Sign in to follow this  
Cowke

Germany Foreign Ministry Envoy Meet Puntland Health Minister. (PICS))

Recommended Posts

Cowke   

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Qaabilay Wefdi Ka Socdey Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Jarmalka

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa galabta kulan la qaatey wafti heer sare ah oo ka socda dawlada Germany kuwaas oo soo gaarey magaalada Garowe ee xarunta dawlada Puntland.

 

Wasiirka Caafimaadku waxaa uu kulan la qaartey Ku xigeenka Kaaliyaha arimaha geeska Afrika u qaabilsan Wasaaradda Ariamha dibadda ee Wadanka Germany waxaana ay ka wada hadleen arimaha Caafimaadka.

 

Shirkan ayaa ka dhacay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee magaalada Garowe ee Caasimada Puntland, waxaana kulankan kasoo qaybgalay Wasiiru dawlaha xiriirka caalamiga ah ee Puntland C/qaadir Cabdi Xaashi, Aggaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo shaqaalaha Wasaaradda.

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Karsten Diethelm Geier oo ah ku xigeenka Kaaliyaha Arimaha dibadda u qaabilsan Wasaaradda Arimaha dibada ee Wadanka Germany, Wasiirka Caafimaadka Puntland waxaa uu warbixin kooban ka siiyay Waftiga Germany isbadalada Wasaaradda ka socda iyo halka ay marayaan adeegyada Caafimaad ee guud ahaan Puntland iyo waliba baahiyaha dhanka Caafimaadka ee dalka ka jira, waxaana Wasiirku uu sheegay in dhibaatooyin badan oo dhanka Caafiamadka inay jiraan ayna ugu horeeyaan Dhakhaatiir la’aan iyo Cusbitaaladii waa weynaa oo aan badankood shaqeynayn.

 

Aggaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. C/risaaq Xirsi Xasan ayaa waftiga usoo bandhigay qorshaha Wasaaradda ee dhanka Caafimaadka iyo dhibaatooyinka dhanka Caafimaadka ee taagan ee u baahan in wax laga qabto.

 

Wasaaradda Caafimaadka ee Dawlada Puntland ayaa dawlada Germany waxay ka codsatey inay wax kala qabato dhibaatooyinka dhanka Caafimaadka ah ee dalka ka jira, lagana caawiyo sidii tabobaro loogu fidin lahaa dhakhaatiirta iyo shaqaalaha Caafimaadka ee dalka iyo in la isku xiro hay’adaha dhanka Caafimaadka ka shaqeeya ee Germany iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

 

Ku xigeenka Kaaliyaha geeska Afrika u qaabilsan Wasaaradda Arimaha dibadda ee Germany Karsten Diethelm Geier ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka soo dhaweynta diiran ee uu kusoo dhaweeyey Xarunta Wasaaradda Caafimaadka, sidoo kale waxaa uu u mahadceliyey Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Agaasimaha guud Dr. C/risaaq Xisri Xasan, waxaana uu sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashadiisa xarunta Wasaaradda Caafimaadka, waxaana uu tibaaxay inuu ka shaqeyn doono sidii uu isugu xiri lahaa Hay’adaha Wadankiisa [Germany] iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland, sidoo kale masuulkan waxaa uu balan qaadey inuu baahiyaha dhanka Caafimaadka ka jira inuu wax ka geysan doono uuna horgeyn doono xafiiskooda.

 

Kulankan ayaa kusoo gabogaboobey jawi aad u wanaagsan, waxaana wasaaradda Caafimaadka ee dawlada Puntland ay wadaa qorshayaal ay ku doonayso inay ku dardargaliso hawlaha Caafimaadka, iyadoo Wasaaraddu isku wada raadinta xiriirka dibadda iyo ka shaqeysiinta Cusbitaalada iyo goobaha Caafimaadka ee dalka, wasaaradu sidoo kale waxay wadaa qorshe ay kula xisaabtamayso Hay’adaha iyo Ururada dhanka Caafimaadka ka shaqeeya ee dalka ku sugan.

 

Wasaaradda Caafimaadka Puntland

Xafiiska Garowe.

 

shirka2.jpg

 

Shirka.jpg

 

Wasiika-Caafimaadka-iyo-Waftiga.jpg

 

Karsten-Diethelm-Wasiirka-Caafimaadka-Dr

 

KarstenWasiirka-Caafimaadka-Cali-Cabdula

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

P51420011.jpg

 

Puntland President and Germany Foreign Ministry Delegation Meet

May 14, 2010 | NEWS IN ENGLISH

 

 

The president of Puntland State, H.E Dr. Abdirahman Mohamed Mohamud hosted in his office a delegation led by the Deputy Head of East Africa Division for the German Foreign Ministry Mr. Karsten Geier.

 

Mr. Geier arrived on Thursday, 13th –May, 2010 in Puntland on a two-day official visit.

 

The Purpose of this visit was to congratulate Puntland for the stability it has created in its territory and for its commitment to the creation of a strong federal system in Somalia.

 

During the meeting, the President’s discussions with the visiting delegation covered a wide range of issues and all the discussed issues were agreed upon by the parties.

 

Present at the meeting was the State Minister for Planning and International Cooperation, H.E Dr. Abdulkadir Abdi Hashi, the Chief of Cabinet Hon. Ali Barre and senior staff in the President’s office.

 

The delegation also visited key ministries where they held discussions with the Minister of Education H.E Mr. Abdi Farah Juha, the Minister for Environment H.E Mr. Abdigani Elmi, the Minister of Health H.E Dr. Ali Abdullahi Warsame and the deputy Minister of Livestock and Animal Husbandry Hon. Abdiweli Hirsi

 

Tomorrow, the delegation is expected to visit the Ministry of Public Works and Housing followed by a visit to the Ministry of Women Development and Family Affairs.

 

Furthermore, the delegation will visit Non-state actors and institutions in Puntland including, Puntland Development Research Center (PDRC), Puntland State University, Garowe General Hospital and Garowe International Airport among other places.

 

Mr. Karsten Geier will conclude his working visit to Puntland on Sunday.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

What? Germany Foreign Ministry envoy?

 

You guys are giving qurac iyo ood a deadly heart attack. Just hope they won't faint after seeing these pictures.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hales   

Faroole looks like a Somali version of Kim Jong il in this picture. lol.

 

The health minister looks like hes about to kill someone in the last picture.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

lol @"Faroole looks like a Somali version of Kim Jong il in this picture."

 

Only, the bullet proof train used by Kim Jong il for official visits is missing, huh? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Hales:

Faroole looks like a Somali version of Kim Jong il in this picture. lol.

 

LOOL. That was funny, he has his own pic at the back. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this