Sign in to follow this  
MoonLight1

SHONGOLE: Why are we not fighting P'land S'land

Recommended Posts

Fu'aad Shongole oo cadeeyay sababta Jihaadka u gaarsiin waayeen Puntland, balse sheegay inay howl galo ka wadaan.

 

Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf (Fu'aad Shongole) oo xalay qudbad saacad qaadatay ka jeediyay Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha ayaa ka hadlay arrimo oo ka mid ah howlaha Jihaadiga, isagoo farad-yeelay Jihaadka lagula jiro Ciidamada AMISOM iyo Dowladda KMG.

 

Muxaaradada Sheekh Fu'aad oo intiisa badan uga hadlay Jihaadka, marna si siyaasadeysan wax u qaloocinayay ayaa boqolaalka ruux ee dhageysanayay Khudbadiisa oo aheyd mid taabaneysay dhinacyo badan waxaa uu ku soo hadal qaaday arrinta Puntland iyo Somaliland oo ah deegaano Soomaaliyed.

 

Fu'aad Shongole ayaa ka hadlay eedeymo loo jeediyo Ururkooda oo ku wajahan qaabka ay socdaan howlaha Jihaadka, isagoo naqdiyay hadalo ka soo yeeray Odayaal dhaqameedyo xilli ay kula kulmeen Degmada Maxaas.

 

"Anaga cid kama heebeysaneyno inta gaalo dalkaan joogto dagaalka waa wadeynaa in odayaal iyo wadaado xumayaal aanay ka yeeleyn ka joojiya dagaalka Ugaadeyska iyo Maleeshiyada Kooxda Shariifka, oo waa la dagaalameynaa waana isku qarxineynaa"ayuu yiri Fu'aad Shongole oo qudbadiisa socotay muddo saacad ka badan.

 

Mar uu soo hadal qaaday Kulankii Alshabaab iyo Beesha Xawaadle ku dhex maray Degmada Maxaas lagu weydiiyay waxa jihaadka isaga iyo Abuu Zubeyr ugu safri la'yihiin deegaanada ay ka soo jeedaan ayuu sheegay in markii hore ay ku socdeen wadadaas laga hor istaagay.

 

"Socdaalkii aan Maxaas ku tagnay Mid ka mid ah Odayaasha reer Abtiyaashee ayaa na weydiiyay waxa nagula xanto ee ah Jihaadka oo aan u geyn la' nahay anaga iyo Abuu Zubeyr deegaanadeena"ayuu yiri Fu'aad Shongole oo intaa ku daray in markii hore Jihaadka laga soo celiyay Bandiiradleey xilli uu ku soo jeeday deegaanada Puntland sida uu hadalka u dhigay.

 

Fu'aad Shongole ayaa si hoose i iftiimiyay in Beesha ****** qudheeda ay Jihaadka ka soo celisay Puntland xilligii Midowgii Maxkamadaha ay ku sii jeedeen Puntland, xilligaasoo ay gaareen Maxkamadihii ay qeybta ka ahaayeen Alshabaab, inkastoo Rag uu ka mid ahaa Cabdi Qeybdiid ay dagaal kala hor yimaadeen deegaanadaas.

 

"Qorshayaal dagaalo jihaad ah ayaan ka wadnaa Puntland iyo Somaliland deegaan gaar ah iyo maamul gaar ah oo aan naqaano ma jiraan hadafkeena waa in aan shareecada islaamka gaarsiinaa min Raaskambooni ilaa Raas Casayr"ayuu yiri Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf Shongole oo intaa raaciyay inay howl galo ka wadaan deegaanadaas ayna u joogaan Wakiilo sida uu hadalka u dhigay.

 

Hadalka ka soo yeeray Sheekh Fu'aad Shongole ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu si toos uga hadlo arrimaha Puntland oo marar badan lagu eedeyn jiray in deegaanada uusan ka soo jeedin ka wado hurinta dagaalo, bedelkii ay dhulkiisa ay nabdoon yihiin

 

 

www.Jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

cos they dont the balls to come and fight like men intead they dress young boys in bombs and asked them to kill themselves and other innocent people, i wonder if why they dont do the same thing and so they can go to jenna on the backs of murdering masakiin....

 

what a twisted deviant and sick minds they are.... indeed somalis need to destroy this evil as surely they have nothing to do with islam and are trully shaydaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Anaga cid kama heebeysaneyno inta gaalo dalkaan joogto dagaalka waa wadeynaa in odayaal iyo wadaado xumayaal aanay ka yeeleyn ka joojiya dagaalka Ugaadeyska iyo Maleeshiyada Kooxda Shariifka, oo waa la dagaalameynaa waana isku qarxineynaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Isamic courts were a threat to SL

becuase they were a grassroots islamic movement and genuine, even though they were unsophisticated they had overwhelming sympathy from somalilanders..

if they had proper leadership most of somaliland would have switched over , overnight without a shot in anger.

 

The al shabab are another creature, basically

a bunch of wierdos that have reached thier peak,

and have no chance of gaining enough support.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this