Sign in to follow this  
MR ORGILAQE

Mohamed Abdi Hashi and other delagates Reach Muqdisho

Recommended Posts

Madaxweynihii hore ee Puntland, Afhayeenka Madaxweynaha DFKMG iyo wafdigii u kuurgalayey Arimaha dabeesha ee gobolda Bari oo soo gaaray maanta magaalada Muqdisho

Muqdisho

 

 

Afdigii baryahaanba u kuurgalayey arimaha dabeesha oo soo gabagabeyey howlahiisa ayaa maanta kasoo anbabaxay magalada Boosaaso ayagoo ku soo jeeda magaalada Muqdisho si ay ugu guurgalaan ariamah magalada

 

 

Wafdiga ayaa soogaray wax yar ka hor magaalada Muqdisho waxaana wafdiga ka mid ah Madaxweynahii hore ee Punland Maxamed Cabdi Xaashi , Afhayeenka madaxweynaha DFKMG Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari iyo Wasiiro iyo Wasiiro ku xigeeno ayna ka mid yihiin: Wasiirka Tamarta Maxamed Nuuraani Bakar, Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka Cismaan Maxamuud Dufle, Wasiir ku Xigeenka Lacagta Mire Xaaji

 

Wafdiga oo kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Dayniile ayaa waxaa kusoo dhaweyey Duqa magaalada Muqdisho Ibraahim Shaweye asagoona ku soo wareejin doona qeybaha kala gadisan ee magalada Muqdisho.

 

Sidoo kale waxaa wafdiga ku weliya wariyaal ajnabi ah oo kuurgalaayo arimaha Muqdisho

 

Waxii soo kordha dhinaca wafdiga kala soco dayniile com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefdigii DFKMG ah ee Garoowe ka yimid oo Muqdisho soo gaaray(Madaxweynihii Puntland & xubno uu ku jiro Yuusuf bari-bari oo xaafado ka mid ah Muqdisho soo maray Dawa sawiradooda )

Muqdisho

 

Dowlada1.gif

Bari Bari iyo Ibbi

 

Wefdigii dowladda FKMG ah ee Soomaaliya ee socdaalka ku soo kala bixiyey deegaano ka tirsan gobolada Puntland, gaar ahaan deegaano ay ka mid ahaayeen Garacad & Bandar-beyla ayaa saaka ka soo degay garoonka dayniile ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, haweenka horseedka nabadda & nolosha, & waxgarad kala duwan oo ay ku jiraan ururada haweenka gobolka Banaadir.

 

 

Dowlada.gif

Maxamed Cabdi Xaashi

 

Xubnaha wefdigan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Tamarta Maxamed Nuuraani Bakar, Wasiir ku Xigeenka Caafimaadka Cismaan Maxamuud Dufle, Wasiir ku Xigeenka Lacagta Mire Xaaji, & Afhayeenka Madaxweynaha Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari & suxufiyiin ayaa waxaa socdaalkooda ku wehliyey madaxweynihii hore ee Puntland Max’ed Cabdi Xaashi, iyaga oo markii ay ka soo degeen garoonka dayniile ay soo mareen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, waxaana wefdigaasi ay ku hakadeen Istuudiyaha Idaacadda Horn Afrik halkaasoo uu warbixin ku saabsan waxyaabihii wefdigu ay kala soo kulmeen deegaanadii ay booqdeen ka soo jeediyey wasiir ku-xigeenka caafimaadka Prof. Cusmaan Max’uud (Dufle) oo sheegay in socdaalkoodu uu ku soo dhammaaday si guul ah, wuxuuna xubnaha wefdiga oo qaarkood ay 14 sano ka hor ugu danbeysay magaalada Muqdisho uu ku soo dhoweeyey.

 

 

Wefdiga ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dib ugu laabtaan magaalada Nairobi, waxeyna Muqdisho iska sii raacayaan xubno uu ku jiro wasiiru-dowladaha xiriirka baarlamaanka & xukuumadda Prof. C/raxmaan Ibbi oo isagu lugtii hore ku haray Muqdisho, kadibna socdaal indha-indheyn ah ku tegay magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose

 

 

Ku noqo beejka

 

 

Cabdishakuur Cilmi Xasan ,Dayniile Muqdisho

 

cabdishakuur@dayniile.com

 

 

 

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this