna waxa ay ahayd booqasho sharaf arimaha aanu ka wada hadlayna waxa weeyi xidhiidhka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

 

Anaga farxad weyn bay nootahay in safiirkan lanoo soo magacaabo,iyada oo xafiiskina imika lag dhigay safaarad halkii markii hore laga odhan jiray xafiis ganacsi,laakiin hada laga dhigay safaarad,aad iyo aadna waan ugu faraxsanahay in kor loo qaado xafiiskii oo uu noqdo qunsuliyad waana wax weyn oo qaranka u soo kordhay hawlihiina halkii ayaa laga sii xoojinayaa markaa waxan jecelahay in aan arintaasi idinla socod siiyo”

 

Waxa kale oo uu wasiirka arimaha dibada s/land halkaasi ka sheegay in wakiilkan cusub ee ay dawlada itoobiya u soo magacawday s/land uu madaxweynaha s/land Daahir Rayaale Kaahin lakulmay habeenkii xalay ahaa iyada oo uu kulankaasina ka dhacay sida uu sheegayw asiirku qasriga madaxtooyada ayna ka wada hadleen madaxweynaha iyo qunsulku arimo badan isaga oo wasiirku arintaasi sharaxayana waxa uu yidhi “ wakiilku waxa uu xalay la kulmay madaxeynaha somaliland mudane daahir rayaale kaahin, oo uu booqasho sharaf ugu tegay salaam iyo fariin uu uga siday ra,iisal wasaaraha Ethiopia Male senawi iyo wasiirka arimaha dibadaba waana uu ka gudoomay madaxweynuhu taasina in yar oo gaaban ayay ahayd aniguna waan la joogay waaxan aan odhan karaa waa talaabo wanaagsan”

 

Dawlada itoobiya ayaa s/land hore ugu lahayd xafiis ganacsi kaasi,iyada oo ay dhawaan sida laga war qabo ay bedeshay dawlada itoobiya wakiilkeedii hore ee s/land,balse qunsulkan cusub ee ay itoobiya hada u soo magacawday s/land ayaa lagayaabaa in ay ka mid talaabo ay s/land qaaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Man If I were you I would go and look at the U.K federal structure, which will be an identical model that Somalia will be taking.

 

Scotland has ambassadors in their country also, but they are still under the u.k nation.

 

Lol, This is excellent news to see Ethiopia making lead-ways into bringing somafiland into federalism. It should be commended.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Jacaylbaro, Just in-case you tried to put up a debate on the issue. Pls Read the following evidence clearly.

 

Below is a quote from the Scottish Government website.

 

Consulates are important aspects of work in international relations.

 

While London contains most embassies and high commissions from around the world (phone Directory Enquiries on 118 500 for contact details), there are a number of foreign consulates based in Scotland, primarily in Edinburgh.

 

A list of consulates in Scotland is listed on visitscotland.com

 

The Scottish Government works closely with Consulates in arranging specific events, such as visits to
Scotland from Heads of Government and Ministers, Ambassadors and delegations
.

Verification can be found at the Scottish government website below.

 

http://www.scotland.gov.uk/Topics/Government/International-Relations/ConsulatesMissions

 

Ps: In other words my friend even if hargeisa hosts president from other countries, it doesn't disturb the federal framework or consulates and embassies. Even if they send an embassy or delegation to other nations still totally workable under the federal frame-work. This is the system Ethiopia and the general international community endorses for Somalia and I must agree it's a good one.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hargeysa (HWN)- Xukuummada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay dawlada Itoobiya kor u qaaday heerka xafiiskii Ganacsi ee ay ku lahayd Somaliland waxaanay ka dhigtay qunsuliyad,

 

Sidaa waxa uu Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale, oo ay weheliyaan Siciid Maxamuud Nuur Iyo Axmed Keyse, mar uu maanta xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ugu waramayey qaar ka mid ah Warbaahinta.

 

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa sheegay inuu doraad Caasimada Somaliland ee Hargeysa ee Hargeysa uu soo gaadhay qunsul cusub oo ay dawlada Ethiopia u soo magacowday inuu wakiil uga ahaado Somaliland. Isaga arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Qunsulka dawlada Itoobiya doraad ayuu Somaliland soo galay, waa tii dhawaan la bedelay safiirkii hore ee Itoobiya, xafiiskiina waa la bedelay oo halkii uu markii hore ka ahaa xafiis ganacsi heerkiisii kor ayaa loo qaaday, oo wuxuu noqday qunsuliyad guud.”

 

 

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in tallaabadani ay kor u sii qaadayso xidhiidhka iyo iskaashiga labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya, oo uu ka dhaxeeyo cilaaqaad wanaagsan oo ku wajahan dhinacyada amniga,ganacsiga iyo arrimaha ijtimaaciga ah.

 

Qunsulkan cusub ee Dawlada Ethiopia u soo magacowday inuu u joogo dalka Somaliland ayaa waxa la yidhaahda Berhe Tesfey, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahad-celiyey Xukuummada.

 

Si kastaba ha ahaate, dadka Siyaasada u dhuun daloola ayaa waxay ku doodayaan haddiiba ay Dawlada Ethiopia ay dano waaweyn ka leedahay Somaliland dhinac Ganacsi Iyo xidhiidh wada shaqeynayd,maxaa ka hortaagan inay noqoto dalka ugu horeeya ee ku dhawaaqa inuu Ictiraafay Somaliland?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this